Cabdalla: Doorashada Madaxweynuhu Djibouti ayay ka Dhacaysaa

 

Ergayga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Axmedou Wallad Cabdalla ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya ay ka dhici doonto Jamhuuridda Djibouti.

Axmedou Walad Cabdalla ayaa warsaxaafadeedkaasi ku ammaanay guddiyada labada dhinac ee Shirku uga socdo Djibouti oo muujiyay hufnaan iyo karti weyn oo ay ku doonayaan inuu hirgalo dadaalada nabadda ee Soomaaliya. Axmed Wallad Cabdalla wuxuu sheegay doorashada Madaxtnimada Soomaaliya ay tahay fursad weyn oo loo baahan yahay in laga faaidaysto . inkastoo warsaxaafadeedkaasi aan lagu sheegin waqti uu dhacayo doorashada, balse hadana waxaa Djibouti ka socdo abaabul weyn oo arrintaasi loogu diyaargaroobayo.

Sidoo kale Magaalada Baydhaba waxaa ka dhoofay oo Djibouti u baqoolay ilaa 30 xidlhibaan oo ka tirsan barlamaanka KMG ee Soomaaliya si ay ugu biiraan wadahadalladda halkaasi ka socda iyo waliba doorashada Madaxtinimadda. Gudoomiye-ku-xigeenka Barlamaanka Cismaan Boqoreh ayaa wareysi uu siiya VOA u xaqiijiyay in ammaanka Baydhaba oo aan la isku halayn Karin iyo culeys bulshada Caalamku ay saartay barlamaanka Soomaalida ay keentay in xubnaha barlamaanka ee ku sugan Baydhaba loo duuliyo Djibouti.


Dhinaca kalena, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah xildhibaanada ku sugan Baydhaba ayaa isaga iyo xildhibaano ay ka mid yihiin waxay diideen inay Djibouti u safraan. Xildhibaan Xidig wuxuu VOA u sheegay inuu aaminsan yahay in howsha Djibouti ka socota ay tahay mid la doonayo in lagu burburiyo ama lagu tirtiro dastuurka u dagan Barlamaanka Soomaaliya. Cabdirashiid Maxamed wuxuu sheegay inay rajaynayaan in doorashad Madaxtinimada ay ka dhacdo Baydhaba oo taasina ay u muddaysan tahay.


Boggan qeybtiisa kore ka dhagayso, wareysiyadda Cismaan Boqoreh, Cabdirashid Xidig iyo Weriyaha Djibouti Ramadan Muse.
 

 


Source:VOA