Murashax Cirro oo Soo Booqday Xarunta Masnacaha Biy aha Samsamka ee Makka oo uu Ku Soo Marti Qaadey

 



Makka (TNN) :- Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo maalmahii u dambeeyey dalka Sucuudiga ku joogay socdaal la xidhiidha gudashada waaji baadka Xajka, ayaa ka dib marti qaad loo fidiyey waxa uu soo booqday xarunta Masnaca biy aha Samsamka ee boqor Cabdalla Bin Cabdicasiis ee magaalada Makka ee dalka Sucuudiga.

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and indoorMartiqaadkan oo Mu rashaxa Madaxweynaha WADDANI uu u fidiyey Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi oo ah Imaa mka iyo weli ba madaxa Masjidka barakeysan ee Alxarameyn, ayaa waxa ku wehelinaayey xoghayah xidhiidhka wadamada Carabta iyo dawladaha Islaamka ee Xisbiga WADDANI Amba ssador Safiina iyo weli ba saraakiil kale.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ay xarunta Masnaca biyaha Samsamka ku soo dha weeyeen madaxda ugu sar-sareysa ee Masnacaasi, ayaa waxa gebi ahaan ba uu soo maray dhammaan ba qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay masnacaasi, iyada oo sida oo ka le na lagu martiqaadey misna lagu soo dhaweeyey goobo kale oo ka mid ah gudaha Xaramka Barakeysan ee Masjidka Alxarameyn.Image may contain: 2 people

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ka mahad-celiyey soo dhawey nta iyo qaabilaada looggu sameeyey gudaha xaruntaasi iyo weli ba Masjidul Xarameynka, wa xaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo booqdo xarunta masnacaha biyaha Sam samka ee boqor Cabdalla Bin Cabdicasiis oo ku kacday sida oo kale na ku qiimeysan lacag ka badan $700,0000 Milion oo dollar(Todoba boqol oo Milyan oo Dollar).

Ugu dambeyntii Murashax Cirro, ayaa halkaas lagu guddoonsiiyey shahaado sharaf looggu ta llo-galay, waxaana intaas ka dib kulan uu la qaatay madaxda sare sare iyo imaamyada Masj idka barakeysan ee Alxarmeynka, ay halkaas culimaa-uddiinkii ku sugnaa si weyn ugu soo du ceeyeen iyaga oo Alle uga baryey in uu ku guuleeyo wixii uu doonaayo.