Geerida Ra'iisal Wasaarihii hore,waxaa xaqiijiyay Abdisalaan Cabdiqafaar Xaaji Xuseen ,oo ah wiil uu adeer u yahay marxuumka . Marxuumka ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Jaamacadda ee Maga alada Minneapolis. Rabbi ha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ,wuxuu ahaa Ra'iisal Wasaarihii labaad oo ay y eelato Soomaaliya oo xor ah, wuxuuna xilka hayay intii u dhaxeysay 14-kii June 1964 illaa 15-kii July 1967. Waxaa xilka Ra'iisal Wasaarenimada kaga horreeyay Alle ha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmaarke , oo xilka Ra'iisal Wasaarenimada hayay intii u dhaxeysay 12-kii July 1960 illaa 14-kii June 1964.
INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUN.
|