Caddaaladdu waa Lafdhabarka Nolosha
Dr. Saeed Sheikh Mohamed
La Taliyii hore ee Goloha Wakiilada
Markaan madarasadda ku jiray waxan ka xiiran jiray
rayiisle aad u qurux badan oo uu laha Haji Abdi Jama
Cismaan Buuri (Abdi Waraabe) oo ahaa nin cibaado badan
oo aad ugu jajabn caruurt a, udayaashana xurmeeya. . Waxa
ku dhagsanaan jiray sawiro qurux badan.oo Asxaabti
Rasuul ka laga metelaayo. Sawiradaa waxa ka mid aha mid
ay kutaalo: “ Al Cadlu Assaul mulk الملك
اساس العدل”,
taaso macnaheedu yahay: cadaaladdu waa assaaska
dawladdanimadda.
Kalmadaasi mid aan la koray ayey ahayd oo siwacan ugu
qorantay laabtayda. Tan iyo maalintaa n 16 jir ahaa waxan
raadinayey cadaalaad. Sidaa awgeedna maamul wadankeena
soo maray oo aan ayiday majrin, tan iyo intaynu
gobanimadeedna la soo noqonay iyo intii ka horaysaba.
Waxan se waajib iskaga dhigay inaan cadaaladda u hiiliyo.
Sanad kii 2005ii, ayaan ka qayb galay
arooskii Sacad
Mohamed Ali oo lagu qabtay Ambassodor Hotel. Rag badan
oo magac ayaa joogay. Waxaanu is ag fadhiisanay Mudane
Axmed Mohamed Siilaanyo iyo Mudane
Moxamed Xaashi Cilmi.
Hadaanu in yar sheekaysanay, ayuu Mudane Axmed Mohamed
Siilaanyo intu toos u eegay Mohamed Xaashi ayuu yidhi:
“Dictatorship” kii ayaa soo no qonayah”. Mudane Moxamed
Xaashi wuxuu ugu jawaabay: “Maxaa kuu hilaacay”. Mudane
Axme d Mohamed Silaanyo wuxuu ku jawaabay:
Wax cad ma hayee sifaalehiisii ayaa ii muuqda”. Waxan filayaa
waqtigaa inuu Mudane Moxamed Xaashi ahaa Wasirka
ganacsiga. Maanta oo Mud ane Axmed Moxamed Maxamuud uu
yahay Madaxweynihii umadda loogama fadhiyo in uu isagu
“Dictator noqdo”. Waxaanaan filayaa, halkay doontaba
halamartee, inaanu wax xumee isla hayn
Aqoon yahan ku waa qareenka ka iyo hormood ummada.
Waajib baa ka saran inay maamul ka h agaan, wixii
qaloocda timaamaan oo toosiyaan. Sidaa awgeed, maqaladii
dhadheera ee aan ku q oriy jiray The Republic, ujeedada
aan kala haa waxa ahayd in Madaxda iyo shacbiguba
akhristaa n oo wixi murtiya ee ay xambarsan tahay ka
qataan lana dhaqan geliyo. Waxaana haboon inaan cadeeyo
inaanay cadaaladu ahayn Maxakamadaa oo qudha ee wax
badan oo kale ka horeeyaan. Maah’maah English ah ayaa
tidhaa: “Charity begins at home”. Intaan cidnaba la
saluugin oon la cambareen, waa in laga bilaabo toosinta
cadaalada, “Maamul Wanaag” oo marka hore la hanto kaasoo
la’aantii aanay sura galayn in la helo, cadaalad iyo
sinaan, horumar iyo sabool ka bax.. Maqaalaada aan qoray
oo dhami waxay xambaar sanaayeen Maamul wanaag iyo
daw’ga loo mar ayo. Maqaaladaa waxa ka mid ahaa:
1. 1. “Towards Better Governance for Somaliland’ ,
July
12, 2003;
1. “ The Importance of Good Governance in the Economic
Development”, March 4, 2006;
1. “ Good Governance: The Key to Growth, Development,
and Poverty Alleviation”
September, 30, 2006;
1. “The Somaliland Three-year Development Plan for
2003-2005”.
1. Open Letter to the President Elect, “Good Governance
is our buoyancy”, June 20, 2010.
