Cabudhinata Saxaafaddu Waa Caqabad Hor Leh Oo Lagu Ragaadinayo Doorashada

Cabinta saxaafaddu waa tariiqii fududayn lahaa in ay Somaliland mar ka le ku noqoto godkii ay ka soo baxday 1991kii, oo ahayd markii ay  Soma liland la soo noqotay madax bannaanideeda.bal aan in yar milicsano  ma rkii ay Somaliland xorriyada ka qaadatay maxmiyaddii Ingiriiska  26/6/19 60-kii , waxay Somaliland si bilaa shuruud ah ugu biirtay gobolladii  koonf ureed ee iyana Talyaanigu gumaysan jirey.


Allaah haw naxariistee Aadan Cabdalle Cismaan [Aadan cadde] ayaa loo doortay madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee jamhuuriyaddii  Sooma aliya, 5/7/1960-kii. Baarlamaankii xilligaasi wuxuu ka koobnaa 115  xubn ood boqo iyo shan iyo toban xunbood, Somaliland waxay ku lahayd 33 xubnood oo keliya. Sidoo kale mansabyaddii muhiimka ahaa oo dhan  wax a isku koobay gobolladii koonfureed ee Talyaanigu gumaysan jirey, Soma lilandna waxay ku dhacday af-libaax, waxayna tagtay meel ay ka tahay maynoorati.


Fadhiyada baarlamaanku waxay qabsoomayeen oo go’aamo ka soo baxayeen iyada oo ay ka soo xaadiri-waayaan xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland. Markiiba waxa bilaabmay dhaqdhaqaayo siyaasadeed oo lagu doonayo in ay Somaliland hesho saami qaybsi dowladdnimo oo ay xaq u leedahay 50%, haddii taa la waayona way Somaliland gooni-isu-taagayso.


Xukuumaddii ku-meel-gaadhka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa  Ad an Cadde, waqtigeeduna ahaa labada sannadood waxay qaadatay  tall aabooyin ay ku cabidhinayso saxaafadda madaxabannaan, sannadkii  19 61-kii ayay xukuumaddii Adan Cadde ay go’aan qaadatay iyada oo  ind haha beesha caalamka ka qaraynaysa dulmiga ku dhacay Somaliland ee dhinaca saami-qaybsiga dowladdnimo, warbaahintuna waxay ahayd isha keliya ee waqtigaa soo tebinaysey sida wax ahaayeen, waxaana markaa sii qoyanaa raadkii midowga ee labada gobol waxayna ku dhowaan  lah ayd in caalamku soo fara geliyo Somaliland oo ay ahaato dal goonni-u-taagan.


Haddaba, si waxaas oo dhan looga tago waxay xukuumaddii uu  madax weynaha ka ahaa Aadan Cadde, waxay soo saartay xeer lagu  badhu nayo saxaafadda albaabadana loogu xidhayo hay’adaha warbaahinta, markasta oo warkooda ay xukuumaddu ku farxi weydana lala  waree gayo bilaa shuruud. Xeerkii saxaafadda ee ay lahayd Somaliland maanta daaqadda ayaa laga saaray, waxana la soo qaaday oo la doonaya in saxaafadda Somaliland lagu dabbaqo xeerkii saxaafadda ee 1961-kii ee jamhuuriyaddii Soomaaliya, waxayna ka dhigan tahay in kursigii uu xilligaas ku fadhiyey Aadan Cadde uu manta ku fadhiyo Sheekh Shariif Axmed, macneheeduna saw mahaa in saxaafadda Somaliland ay hoostagto Sheekh Shariif, markii lagu dhaqmayo xeerarkii Soomaaliyadii aynu kala tagnay.taasina saw meesha ka saari mayso goonni-usu-taaggii Somaliland ee loo soo halgamey?


Maanta waxa sharci-darro ku xidhan laba weriye oo ka tirsan Idaacadda Horyaal ee madaxabannaan, kuwaasoo kala ah Agaasimihii iyo madaxii wararka Dhuxul iyo Sayid, mana jirto wax allaale wax lagu haystaan.

Sidoo kalena waxa ayaan-darro ah in maanta Rayaale arrintii Ceelbard aale ee fuli laga kari waayey uu dabaqayo saaxafadda, waxaynu  ognah ay in loo hanjabayo tilefishanka madaxbannaan ee Horn Caybal Tv, isaga oo Rayaale indhaha shacabka iska jeedinaya si uu u qariyo guul-darroo yinka ku habsadey isaga iyo xukuumaddiisa gaabiska ah.


Sidaa awgeed, waxaan odhan lahaa Rayaale “Hal-candho qabtaaa geed ay ku xoqato ma waydo” ceebta adiga kuu gaar ah saxaafadda ha kula galgalan. Shaqaaqada ka taagana ceel-berdaalena waxaan u soo  jeedin aya labada beelood ee walaalaha ah in ay arrintooda dhamaystaan oo u hoggaansamaan maaqyada ka soo baxaya bulshada Somaliland iyo kuwa ku dhex jiraba ee dhex dhexaadinaya, ugu danbayntiina cabudhinta  sax aafaddu waa caqabad horleh oo lagu ragaadinayo doorashada.

 


C/risaaq Suudi Nuur, Hargeysa