Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Waftigii Kulmiye ee La Socday oo Maanta Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Boorama

 

Soo dhaweyn xoogan ayaa maanta lagu qaabilay, xubnihii weftiga ahaa ee ka cadhooday shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, weftigaas oo uu hogaaminayay C/raxmaan Aw Cali faarax, waxaa ka hortegay gaadiid tiradiisu kor u dhaaftay lixdameeyo, ka dibna waxaa loo soo gelbiyay dhanka magaalada Boorama, dadka soo dhaweynayay ayaa ruxayay caleemo qoyan iyo calamada xisbiga kulmiye.

Dhanka kale waxaa baabuurta lagu dhejiyay sawirada C/raxmaan Aw Cali, Baabuurta iyo weftiga ayaa ku soo wareegay magaalada xaafadaheeda kala duwan, taas oo u muuqatay xamaasad balaadhan, ka dibna waxaa la iskugu yimid khayriyada magaalada Boorama, oo loo sii diyaarshay, ilaa hada lama garan karo sida xukuumadu ugu ogolaatay xubnahan xisbiga in ay dadweynaha kala hadlaan Khayriyada magaalada Boorama.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay C/raxmaan Aw cali wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay " Somaliland Ha waarto, Somaliland Ha jirto ! Mahad balaadhan ayaa u jeedinayaa dadka reer Awdal, Haweenka, Waxgaradka mudanayaal iyo marwooyinba, Ardayda dugsiyada iyo shacabka halkan iskugu yimid, Aniga oo ku hadlaya magaca weftiga, waxaan idiinka mahadcelinayaa sida balaadhan ee aad noo soo dhaweyseen, ani iguma cusba waa magaaladaydii aan ku dhashay, Bisha Ramadaan ee cibaadada loogu talo galay in aan idin soo saarno waan ka xunahay, balse duruuf ayaa nagu kaliftay
Wuxuu intaas sii raaciyay isaga oo ka hadlaya ujeedada safarkooda C/raxmaan, Ujeedadayadu waa in aan idiinka warano xisbigii kulmiye, horta xisbiyada ayaa inagu cusub, balse hadaad maqasheen khilaaf ayaa ayaa jira waa wax la soo maray, kulmiye waxay ku dadaalaysaa in bedesho Udub si cadaalada.

Xisbiyadu inta aan fuulin kursiga M/tooyada waa in ay dibada ku sii tababartaan, is qabsiguna waa is dhaliil iyo is toosin, waa in banaanka la isku toosiyo oo la iska dhaafo nin toocsi talada xisbiga, Hore waxaad u maqasheen in la yidhi isku beel halaga dhigo m/wenaha iyo m/xigeenka xisbiga kulmiye, arintaa waxa diiday taageerayaasha xisbiga kulmiye oo yidhi sidaasi ma toosna.

C/raxmaan isaga oo ka hadlaya shirweynihii xisbiga ee lagu qabtay Hargaysa wuxuu yidhi shirkaas waxa lagu doortay hogaan, kaas oo ay dhaliili ka muuqatay, hadana shirkaasi wuu dhamaaday, dad ka cadhoodayna way jireen, hogaanka ayaana laga rabay in ay dililaacaas tolaan. intaa ka dib shirkii Burco ayaa la tegay iyada oo ay jiraan dhaliilahaas hore, oo aan waxba laga qaban. madaxnimada cidi cid uma hayso, lagumana helo xaasid iyo cid iska xorayn ilaahay cida uu la rabo ayuu gacanta u geliyaa, kuwa akhyaartayada ah ilaah gacanta ha u geliyo !

C/raxmaan wuxu ka yidhi tartankuu Burco, dadbaa isa sharaxay waxyna u taalay dadka shirka iskugu yimid, waxaana loo baahnaa in ay dhex ka noqdaan Madaxdu, oo umada shirka timid cidii ay siinayso codka eegto, meeshaas waxa ka dhalatay farogelin, banaanka ayayna dadkii kale joogeen, weliba raga aan ku jiro oo nin doorkii xisbiga ah, waxbaanan tabanaynay, cadaalad maaha ayaan lahayn, laakiin anaga oo ka maqan ayaa la codeeyay, oo aan cidi tartamin, xisbiga lama duminayo, mana aha waa la dhaliilayaa ee waa la toosinayaa, dad ayaa leh xisbigii waa la duminayaa, si cadaalada ayaa la rabaa, waanan saxaynaa, kulmiyana isaga oo dhutinaya in uu m/tooyada tego maaha ! isaga oo ceeb ka saliim ahin uu halkaas tego weeyi. kulmiye waa mid keli ah, yaan la idin odhan waa lagu kala tegayaa, waa la duminayaa.