Garaadka umadu aad bay u xiisayaan maqaaladayda iyadoo
aan marwalba niyada ku hayey ina an uu soo bandhigo talo
iyo tusaaleba akhristayaasha oo u ugu horeeyaan golaha
xukuumada, golayaasha xeer dajinta, mucaaradka iyo aqoon
yahan ka kale. Anigana boogadin iyo dhiiri gelin ayey
isiiyaan dadkii qoraaladayda la socday. Dadkaa waxa ka
mid ah raga igu bartay maqalaada sida Mudane Qaybe,
Mudane Saylici (the veteran diplomat), mudane Moxamed
Cabdillahi, Gudoo miyii hore ee Saxil iyo Cabdilahi Cali
Xayd, gudoomiyihii hore ee Hay’adda Shaqaalaa. Mid
waliba wuxuu ii sheegay iya goon is ogeyn in anuu
akhriyin oo qudha ee uu goosto maqaaladayda oo meel
dhigto. Waxa se nasiib daro ah in dhawr wasiir oo ka
tirsanaa maamul kii Rayaale inay ii sh eegeen in aanay
kaba war haynba; waxaanay ka mid ahaayeen kuwii midida
daab keeda hayey ee ay ahayd inay ka faa’idaystan.
Dhamaantood waxan ku qoray maqaaladaa, inaan cadaaladi
inoo suura gelayn, hadaan xaalada ha ku geedaaman, marka
hore wax laga qaban. Soomaalidu waxay tidha: “Oodo
dhacameed sid ay u kula sareyaan ba loo kale gura”,
taasoo ah in laga fakiro sidii maamul wanaagsan loo heli
laha.
Nidaam ka dawladeed ee imika inoo dhisani waa mid aan
isu deeli tirnayn oo awoodu anay qaybs anayn (checks and
balances or separation of powers). Distoor keenu, oo ah
mid aqal hoostii lag u macmalay, waxa la sameeyey intaan
axsaabta siyaasiga ah aan la furin. Dadka wax garad
kiis ana loo masoo bandhigin, haba yaratee doodna laga ma
furin markii la yidhi dadka sidaa ku cod aya, hadaa
doonaysaan madax banaanida Somaliland. Dad ku markaa
gooni isu taaga Somaliland ayey u codeeyeene ee waxba ka
may ogayn Distoorkuu sida uu noloshooda u saamay doono.
Hadaba xukun wanaagu, waa nidaam awood siman iyo is
dabgal le (Checks and Balances or Sep aration of Power)) oo sedexda qaybood ee dawlada ee kala ah: maamul,
xeer-dajin, iyo garsoor midna hoos imanayn mid kale, ee
uu mid waliba shaqadiisa u madax baxnaan yahay, isagoon
ka baqanayn in dhibaato kaga timaado mid kale. Waxaynu
wada ugsoonahay, Ra’eesal Wasarihii ho re Israel, inuu
kabtan bilaysi kiis ku soo oogay, oo intaan maxkamadii
la isla gaadhin shaqadii iska casil isagoo raacaaya
distoor ka iyo qawaaniinta wadan kiisa..
Innagana distoor keenu Qodobka 90,
faqrada 3 waxay
tilmaamaysa inuu awood Madaxweynahu u leeyahay
magacaabidda madaxda sare ee Dawadda sida:
Hanti-dhowraha Guud;
Guddoomiyaha Baanka-dhexe;
Xisaabiyaha Guud;
Taliyayaasha ciidamada iyo Ku-xigeenadooda;
Xeer-ilaaliyaha Guud.
Qodobka 114aad qaybtiisa
2aad waxay timaamaysaa in xilka
ka qaadi karo madaxda hay’adaha qaranka Madaxweynaha oo
keliyi.
Qodoba 150 Madaxweynaha wuxuu awood u siinayaa
Magacaabidda Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare. Waxa kale ee ku xusan
Qod. 150aa qaybtiisa
3aad inuu Madaxweynuhu
xilka uu ka
qaadi karo Guddoomiyaha Maxamadda Sare, isaga oo u
baahan oggolaanshaha Golaha Wakiilada & Golaha Guurtida.
Halkaa waxa ka muuqata in awoodi sinayd ee isu dheeli
tirnayd iyo is daba galkii (checks and bal ances) inay
meesha ka baxeen oo awoodii dawladnimo dhamaanteed
Madaxweynaha la hoos ge eyey. Arrinaan Madaxweynuhu aanuu
la ogayn hay’adaha dawladu
Maqaal walba waxaan ku qoray inay laga maar’maan tahay
in dib u eegid iyo wax ka badal lagu sameeyo distoor ka
hadaynu doonayno inaynu dhisano dawladnimo hirgasha oo
dimoqraadiya.
Golo yaasha xeer dajintu, wax awooda oo ay leeyhiin
majirto markay runi run noqtoo, oo masaxi karan wixi
qaldama. Maxkamadda Sare ee isla markaana ah Maxkamdda
Distoor ka,
wax awooda malaha. Labada hay’adood midna uma madax
bannaana xaga maaliyadda, ee waxa y kuu tiirsan yahiin
Wasaradda Maaliyadda.
