Cabdalla Xaaji Cali Oo Xabsiga Loo Taxaabay

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News )-Cabdalla Xaaji Cali ,oo ah muwadin u dhashay Somaliland,laakiin ku caasi garoobay dalkiisii hooyo,kana tirsa naa Golaha Baarlamaanka ee dawladda aan lugaha  ku taagnayn ee Shee kh Shariif,ayaa  maalintii Khamistii,July 16,ka soo degay madaarka  caala miga ah ee magaalada Berbera,isagoo ka faaiidaysanaya cafis uu ka hel ay dawladda Somaliland.


Cabdalla ,waxa uu hore uga ahaan jiray Maayir magaalada Berbera ee  G obolka Saaxil,waxaase uu muddo badan ku dhex jiray dawladihii kala dan beeyey ee Somaliya loo soo dhoob dhoobay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, General Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa shaaca ka qaaday in xukuumada Somaliland ay cafiskii kala noqotay Caballe Xaaji Cali,loona dhaadhiciey xabsiga magaalada Berbera.

Taliyuhu wax faah faahina kamuu bixin sababta loo gaala noqday cafiskii.
 

 


Longlivesomaliland News Desk
Hargeysa Office