Cabdillaahi Cukuse; xeerka saxaafadda ma wuxuu akhriyey intii uu
noqday af-hay-hayeenka madaxtooyada
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL C/laahi Daahir Maxamed (Cukuse) ayaa
shalay hadal hanjabaad ah uga jeediyey saxaafadda kulan uu ururka
MMG ku soo bandhigay qiimayn ay ku sameeyeen o lalihii
xilligii doorashadda iyo kaalintii ay ka qaateen warbaahintu,
waxaanu ugu hanjabay saxaaf adda in la hirgalin doono xeerkii
saxaafadda isla markaana uu xanuun ku noqon doono warbaahi nta
uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa xunxun, isla markaana ay ummadda ka
qaban doonaan,wax aanu yidhi.
“Rag badan oo waxaan arkayaa oo meesha soo fadhiya oo leh tolow
isagu ma Saxansaxadii baa mise waa tii kale,Cumar Jaamac ayaan
maqlayay oo leh Saxansaxo sida Telifishanka Qaranka loo ga
caban jiray ayaa dhinaca UDUB-ta looga caban jiray ama jaraa’idka
qaarkii baa xaglin jiray,m aantana wuu amaanayaa.
Aniga qudhaydu waxaan kula
dardaarmayaa MMG inay dhawrato oo waliba ku dhiirato inay saxa
afadda sheegto ka xun si ay marka danbana awood ugu yeelato inay
xukunto.
waxaan doonayaa inaan halkan idiinka sheego xukuumada inay ka go’an
tahay inay hirgaliso xee rka saxaafada, ee ay saxaafadu inta
badan u oomanayd, kii ay xukuumaddii hore wad-wadatay maaha, waa kii
hore ee Madaxweynihii hore saxeexay, ee baarlamaankii hore ansixiyay
ee guur tidu ansixisay ee sharciga ahaa ee yaalay, kiibaa lagu
dhaqayaa. Saxaafada waxaan doonayaa inaan mid fahansiiyo, xeerkaasi
inagu waynu jeclayn imikana wuxuu noqon doonaa xeer xanuun kulul,
waan ogahay in ragga qaar ku noqon doono xeer xanuun kulul. Xeerkani
wax ma xidho laa kiin saxaafadda xunxun wuu soo qabtaa oo
ummadda wuu ka badbaadiyaa. Waa la dhaqan gali naayaa si uu
ummada uga badbaadiyo saxaafada xunxun, iyadoo aan la xidhaynin CID-na
aanay u yeedhayn, waxaana la fulinaayaa wixii xeerka ku qoran maanta
wixii ka danbeeya, waayo ma doonayno saxaafadeenu inay noqoto mid
qofka sharaftiisa meel kaga dhacda. Xaq maaha inay qofka sharaftiisa
meel kaga dhacdo inaad aayr uun iska qorto adigoo qalin iyo waraaq
iska hay sta oo barri daabacaya, adigoo qofkaasi oo masuul ah
meel kaga dhacaya sharaftiisa, adiga oo ay kaa tahay isagaan
necebahay ama reerkiisa ayaan necbahay ama maalin buu iga xanaajiyey,
taasoo saxaafada qaarkeed ku cusub, xeerkii waa la dhaqan- galinayaa
sidii aynu jeclayn ayuuna u dhaqan galayaa ee xanuunkaasi danbe
yaanu u baahanin in xeerkii ay UDUB jeclayd in la hir galiyo”.
Haddaba waxa isweydiin leh C/laahi
Cukuse xeerka saxaafadda ma wuxuu akhristay intii uu noq
day Af-hayeenka Madaxtooyadda? Miyaanu akhriyin markii uu ahaa
tafatiraha wargeyska Saxa nsaxo ee uu qori jiray wax alla
wixii uu doono ee ku soo dhaca maskaxdiisa, heer xittaa uu uu
ga adhay in uu madaxweynihii hore uu ku canbaareeyo aas uu ka
qayb-galay oo ahayd gabadh ay qaraabo ahaayeen Madaxweynaha oo u
shaqayn jirtay. C/laahi Cukuse marka uu leeyahay (Sa xaafadda
Xunxun) ma madaxbanaanidii uu shalay ku doodayey ayaa noqotay xumaan
mise arrin tu waxa weeyaan; markaygana aan waxaan doono sheego,
marka aan xukuumadda aan ka mid noqdana yaan waxba la sheegin oo
saxaafadda wax sheegsheegtaa waa mid xun oo u baahan in la karbaasho.
Ta kale C/laahi Cukuse waxa uu
ahaa intii aanu xilkan qaban guddoomiyaha Dalladii saxaafadda
Madaxabanaan ee USJ, isagoo markasta oo la soo qaado xeer
saxaafadeed ama wax wax u dh imaya xoriyatul-qawlka ahaa qofka
ugu horeeya ee ka qayliya, isagoo ku doodi jiray in xukuum
addii UDUB ay cabudhinayso saxaafadda, isla markaana wargeyskiisa
Saxansaxo waxa uu ahaa ka ugu daran ee ay ka qaylin jirtay
xukuumaddii UDUB uu markasta ka jawaabi jirtay waxyaabuhu qoro,
saxaafaddana wuxuu ku dhiirigalin jiray inay si weyn isu abaabulaan
oo ay uga hortagaan, isaga oo saxaafadda difaacda xukuumaddii horana
u yaqaanay Faqash, hase yeeshee markii uu noqday Af-hayeenka
Madaxtooyadda oo ay ahaydba inuu iska wareejiyo xilkii
guddoomiyenim ada ururkii USJ, waxay noqotay arrintiisu xukuumaddii
UDUB uunbay ahayd in wax laga sheego ee xukuumadda KULMIYE ee aan ka
mid ahay waa ceeb ka saliim oo ma geydo in haba yaraatee wax laga
sheego, halkii laga filayey inuu safiir u dooda u noqdo Saxaafadda
ayuu noqday ka ugu hor eeya ee la dagaalama, isagoo
makarafoonkaba u qaatay in la rido xukuumaddii UDUB xilligii
olalihii doorashadii madaxtinimadda oo uu isagoo la socda Muuse
Biixi soo maray goboladda Galbeedka ee Awdal iyo Salal.
Haatanna xaaladiisu waxay maraysaa inuu isagoo is leh ammaan
madaxweyne Siilaanyo in uu u soo jiido fadeexado, waxaana tusaale u
ah; barnaamujkii uu habeen hore ka sii daayey Telefish a nka
Qaranka ee uu kaga hadlayey taariikhdii SNM, kaas oo uu madaxweyne
Siilaanyo ka dhigay Libaax ah xayawaan, kaas oo uu ku soo koobay
taariikhdii SNM Siilaanyo, taasina waxay keentay in maanta ciyaalka
marka ay maqlaan libaax ciyaya ay yidhaahdaan waa Siilaanyo.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Ilaahayaw Haa iyo Maya meel ha
nagaga wada yeedhsiin”, ee haddii Cukusow aad noqotay muxaafid iska
dhig title-ka madaxbanaanida saxaafadda ee aad sidato inta laga
guulaysan doono xukuumaddaada doorashooyinka danbe oo markaasoo aad
had dana noqon doonto mid u dooda xoriyadda saxaafadda.!
Source: Faalladda Wargeyska Waaheen
|