Cabdillaahi Darawal oo shalay dalka ku soo laabtay

Cabdillaahi Darawal oo Bulshada Somaliland ka Dalbay inay Taageera an Mucaaradka si Rayaale Kursiga Looga Tuuro

“Hoggaankii dalka iyo kii xisbiga UDUB-ba nimankan haysta waxa loo baahan yahay in laga hortago oo dalkan laga qabto”

“Waxaan u arkaa in dalkan lagu ciyaarayo, waayo muddo laba sannadood ah ayaa loo daldalan yahay doorasho”


Cabdillaahi Darawal oo shalay dalka ku soo laabtay


Md. Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo ka mid ah murrashixiintii doonayey inay jagada Madaxweynenimo xisbiga UDUB dhexdiisa kula tartamaan Madaxweyne Rayaale, ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay in la xooggeeyo oo taageero buuxda loo fidiyo xisbiyada mucaaridka ah si dalka looga samatabixiyo xumuumadda Rayaale ee fadhiidka noqotay.

Md. Darawal oo saxaafadda ugu warramayey shalay Madaarka Hargeysa, kadib markii uu ka soo laabtay socdaal uu ku tegay dalka Ingiriiska, ayaa daboolka ka qaaday sida loogu baahan yahay cudud midaysan oo bulshadu la garab joogsato xisbiyada mucaaridka si kursiga looga tuuro madaxweyne Rayalaale oo uu ku eedeeyey karti-darro iyo waxqabad la’aan.

Ugu horreyn isagoo faahfaahin ka bixinayey ujeeddada safarkiisii Britian iyo natiijada uu kala soo hoyday, waxa uu yidhi; “Socdaalkaygu wuxuu isugu jiray mid shakhsi oo aan arrimo gaar ah, balse waxa garab socday iyana arrimo siyaasi ah oo 3-4 tii January ee sannndkan arrimihii qarsoodiga ahaa ee loo xulay ergooyinkii shirweynihii UDUB shirweyne laguma sheegi karee, markii kooxihii meesha qabsatay, dhinaca dibaddana waxa ka jiray sidaas oo kale oo ergooyinkii loo soo dirayay si musuqmaasuq ah oo tuugo ah ayaa loo soo xulay, raggii Ingiriiska joogayna way kala jabeen. Cajaladihii markii dambe ee ay daawadeena way sii muraaradillaaceen, wakiilladii xisbiguna way qeybsameen oo guddoomiye-ku-xigeenkii xisbiga UDUB iyo Xoghiyihii Ingiriiskaba rag wixii dhacay u cuntami waayeen bay ahaayeen, waxaanuna xubnaha UDUB ee halkaa jooga ka wadahadalnay sidii aannu isugu xidhmi lahayn annaga iyo iyagu, waxaanunau isku raacnay in qaabka shirkii u dhacay uu yahay mid dalka iyo xisbigaba ku ah khatartiisa.”


“Hoggaankii dalka iyo kii xisbiga UDUB-ba nimankan haysta waxa loo baahan yahay in laga hortago oo dalkan laga qabto, ragaasi UDUB ee Ingiriiska aad ayaanu wax isula soo garanay wakhtigayga inta ugu badana iyagaan la qaatay oo u doodnay. Kolley go’aankayagu waa markaannu garabkayaga dalka ku suganna wadahadalno iyaguna ay isa soo habeeyaan, go’aan baanu gaadhi doonaa go’aankaasina wuxuun buu noqonayaa sidii nimankan dalkan iyo dadkan looga qaban lahaa.”

Mr. Darawal waxa uu soo jeediyay in la xoojiyo oo la taageero xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland, waxaanu ku adkaystay in sida kaliya ee Madaxweyne Rayaale iyo dawladdiisa looga hortagi lahaa sidaa tahay, “Axsaabta mucaaridka ah oo kale ayaanu la kaashanaynaa, annagoo garabka UDUB ah sidii dalka iyo xisbigaba looga qaban lahaa. Haddii dalka laga qabtana xisbigana waa laga qaban karaa.”

Cabdillaahi Xuseen Iimaan oo la weydiiyay sida uu u arko sababta Madxweyne Rayaale u saxeexi waayey heshiiskii ergada dhexdhexaadintu ka soo saareen khilaafaadkii siyaasadeed, waxa uu yidhi; “Wallaahi; anigu arrintaas maararow uun baan u arkaa. Dalkani laba sannadood oo dhowdhow ayuu u daldalan yahay doorasho. Nimankan aan meesha kaga imi ee dawladda ahna caqligay hayaan ma dhaafsiisna sidii marmarsiiyo ay wakhtiga ku kordhistaan u keeni lahaayeen, ummaddeenuna casharka maalin walba loo dhigayo iskama gartaan oo ma yidhaahdaan waar casharkan hore ayaanu u soo dhiganay, annigu waxaan u arkaa in dadkan iyo dalkan lagu cayaarayo,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Mujaahid Darawal.




Jamhuuriya Online