TACSI GUDDOOMIYE

 


Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhi bbaanada Golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh uu u dirayaa guud ahaan shacabka Somalil and isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxarii stee Marxuum Ambassador Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) oo 05/05/2017ka ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qa raabaddii, asxaabtii, wax-garadkii, siyaasiyiintii iyo aqoonyahankii uu ka baxay Marxu umkaasi isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa siyaasi weyn oo ka baxay guud ahaan umad da afka Soomaaliga ku hadasha isla mar ahaantaana ka mid ahaa siyaasiyiinta waaw eyn ee magaca ku leh dhulalka Soomaalidu degto isaga oo xilal muhiim ah ka soo qabt ay jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambeyn, guddoomiye Cirro, waxa uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardowsana uu Eebe ka waraabiyo. Ehelkii, qaraabad dii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
 

 


Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI