Cabdiraxmaan Ciro Oo Shaaciyey Inuu U Taagan Yahay Madax weynenimo, Xili Lagu Eedaynayo Isticmaalka Awoodo Dheeraad Ah Oo Dastuurka Baal-marsan
 


Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo maanta magaaladda Burco kula hadlay taageerayashiisa oo Ururkiisu ku soo khatimay kaltanka..........


Burco (TNN) – Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Urur Siyaasadeedka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo lagu eedeeyeo in Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxame Siila anyo ay hoose taageero hoose u fidido ayaa sheegay inuu u taagan yahay Jagaadda Madax wey nenimo ee Doorashadda Madaxtooyadda ee Sanadka 2015.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo maanta magaaladda Burco kula hadlay taageerayashiisa oo Ururkiisu ku soo khatimay kaltanka Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee Todobaadkan soo soc da Dalka ka dhacaysa ayaa taageerayaashiisa kula dar-daarmay inay dul-qaad muujiyaan.

Waxaana hadaldiisii ka mid ahaa ”Sida aad ogtihiin ururka wadani waxa la bahobay ilaa 5 musha rax oo u taagnaa jagada madaxwayne isla markaasna wakhtigani la bahobay ururka wadani taa si waxay ina tusaysaa dhamaantenba cududa iyo miisanka uu leeyahay ururkani”

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hadalk isia sii wata, waxa uu yidhi “Walalayaal waxa loo baahan yahay inaynu samayno dulqaad badan isla markaasna ay siyasadu noqoto mid mudakar ah.inaynu dadka reer Somaliland ee danyarta ah aynu dareenkoda la qabsano.waxaan maanta halkan idinka cadaynayaa inaan ahay sanadka 2015 musharax madaxwayne oo u tagan jagada madaxwayne ee ururka wadanio”

Guddoomiye Cirro ayaa Axsaabta siyaasadda ee kula tartamaysa Doorashadda Goleyaasha De egaanka ay ku eedeeyaan inuu isticmaalayo awoodo dheeraad ah oo baal-marsan Dastuurka Dalka, iyadoo labada Xil ee uu isku hayaana ay marar badan muran siyaasadeed ka abuureen saaxadda siyaasadda.

 



Timacade News Desk
Burco , Somaliland