Qof cunaha la hayaa cod malaha.. Waxan xusuuta mar ay
Rayaale iyo Goloha wikiiladdu iskaga h oryimaadeen
misaaniyadda oo Wasiir kii Maaliyadda ee Rayaale,
Cawil
Cali Ducaale ka jaray wikii ladda gunodii. Waxan kale
xusuutaa, mar Goloha Wakiiladu si rasmi ah u dalbaday
Wasir kii Xana ada Xoolaha ee Rayaale, si ay wax ka
waydiiyaan arrimo la xidhiidhaaye xoolaha nool oo
u
diida y . Waxa kale sidaaso kale yeele
Cawil Cali Ducaale
iyo Cali Maxamed Waran Cadde. Isagoo
disto or ku awood u
siiyey Golaha Wakiiladda in qof kasta oo umadda xil u
haya ay markay doonaan u yeedhaan, xika uu hayana wax ka
waydiiyaan.
Sedexda Wasirba waxay jabiyeen qodob
distoor iya.
Dacdooyin kaa soo kale waxay ku haboonyihiin
inuu
bilaysku dacwad ku soo oogo wasiirka u hog aansami waya
distoorka, amba isagoo sanku u daloolo loo keeno Golaha
Wakiiladda. Taasi se ma y dhicin mana dhacayso inta
bilays ku uu yahay hay’ad hoos timaada Madaxweynaha iyo
xukuu madiisa. Ka ba sii darane Madaxweyne
Rayaale
bilayas ka wuxuu u adeegsaday inuu Goloha Wikii lada
madashooda ka dareeriyo.
Wadamada dimoqraadiga ah, bilays ku waa xooga u dhexeeya
Xukuumadda, Goloyaasha Xeer Da jinta, iyo Garsoorka. Waa
ka ilaaliya distoorka iyo sharciga isagoo ka madax
baanaan xukuumada iyo cid walba oo kale, haday tahay
dhanka, maaliyadda, maamul ka, iyo hawl gudashada. Mar
ka yno u fiirsano dawladaa dimoqradiga ah ee Urub, bilays
ku waa hay’adda kaliya ee sharcigu u og ol yahay inay
badhitaan ku sameeyaan cid kasta oo tuhun galo, xataa
haduu yahay Madaxwey naha ama Ra’iisal Wasaraha. Waxaynu
ka wada dharag sanay baadhitaan ka ku socda imika
Ra’ii sal Wasaaraha Talyaaniga.
Waxa hubaal inaan dimuqraadiyad iyo maamul wanaag midna
la helayn inta hay’adii loogu tala galay inay danta
qaranka ilaaliyaan, sida Hantidawraha Guud , Xisaabiyaha
Guud, Xeer Ilaaliyaha Guud, Maxkamada Sare, Baanka
Dhexe, Taliyaha Bilayska ay ku milan yihiin xukuumadda,
ee Mad axweynhuna awood buuxda u leeyahay inuu u
magacaabo qof kuu doono, markuu doonana eryi karo
Taliyaha Bilaysaka iyo madaxda kale ee hay’adaha
distooriga ah ee kor ku xusan. Arrin cur ada maaha in la
kala diro Maxkamadda Sare. Horena way u dhacday waany
dhicidoontaa inta dis toorku sidaas yahay.
Hadaba hadii cadaalad dhab ah la doonaayo waa in marka
hore arrimaha aan soo sheegay ee ah qodobo distooriga ah
wax laga badala oo la qeexo, sedexda waaxood ee kale ah
Xukuumadda, Xeer Dajinta, Garsoorka iyo hay’adaa kale
qaranka ee kor ku xusani, inuu mid wali ba shaqadiisa u
madax bananyey haday noqoto dhinaca maamulk, dhinaca
maaliyada iyo dhincs hawl fulinta. Isla markaa, waa in
qawaaniin adag loo sameeyo sida shaqada uu ku waayi
karaan madaxda hay’adaha aynu soo sheegnay. Arrinkaasina
waa inuu ahaadaa mid ka madax banana Madaxwaynaha sida
habka dawladda dimoqradiga ah uyaal uu yahay, ay kuna
dhaqmaana.
Waxan Madaxweynaha ku baraarujuinayaa inuu dib u eego
xaladda ay ku sugan yihiin dadka d a’yarta ah ee
maxaabiista ah. Dhalinyarada oo intooda badan lagu soo
xidho tuugo iyo boob ayadoon wax tax galina la siin
duruufaha ay ku nool yihiin iyo tay kuu soo koreen ba.
Dhalin yara daasi intooda badani waxay yihiin caruurtii
ku aabo iyo hooyaba waydai dagalkii dib u xoraynta dalka.
