Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo lagu soo dhaweeyay xarunta
Baarlamaanka Dalka Canada Iyo Nuxurka Qodobadu U Qadimay +SAWIRRO
Ottawa (TNN) :- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga
WADANI, C abdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo waftigii uu
hoggaaminaayay oo soo gaadha y dalka Canada, ayaa siweyn loogu soo
dhaweeyay xarunta Baarlamaanka dalka Canada oo fadhigiisu yahay
Caasimadda Ottawa.
Guddoomiye Cirro, wuxuu kulano muhiim ah la qaatay Xildhibaanada iyo
Madaxda Golaha B aarlamaanka Dalka Canada, isagoo kala hadlay
qadiyada Somaliland, waxyaabaha u qabso omay, inay Somaliland
buuxisay dhammaan shuruudihii dal jira ku waajibka aha, in aan ay
ahayn waddan hadda cusub ee ay calanka xorriyadeeda qaadatay 1960,
ka hor mida wgii Somalia ay la galeen, kaas oo ay dib xorriyadaas ula
soo noqdeen 1991.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga
WADANI, Cabdira xmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) wuxuu dawladda
Canada u gudbiyay codsiyo ah inay Somaliland ka tageeraan dhinacyada
horumarinta kabayaasha bulshada iyo inay laban laa baan mucaawimada
ay dalka Canada ugu deeqdo waddanka uu Guddoomiyaha aqalka waki ilada
ka yahay ee Jamhuuriyadda Somaliland, oo wali la dala dhacaysa
duruufaha Ict iraaf la’aantu ku hayso.
Waftiga Guddoomiye Cirro ayaa intaas ka dib u soo gudbay dhinaca
Magaalada caanka ah ee Toronto, halkaas oo ay kulan ballaadhan kula
qaadan doonaan Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalkaas.
|