Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Wadani Oo Ham balyo U Diray Shacabka
Somaliland Munaasibada Ciidal-Fidriga Awgeed
Hargaysa (TNN) :– Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani
Cabdiraxmaan Max amed Cabdilaahi (Ciro) ayaa shacabka Somaliland iyo
guud ahaan shucuubta Islaam ka ugu hambalyeeyey munaasibada
Ciidul-fidrida oo bari oo Axad ah (Shawwal 01, 14 38H) looga dabaal
dagi doono Somaliland iyo guud ahaan dunida muslimka ah.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ahna Murashaxa
Madaxweyn aha xisbiga WADDANI oo ku hadlaya magaciisa, ka
xildhibbaanada Golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta,
garabbada dhallinyarta iyo haweenka ee xisbiga WA DDANI ee kala jooga
gudo iyo dibad-ba, waxa uu guud ahaan umadda Islaamka ah g aar ahaan
shacabka Somaliland ugu hambalyeynayaa Ciidul Fidrida, waxaanu
ilaahay uga baryey in
Ciidul-Fidridan teeda kale uu ku gaadhsiiyo nabadqab iyo Barwaaqo.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sidoo kale guud
ahaan shacabka Somaliland uu u rajeynayaa in Alle uu ka aqbalo
acmaashii suubaanayd ee ay soo qa b teen bishii Ramadaan, waxaana uu
ku booriyey bulshada in la sii wado acmaasha iy o cibaadada si Alle
loogu dhawaado.
|