C/raxmaan wuxuu intaa ka dib ka hadlay taariikhdiisa wuxuuna yidhi " Aniga m/weynenimo iima cusba waan aqaan, dad mansab isku haystaana ma jiro, cid tartantayna ma jirto oo xisbigu ma tartamin, yaan loo qaadan nin cid wax u diidaya xaasha, waan ka sareeyaa waxaan ahaa dadkii dalka xoreeyay, waxaan ahaa m/xigeenkii u horeeyay ee idinka dhasha reer Awdaloow, M/wenenimada ay reer Awdal maanta haystaan ninkii keenay ayaan ahay, hadaba anigu ma gayo in aan dhalinyarada la tartamo oo ay wax isku qabsadaan, si cadaalada in loo simaan rabaa, ninkii cadaalad ku soo baxa waan gacan qaadayaa. Damaca reer Awdal ee intaas qof m/weyne doonayaana salaatul shukri ayaan tukadaan, oo waxaan idhaa waa walaahi waa midhihii aad beertay, dariiqaa la furayna waa mid dhalinyarada i hortaaganeey aad mari doontaan.

Ugu dambayn wuxuu yidhi taageerayaashayada waxaan leehay waad na sugaysaan inta la heshiinayo ee la saxayo wax, taasina danta qaranka ayaa ku jirta.

Dr.Axmed Xuseen Ciise ayaa isna madasha ka hadlay hadalkooban oo mahad celin ah, wuxuuna dadka ku dardaaray in ay adkeeyaan xisbinimada iskana dhaafaan qabyaalada.

Axmed X.Cali Cadami ayaa isna hadalkiisa waxa ka mid ahaa " waxaan tahniyadaynayaa shabaabka nool ee ruuxu ku jiro oo rayigooda cabiraya ee cadceeda isku soo baxay, c/raxmaana waan bogaadinayaa, waxaan leehay maalinta doorashada lagu ridayo ma soo banaan baxaysaan, mise waa maanta ? erey kooban waxaan leehay waxbaa la isku hayaa dhibaato weyni ma jirto, xisbigu wuu midaysan yahay, midnimada cid jabinaysaa ma jirto, walaalnimo ayaana lagu dhamaynayaa wixii jira.

Waxa isna hadlay Dr.Dixood iyo Maxamuud Cumar xaashi iyo rag kale. oo weftiga ka tirsanaa, C/laahi Ibraahaim oo ahaa madaxa Dhalinyarta xisbiga Kulmiye oo weftiga la socda ayaa isna yidhi midnimada iyo wadajirka xisbiga Kulmiye in la adkeeyaa waa mid muqadasa, waxaana leenahay Axmed Siilaanyo ha noolaado kulmiyana ha noolaado.

Dadweynaha maanta iskugu soo banaanbaxay magaalada Boorama ayaa ahaa iyagu ahaa kuwo taageero weyn u muujay xisbiga kulmiye, dad badan ayaana isweydiinayay sababta loogu ogolaaday in ay khayriyada ka hadlaan, taas oo dadka fagaaraha buux dhaafshay ay ka dhex muuqdeen dad badan oo ka mid ahaa taageerayaasha xisbi xukuumiga, lamana garan karo doorka ay dawladu ku lahayd banaanbaxa maanta, taas oo soo dhawentii ka horaysay ee Weftigii C/raxmaan Saylici ciidamada Boolisku xanibeen baabuurtii rabtay in ay soo dhaweeyaan, madaxda G/Awdal oo aan isku daynay in aan wax ka weydiino eedaymo loo soo jeediyay oo ah in ay si hoose abaabulka ugu lug leeyihiin ayaa noo suurageliweyday in aan helo.

 

Source:Harawo