HAMBALYADA CIIDA

Hargaysa (TNN):- Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna
hoggaamiyaha xi sbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan
M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadla aya magacasii, afka xildhibbaanada,
hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhalliny arta iyo haweenka iyo
weliba taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu hambalyo u dirayaa
guud ahaan umadda Islaamka ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan,
gaar ahaana shacabka Somaliland isaga oo ku hambalyeynaaya xuska
Ciidal-Adxa oo ku b eegan maalinta beri ah.
Guddoomiye Cirro, waxa kale oo si gaara uu hambalyo taas la mid ah
uu ugu dirayaa Xujaajta kala duwan ee gudanaysa waajibaadka Alle ee
Xajka, isaga oo Eebe uga bar yey in uu ka aqbalo acmaashaas suuban
sida oo kale
na uu ugu soo dhammaystiro ca afimaad qab. waxa kale oo uu Alle ka
baryeyaa in uu caafimaad sareecan ah uu siiyo dhammaan ba umadda
Islaamka ee xanuunsanaysa , sida oo kale na uu u naxariisto intii
dhimatay.
Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa ugu dambeyn uu Eebe ka baryeyaa in
sannadka sanna dkiisa uu innagu gaadhsiiyo bash bash,
barwaaqo,caafimaad qab, acmaal suuban iyo weli ba sida oo kale
Ictiraaf ay Somalliland ka hesho beesha Caalamka.
Ciid-Mubaarak, Ciidal Caafiya
Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI
Hargeysa,Somaliland |