Iyagoo iskorisa oo cidina waligood wax tarin, xumo iyo
samo loo kala sheegin, ayey taab bo galeen. Xirfada
kaliya ee yaqaan waxay tahay tuugo iyo boob. Marka la
haleelana waa la xid ha, hadana la cafiya ama xadhigu ka
dhamaada iyadoon noloshooda wax laga badalay aanay
jirin.
Waxa xaqiiq inuu jeel keenu yahay goobta ciqaabta, ee
aanuu ahayn goobta edebta iyo dhaqan celiska. Marka
waxan ku talinayaa in:
1. macalimiin la qoro Quran ka kariimk ah maxaabista
bara akhriskiisah iyo xafidigiisah, maxbuus ku marku jus
xafidana mudada xadhigiisu wax laga dhaafo;
1. labaro xirfado ay ku sheqaysan karaan marka xadhigu
ka dhamaado sida dhismaha, nijarada, dawaarka, computer
ka iyo luqadaha qalaad.
1. maxbuusku markuu jeelka ka soo baxaanna mudu laba
sannadoodah xukuumadu u kala qaybi so hay’adaha dawladda
sida ciidamada qalab ka sida iyo meeshii kale ee
aqoontooda looga baah an yahay, loona badaloo magalo fog
oo aanuu cid ka aqoon, si uu saaxibadiisee xumaa uga
foga ado.
1. mudada wixi ka dambeeya, haduu maxbuuskaasi ismuujiyo
oo uu noqdo qof sharafle, inay xuk umadu iska xil saarto
sidii loo shaqaalayn laaha, xaataa haday tahay meheradaa
gaarka loo leey ahay.
1. la sameeyo gudi qiimaysa akhlaaqda maxaabiista
(Parole Committee) oo cidii asluubtoodu waa nagsanaato,
mudada xabsiga inta uga hadhay loo ogolaado inuu debeda
ku dhamaysto.
1. loo ogalaado qoyska isqaba ee mid kood la xidhan inay
bishii sacado tirsan si gaar ah u kulmaan, taasoo wax
weyn ka taraysa xakamaynta sinada iyo HIV/AIDS, dameer
ka qofkana kor u qaadaysa.
Waxaan ku qanacsanay in arrinkaasi bulshada ka bajin
doono khasare mood iyo nolba le,uxuuma dana ka furan
doono kharash badan oo maxaabista hadda lugu bixiyo.
Madax Waynaha waa laga sugaayey oo la saadaalinaayey
inuu axsaabta siyaasiga ah furo. Arrinkaasi waa talaabo
mudan in Madax Waynaha lagu hambalyeeyo. Waa talaabo
waafaqsan distoor ka iyo xuuqda qofka. Axsaabta badane
waa fagaaraha siyaasadda lagu barto. Bulshadu waxay u
baahantay dheeg cusub oo u soo baxa maamulka wadanka.
Hab ka qudha ee dhalinyar adu ugu soo biirikaraan madasha
siyaasadda waa iyagoo ka soo dhex muuqda axsaabtaa iyo
ururada siyaasiga ah. Maantana waxaynu ognahay in dad
badan oo ka qiimo badan, oo ka cilmi badan, oo ka waayo
arragasane, ku wa imika safka hore ka kaga jira axsaabta
jirta, inay buuxan laakin aany madasha siyaasada meeli
uga banaanayn. Waxan rumaysnahay in asaabta oo la fur aa
ka dhigantahay waa cusub oo u baryey shacab ka
Somaliland.
Waxaase wax laga naxa ah inuu Madaxweynuhu aad moodo
inuu axsaabtii dusha ka furay, hada na hoosta ka
handaraabay, markuu soo jeediyey in
lacagta diwaan
gelintu noqoto US$25,000. Madaxweynuu wuu ogyey in
lacagta xadigaa le cidina maanta awoodi karin. Arrintaa
wax aan ku sababeeyo ma garanaayo, maadaama uu
Kulmiyey
lagu diwaan geliyey lacag
$800.00. Maalintaa ilaa maanta
dhaqaalaha dalka wax ka dhaca mooyee wax u korday
majirto. Hadaba arrinku ma sarbeebaa oo waa “qawda
maqashii waxna ha u qaban.
Waxaan ugu baqaayaa Goloyaasha Xeer Dajintaa inay fiiro
gaara u yeeshaan oo lacagta diwang linta lagu qiimeeyo
awooda dhaqale ee shacbiga taasoo aan marnaba ka badan
$2000.
Amaan oo dhan Allah iska le.
Qore: Dr. Saeed
Sheikh Mohamed
Lataliyii hore ee Goloha Wakiilada |
|