Cabdillaahi Darawal oo
shirkii lagu Doortay Rayaale ku tilmaamay Mid ku dhisan
Shimbirayahow Heesa
“
Haddii sacabkii iyo shinbirayow heesadii aad u qaadateen inaad
guulaysateen, waxaan idiin sheegayaa in dhuxul dab ah la diin
dhiibay, annaguna aanaan ahayn Xaqayaga sidaa kaga hadhi doonin
”
Md. Darawal
Md.Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), ayaa shirkii Md.Daahir
Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin loogu doortay murrashaxiinta
xisbiga UDUB oo doorashada Maxtooyada ku tilmaamay mid aan sharci
ahayn oo ku dhisnaa shimbirayow heesa iyo sacab laga dhawaajiyey dad
la soo urursaday.
Md. Cabdillaahi Darawal oo xalay wareysi gaar ah siiyay Jamhuuriya
ayaa daba joogay hadal uu doraad madaxweyne-ku-xigeenku ka sheegay
laanta Af-soomaaliga ee idaacada BBC-da, kaasoo uu ku tilmaamay in
si khaldan loo fahmay.
“Waxaan doonayaa wax yar in aan iftiimiyo wareysigii ay idaacadda
BBC-du maalintii dhowayd ila yeelatay, kaas oo aad moodo in dad
badan ay si khaldan u fahmeen. Runtii waraysigaasi waxa uu ahaa mid
aan qabtay goor hore intii aan laga soo bixin shirku sheegii halkan
lagu qabtay.markaa aniga waawaantayddii aan shirjaraa’iidaydii
horeba ku lahaa waar xisbiga ha baabinina ee joojiya ayuunbay iga
ahayd.laakiin madaxweyne-ku-xigeenka waxaad mooday jawaabtiisu in ay
u dhacaysay in aan ahay sidii nindoonaya in uu la hadlo.waxaan u
sheegayaa in aanay jirin cid lala hadlayaa iyo wax laga wada
hadlayaa toona,” ayuu yidhi Md. Darawal oo faah-faahin ka bixinayay
wareysiga uu siiyay idaacada BBC-da iyo jawaabta ka soo yeedhay
Madaxweyne-ku-xigeenka.
“Ta kale cidda lala hadlayaa sow adiga [ku-xigeenka] iyo maaha
madaweynaha, madaweynaha isaga kibirka waan ku ogaa laakiin waxaan
garan waayey adigana goorta kibirku ku galay.
Waxa aad iyo aad layaab u ah inaad tidhi; ‘wey ku degdegeen
ilcaaminta murrashaxnimadooda,laakiin waxaad ilowsantahay oo aan
isleeyahay malaha kibirkaasaa ilowsiiyey, in labdiinuba bilooyin ka
hor in aad sidaa ugu dhawaaqdeen,oo uu madaxweynuhu labo jeer oo uu
Yurub joogay iyo mar uu xafiiskiisa fadhiyey uu ku dhawaaqay.oo aad
waliba ku xasuusan karto uu raaciyey; yaa iga mudan, markaa sababta
kuwiinana shici ka dhigtay,kuwa dadkana sharci-darro ka dhigtay
waxaan u arkaa in ay tahay aqoon daro uu keyno nin isla weyn oo aan
caadi ahayn.”
Waxa kale oo Mr. Darawal oo uu mid aan aqoon ku dhisnayn u tilmaamay
cudurdaar ka soo yeedhay Madaxweyne-ku-xigeenka, kaas oo uu ku
sheegay in guddoomiyaha guddiga qabanqaabada ay ku qasabtay in uu
noqdo kadib markii ay banaanaatay jagadii uu ka baxay alla ha u
naxariistee xoog hayihii hore ee xisbiga UDUB Maxamed Ismcaaiil
Bullaale.
“ta kale waxaa tidhi; gudida qaban qaabada waxaad waxa igu kaliftay
markii uu dhintay ninkii joogay,halkaa lafteeda waxaan u arkaa in ay
ka muuqato aqoon-darro, waayo habka iyo nadaamada caalamiga ah ee
maamul, marka uu qofku meesha ka baxo maka ka sarreeya ayaa
qabta,misa ka ka hooseeya?
Qof walba aqoon leh wuu garanyaa, ka ka hooseeya ayaa jagadii
fadhiista ee ka sarreeyaa ma tago.adigoo murrashaxnimo sheegtay,
ayaad haddana ka aqbashay in aad noqoto gudoomiyaha gudida
qabanqaaba,oo aad noqotay oo aad soo xulatay ood haddana waxaad soo
xulatay kala baqatay dadkii,taasina kalsooni daro ayey muujinaysaa
iyo in aydaan qadarkab aaminsanayn.”
Md. Cabdillaahi waxa uu ku tilmaamay shirkii madaxweyne Rayaale iyo
Axmed Yuusuf Yaasiin loogu doortay musharixinta UDUB ee doorashada
Madaxtooyada inuu ahaa mid aan sharciga waafaqsanayn oo nuxurkiisu
ku soo ururayay shimbirayahow heesa, “Waxa kale oo aad soo jeedisay
in dadka la soo dhaweeyo, annagu magarayno cidda la soo dhaweenayo,
mid inaga dhaxaysana maaha ayaan qabaa, haddii cid la soo dhaweynayo
anigu waxaan qabaa in adiga lagaaga soo gurmado dhibaatada ku haysa,
taasaanan soo jeedinayaa.
Haddii aad sacabkii badnaa iyo shinbirayow heesadii aad u qaadateen
inaad na jiidheen oo aad guulaysateen, waxaan idiin sheegayaa in
dhuxul dab ah la idinsiiyey, annaguna aanaan ahayn niman xuquuqdooda
sidaa kaga hadhaya,” ayuu yidhi Md. Darawal.
Jamhuuriya Online
|