Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ,wagariyo ka waawayn wagar , tani waa ka waasacan

 

 

 


Qosol wuxuuu ka joogaa,
Qubanaha danbeeyee,
Wali qabaa hamuuntee,
Buurahaa qotada dheer,
Ka arkaaya qiiqee,
Qarka soo jafaayee



Cabdiraxmaan Cabdil Qaadir , wuxuu ahaa masuul ka mida masuuliyiinta Kulmiye ,waxaanu in badan la soo shaqeeya madaxwaynaha hada talada dalka haya,President, mudane Axmed Maxamuud Siira anyo.


Waxa xasuus mudan waqtigii ololaha doorashada oo mudane Cabdiraxmaan Caqdiqaadir,uu wax ku noqday shil baabuur ay galeen asaga iyo asxaabtiisii la socotay kuwaas oo ujeedadoodu ahayd inay soo dhaweeyaan Madaxwayne Axmed oo waqtigaa ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, shilka waxa ku geeriyood marxuum Cali Marshal ,alaa yarxamuh .

Wax isbadalayba waxa jira in isla markii madaxwayne siiraanyo talada qabtay ay isga iyo  Cabdirax maan Cabdiqaadir is afgaran waayaan,waxaany cabdiraxmaan cabdiqaadir u jihaystay dhinaca xis biga kulmiye oo gudoomiye muuse biixi horjooge looga dhigay ama talada u qabtay.waxa ina cabdiqa adir in mudo ah la shaqaynaaayay xisbiga hase yeeshee maanta ayaa hadana isbedel kale dhacay
 


Qalwadii masbaa galay ,
Qosol qoonsimaad noqoy



Wax lagu qoonsadayba waxa dhacay in ina cabdiqaadir shirka xoog lagaga saaro waxa soo kacay niman polica oo aan u malaynaayo in aan naxariistaba la barin waxaaana kii ugu horeeyay si qaw ada kursiga ugu dul riday ina cabdiqaadir oo markaa hadlaya saxafaduna kusoo ururtay.



Qarandidu libaaxay ,
Ku qadhaabataayoo,
Soo qabata tidhaahdaa,
Qaalinkiyo biciidkee



Policka soomaliland ayaa markaliya awood isticmaalay ayagoo xoog kaga saaraya madasha Cabdira xmaan Cabdiqaadir,waxaad maqlaysaa cabdiraxmaan oo hadalo muusanoow iyo beer laxawsi isugu jiro ku hadlaayay runtiina dad badani aad uga qiirooday.
waxaanu cabdiraxmaan lahaa [ wataa Somaliland, wataa Somaliland].Waxa kaloo Cabdiraxmaan da dka tusaayay inuu dhaawac qabo waxaanu lahaa:[ waad aragtaan ninkaygaa dhabarka ka dhaawa can sida loo glaayo].Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ,oo ahaa Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye,wa xa uu aakhirkii lahaa [ waxaan u dhabarka uga dhaawacmay Siraanyo] , laakiin Askarta Somaliland ee arxanka daran , marna umay diir nixin ,odayga masuulka ah waxaanay sii wadeen hawshoodii xo oga ahayd .

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir , waxa lagu sameeyay runtii waa dhacdo aad u fool xun, kumanay haboo nayn in nin masuul sidaa loo galo .Waxay ahayd in sidan asluub ka duwan oo ka asturan masuulka l agula xaalo balse xoog ku muquuniya oo awood U sheegta waa mid sharciga aan waafaqasnayn wa a hubaal in cabdiraxmaan cabdi qaadir iyo inta la afkaarta ah ay aad u cadhaysan yihiin kana dagi wayday falkii awood sheegasho ee ka dhacay madasha ee ay gaysteen Policka S/Land
 


Ha qawadin sidaada,
Aarkuna ma quustoo,
Ma qarsado xanuunkee,
Qiirada xasuustuu,
Kolba dibin qaniinaba



GABAGABADII:


Soomaliland way inaga dumaysaa hadii maalinba qof awood looo isticmaalo,waxaanan ka codsanay aa in Dawlada iyo dhamaaaan Siyaasiyiinta Xisbiyadu ay sharciga ilaaliyaan. sharciga aad rabtaan inaad umada ku dhaqadaan maaha inaad idinku jabisaan hadaanu qorno inta sharci la jabiyay waxa anu qori karnaa qodobo fara badan oo dawladihii hore iyo tan imkuba ay jabiyeen balse ma rabno inaan umada idinka horkeeno marka idinku waa inaan caqli ku dartaan.



Waayeel duceeyaan,
Wacanoow u yeedhee,
Wan qashaadi maadaa,
Cunay waaxyaheedii,
Wagar iyo ka waawayn,
wagar,tani ka waasacan,
Waan waani dhacantee,
Wadnahaan far ku hayaa

 

 

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London