Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa kulan la qaatay Christ opher H. Smith oo ah Guddoomiyaha Guddida Afrika u qaabilsan golaha Congresska Maraykanka

 



Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa kula n la qaatay Christopher H. Smith oo ah Guddoomiyaha Guddida Afrika u qaabilsan golaha Congre sska Maraykanka, sidoo kale Congressman Chris Smith ayaa Gudidiisu ay golaha Congresska u qaabilsan tahay arrimaha Caafimaadka Caalamka, Xuquuqda Aadanaha iyo ururada Caalamiga ah.24
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo weftiga uu hoggaaminayey ayaa kulan wakhti dheer qaatay la yeeshay Congressman Chris Smith, iyaga oo ka wada hadlay qodobo kala duwan.


Ugu horrayn Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa sharaxaad ka siiyey Congressman Christ xa aladda siyaasadeed ee Somaliland iyo horumarka ay ka gaadhay nidaamka dawliga ah, isaga oo si gaar ah u dul istaagay in Somaliland ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa qaran madax ban aan.
Guddoomiye Cirro ayaa kala hadlay masuulkan iyo xubnaha kale ee uu la kulmayba inay ku dhiir adaan, inay horseed u noqdaan aqoonsiga Somaliland, wuxuuna u sheegay in dani ugu jirto Som aliland iyo dawladda Maraykanka. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa kala hadlay masuuliyiin ta uu kala kulmay Congresska iyo Senate-ka inay ka shaqeeyaan sidii dawladda Maraykanku ay kor ugu qaadi lahayd mucaawanada ay siiyaan Somaliland.

Congressman Christ Smith ayaa si weyn u soo dhoweeyey weftiga Somaliland isaga oo aad ula dhacay horumarka ay Somaliland gaadhay iyada oo aan caalamka ka helin taageero buuran, wu xuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu si dhow u dhegeysto arrimaha Somaliland oo uu la socon doono.Guud ahaan kulanka ay yeesheen Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayey iyo Congressman Christ Smith ayaa ku dhammaaday jawi isfaham, iyada oo labada dhinac ay kala qaateen xidhiidhka ay isku dhaafsanayaan warbixinada.Congressman Chr is Smith, waa mudane laga soo doorto Gobolka New Jersey, wuxuu golaha Congresska ku jiray tan iyo sannadkii 1981-kii, waana markii 18aad ee dib loogu doorto golaha Congresska.


Chris Smith oo ka soo jeeda Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa ka mida mudanayaa sha saamaynta ballaadhan ku leh golaha congresska, isla markaana waa dadka sida weyn loo qadariyo kelmedihiisa.


Weftiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland uu hoggaaminayo ayaa intii ay dalka Mara ykanka ku sugnaayeen kulano kala duduwan la qaatay Wasaaradda Arrimaha Debedda Maray kanka, Hay’adda Mucaawinooyinka Debedda u qaabilsan Maraykanka ee USAID, Golaha Odaya asha Maraykanka ee Senate-ka iyo Golaha Wakiillada Maraykanka ee Congresska. waana Wefti gii ugu horreeyey ee ka socda Somaliland ee hal mar isu mara dhinacyadan oo dhan muddooyi nkii ugu Dambeeyey.
 



Abdirashid Jeeni

Waaxda Warfaafinta WADDANI
+252(0)63-4408730

Website: www.waddaniparty.org
Facebook: Xisbiga WADDANI
Twitter: @Waddaniparty