Caddaalada Dalka Ka Jirta Ee Siillaanyo Sheegay Waa Maxkamaddii Xukunka Ku Ridey Maxamed Xaashi Iyo Gaboose, Hadana Siisay Warqada Denbi La’aanta ah

 



 


Waxaa jirta maah maah soomaliyeed oo tidhaahda HADDII AAD TAGTO MAGAALO LAGU IL LAYAHAY, ISHAA LA ISKA RIDAA.

Taa waxaa la mid ah haddii aad timaaddo dal ay cadaalad darradu caddaalad u tahay waxa laba huraan ah in aad la qabsato sida madaxweyne Siillaanyo oo kale.



Wuxu muddo sideed sanno ah ka cabanayey caddaalad darrada dalka ka jirta, waxaanu ololaha doorashada ku galay in uu wax qaban doono caddaalada dalka haddii uu doorashada ku guulaysto.



Hadaba waxa dhacday 9/12/2010 oo ahayd maalintii uu Siillaanyo ka soo laabtay dalka ingiriiska su’aalihii ay weriyaashu ku weydiiyeen garoonka waxaa ka mid ahayd, muddo sided sano ah ayaad ololaha doorashda ku jirtey waxanad ummadda u sheegtay in aad wax ka qaban doonto garsoorka dalka haddii aad doorashada ku guulaysato, waxaad ka qabatayna ma jirto ee maxaa imika kaaga qorshaysan? Waxaanu ku jawabay Siillaa nyo: caddaalad baa dalka ka jirta, dad badan baa la yaabay hadalkan laakiin anigu lama aan yaabin sababtoo ah duuliyaha sare ee garsoorka dalku waa marba ninka ku fadhiya kursiga madaxweynaha, Siillaanyona  diya ar uma aha in uu is bedel ku sameeyo garsoorka dalka, sababta oo ah waxaa jirta maah maah soomaliyeed oo tidhaahda NIN MARKHAATI BEENAALE KUU FURAY, MURAADKAAGIINA KU FUSHATEY , WUXUU YAHAYNA KU OGAATEY.


Sidaa waxaa ka dhigan hay’adda garsoorka ee manta joogta oo la ogyahay waxa ay yihiin iyo garsoorka cus ub oo noqon kara mid ka duwan ka hore.

Akhristoow is weydii yaa xukunka ciqaabta ah ku ridey Maxamed Xaashi iyo Dr. Gaboose 19/8/2007, kuna xu kumay saddex sanadood iyo sagaal bilood oo xadhig ah iyo mudo shan sanood ah in aanay ka qayb gelin  siya asadda dalka, yaase horaantii bishii Ogosto soo siiyey warqadda denbi la’aanta ah, si ay goalaha wakiiladu u gu ansixiyaan wasaaradaha loo magcaabay? Dadka qaar waxay la yaaban yihiin maxkamada Gobolka Harge ys a oo dib-u beenisey xukunkii ay hore ugu ridey Maxamed Xaashi iyo Gaboose.


Hadaba dadka arrintan la yaabini waxayna ogayn in markii hore uu maxkamada dalka taako taako ugu jirey  Daahir Rayaale sidii Sheekh C/qaadir Jaylaani oo kale manta uu garsoorka dalka uu taako taako ugu jiro Axm ed Siillaanyo. Taasi waxay sababtay in Siilaanyo garsoorka dalka si dad badan ugu sheego haddii ay u dhega nuglaan waayaan in uu keeni doono kuwo u dhega dhugul. Fariinta koobaad uu farayna ay hayad in warqad denbi la’aan ah la siiyo Maxamed Xaashi iyo Gaboose si ay golaha wakiiladu u ansixiyan.


Hadaba nin ka tirsan garsoorka dalka oo iga codsaday in aanan magcaabin ayaa ii sheegay in ay Siilaanyo  u gu jawaabeen, annaga warqad qoristeedu waxba naguma aha laakiin ma hubtaa adigu in golaha wakiiladu ay aqoonsan doonaan warqada aanu bixinay, iyaga oo xukunkii horena ogaa, waxaanu nooga jawaabay taa  gol aha wakiilada waanu ka wada hadalnay oo waanigii qado sharafta ugu sameeyey hotel Ampasitor, markaa dib waxaanu go’aansanay buu yidhi mar haddii ay Siilaanyo iyo golaha wakiiladu heshiish ku yihiin  DHUUMAS HIO DHABARKU MUUQDO, in aanu anaguna sidaa kula shaqayno.


Manta waxaa siyaasadda dalka iyo shaqooyinka dawlada ka xaniban kumanyaal qof oo muwaadiin ah rag iyo dumarba leh oo lagu reebayo waxaa kugu dhacay xukun maxkamadeed, mana heli karaan madaxweyne ka  c aawiya in ay helaan warqada denbi la’aanta ah, dadka aan ka hadlayaana waa dadkii la midka ahaa  masuul iyiinta aynu hore u soo sheegnay ee uu ku dhacay xukun siyaasadeed. Caddalada darrada dalka ka jirtey  gu ddida nabadgelyada ee la baa’biiyey waxay ka ahayd 10%, caddaalada darrada ka jirta maxkamadaha  dalku na waa 90% qofkasta oo muwaadin ah oo uu hore ugu dhacay xukun siyaasadeed oo ka reebi kara  shaqooy inka dawladda,kuwa hay’adaha madaxa banan iyo tartanka siyaasadda wuxuu xaq u leeyahay in uu helo war qada denbi la’aanta ah ee ay heleen maxamed xaashi iyo gaboose.



Hadaba marka aan isku soo wada duubo cabudhinta Siyaasadda iyo Saxaafaddu waa lama huraan hadaan la helin garsoor madax banana.
 

 

 

 

 

C/risaaq Suudi Nuur
Hargeysa Somaliland
Tell: 4425243