CAAQIL MAXAMED CABDI QAWDHAN OO XABSIGA LOO TAXAABAY

 

Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan


Gabiley (TNN)-Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan ,oo ka mid ah cuqaasha ugu waaawayn gobolka gabiley ,ayaa manta abaaro 12:30 duhurnimo loo taxaabay jeelka isla markaana siduu ii sheegay Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan mar aan khadka tilifoonka kula xidhiidhay isagoo ku sugan sald higa dhexe ee magaalada gabiley waxaa amray in la soo xidho badhasaabka gobolka gabiley, Yuu suf Ibraahim Geedi.

Xadhigan Caaqilka ayaa ahaa mid sifaha sharciga baal marsan, loomana soo jarin waaran maxka madeed oo xalaalaynaya qabashada caaqilka ,sida ay uu ii xaqiijiyay gudoomiyaha maxkamada gobolka oo sheegay arinkaa inaanu wax war ah ka hayn maxkamada gobolka gabiley.

Dhanka kale mar aan isku dayay si aan faahfaahin uga ogaado sababta rasmiga ah ee caaqilka loo xidhay ayaa waxaan khadka tilfanka kula xidhiidhay badhasaabka gobolka gabiley mudane yuusuf ibraahim geedi balse wuu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo xadhiga caaqilka waxaanu iigu jawaabay ( haa mid ayaa la xidhay miyaa,,,,,waxba kaaga sheegi mayno) ka dibna waxuu xidhay tilifoonkiisii gacanta ee aan kala hadlayay.

Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo ka mid ahaa cuqaasha had iyo jeer la shaqayn jiray xukuuma da ayaa dhawaan todobaadkan gudihiisa ka hadlay warbaahinta oo si adag u naqdiyay saamigii raashinkii mucaawimada turkiga ahaa oo gabiley xukuumadu u qoondaysay inay saamiga ku qaad ato dagmo ahaan isla markaana dhaliilo u jeediyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland cabdir acmaan cabdilaahi ismaaciil , wallow maalin kadib caaqilku raaligalin ka bixiyay hadlkii uu ku yidhi madaxweyne ku xigeen arinta ku sahabsan saamiga raashinkana waxuu kala sinaa dhamaan cu qaasha gobolka iyo golaha deegaanka gabiley oo isku mawqif ka taagnaa, hadiiba taa wax ka taagan yihiinba maalintiiba waa la xidhi lahaa caaqilka,hasayeeshee sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno ilo u dhuundaloola arintan ayaa waxaa loo aanaynayaa xadhiga caaqilka inay sabab u tahay inuu abaabulay shir beesha uu caaqilka ka yahay ay maalintii shalay ku yeelatay beer ku taala ceelginiiseed oo duleedka waqooyi ka xigta magaalada gabiley balse badhsaabka gobolka gabiley mudane yuusuf ibraahim geedi ayaa shalay ka qaybgalay shirkaasi isla markaana ay wada joogeen caaqilkan uu maanta jeelka u taxaabay iyagoon wax turxaani dhexdooda oolin

Waxayse iswaydiintu tahay shalayba waa kuwii wada qoslayee waxan badhsaabka maanta ku soo cusboonaadey ee uu u xidhay caaqilka

Si kastaba ha ahaatee xadhigan caaqil maxamed cabdi qawdhan ayaa xansaska ku sii hurinaya xidhiidhka xukuumada iyo bulshada gabiley oo beryahan dambe sii xumaanayay




Source:Waaheen