Cabdiraxmaan Aw Cali iyo xubno ka tirsan kooxdiisa oo ku gacansaydhay go’aamada Xeerbeegtida KULMIYE

 

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo xubno dhawr ah oo ka tirsan kooxdiisa ayaa deedafeeyey go’aanka iyo talooyinka guddida Xeer-beegtida ahi ka soo saareen khilaafkii ka dhashay shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee lagu qabtay magaalada Burco, iyaga oo sheegay in aanay ku qanacsanayn go’aankaas, halka hoggaanka xisbiga KULMIYE uu aqbalay go’aamada guddida.

Go’aanka guddida dhexdhexaadintu ka gaadheen khilaafka xisbiga KULMIYE oo caawa ay labada dhinac ugu dhiibeen iyaga oo qoraal ah kulan ay ugu qabteen hotelka Ambassador, ayaa kadib Cabdiraxmaan Aw Cali iyo xubno ka tirsan Guddida dhinaciisa ka socotey waxay shir jaraa’id oo ay ku qabteen gurigiisa ku deedafeeyeen go’aanka iyo talooyinka guddidu ku dhexdhexaadiyeen, waxayna sheegeen in guddidaa aanay waajibkeedu ahayn inay go’aamo soo saarto, balse, hawsha loo diray ay ahayd isu soo jiidis iyo isu soo dhoweyn.

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ugu horrayn shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in aanay aqbalayn go’aamada iyo talooyinka guddida, isla markaana ay diyaar u yihiin wixii kale ee xal loogu helayo khilaafkii ka dhashay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga.

Waxa kale oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), Xildhibaan Maxamed X. Maxamuud Cumar-xaashi, Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Reyte) iyo Cumar Cilmi Dixood oo dhammaantood ka mid ahaa guddi 7 xubnood ah oo kooxda Cabdiraxmaan iyo Cadami uga qaybgelayey wadahadalka xallinta khilaafka KULMIYE. Waxayna dhammaantood, isku raaceen in guddidaas aanay u igman inay go’aamo soo saaran, go’aamada iyo talooyinka ay hadda soo saareenna aanay ahayn wax u cuntamaya, balse, ma sheegin tallaabada xigta ee ay qaadayaan iyo qorshahooda.

Shirka jaraa’id, waxa kale oo ku weheliyey xubnahaas, Axmed Xuseen Ciise. Hase yeeshee, waxa ka maqnaa shirkaa jaraa’id, musharraxii kale ee hoggaaminayey kooxdaas, Axmed X. Cali Cadami oo isagu fadhiyey shirkii Guddidu kaga dhawaaqday go’aanka iyo talooyinka, balse, aan ka qaybgelin shirkaa jaraa’id. Waxaana la filayaa in Cadami iyo taageerayaashiisu aanay ku raacsanayn deedafeynta go’aanka guddida ama uu ka gaabsaday.

Dhinaca kale, xubno door ah oo ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, isla markaana taageerayey labada musharrax, Axmed X. Cali Cadami iyo Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa la sheegay in aanay ku raacsanayn shirka jaraa’id ee Cabdiraxmaan Aw Cali iyo xubnahaasi caawa qabteen, iyaga oo ku doodaya in go’aankaasi aanu ahayn mid ay ku raacsan yihiin.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isaguna caawa, kulanka lagaga dhawaaqay go’aamada guddida kadib saxaafadda u sheegay inay ku qanceen, isla markaana ay aqbaleen go’aamada iyo talooyinka guddida, maadaama ayuu yidhi, “aanu guddida hore kalsooni u siinay inaanu aqbalayno waxay soo gooyaan”.

Khilaafka xisbiga KULMIYE ee ka dhashay Shirkii Golaha Dhexe ee lagu qabtay magaalada Burco, dabayaaqadii August ayaa la filayaa in go’aanka guddidani soo gebagebeeyey.

 

 



Source:Somaliland.org