Caanageelow Qalinku Yaanu Kaa Baydhin Ee Ka Ilaali Bariiqashada !!!!

 

Marka hore waxaan salaanta Islaamka salaamaya dadka akhrista fariintan iyo editorkska ogalaada in fariintu ku soo baxdo mareegahooda. Salaantaa waajibka ah ka dib inta aanan furfurin nuxurka fariinteyda aan marka hore is weydiino. Waa kuma Caanageel.?.

Caanageel waa qoraa inta badan odorasa ama abla-ableeya sidaasada sirinsirqeysan ee Somalida waana qoraa farshaxana oo aan odhan karo afikiisa dhaca sida qoriga BKM la dhaho.CaanoGeel inta badan waxa uu isku dayaa inuu qalinkiisa ku saxo siyaasada cayn wareegsan ee koonfurta Somalia. Lama odhan karo Caanageel arinta waa sida uu isagu u arko balse meesha lagama saari karo inuu yahey farshaxan indheergarad ah.

Hadii aan intaa ku dhaafo Caanageel ninka uu yahey oo aan u sii gudbo waxa igu igbaarey qoraalkan ayaa waxaan kuu sheegi lahaa in arintan ay igu kaliftey falin celin aan ka fal celinayo fariin dhawaan ka timid odey CaanaGeel.

Hadii aad akhirstow qunyar furto websiteka www.dalkanews.net waxaa kuu soo bixi doona maqaal uu Caangeel qorey intii ka danbeysay doorashada dalka Djabouti lagu soo doortey Sheikh Shiriif Ahmed inuu noqdo Madaxweynaha Somalida koonfureed sida aan anigu aamisaney. Maqaalkan oo cinwaankiisu yahey KOONFURLAND IYO KATARABIL CUSUB, ayaa waxa uu Mr. Caaaogeel ku lafa guraya sida uu arko doorashada Sheikh Shiriif iyo waayaha horyaala ama waxa ay dawlada shariifku la kulmi doonto mustqabalka. Anigoo kuu dhaafi doona akhristow in aad iskaa u akhrisato fariintan Caanageel ayaa hadana waxaan anigu muduci markhaati hasyta ku ahey inuu Caanogeel si khaldan u maamuley qeyb ka mida fariintiisa. Mar uu Caanogeel faalnayey qodxaanta hor taala Shiriifka quryar socodka ah waxa uu dubaha ku dhuftey in Somaliland iyo Puntland ay yihiin khataro Shiriifka horyaala. Waa kan CaanaGeel oo arintaa ka hadlaya.

”Dagaalkaas waxa u wehliya dagaal siyaasi ah oo Puntland iyo Somaliland oo si ay goosashadooda u xaqiijiyaan maamulka cusub u arka khatar liddi ku ah riyada LaanLaan, waxayna u halgamayaan nidaamka Jabuuti lagu dhisay in uusan hirgalin”

Halkaa waxaa ka muuqata in qalinka Caanogeel uu bariiqdey ama uu sheekadiisu noqtey halkii uu Harwaawi ka lahaa Guul baa u dagatee Alle doori sowkaa darka jiidhey Maaweel.

Sow ma banaana akhristow in aynu nidhaahno Alla magane Caanageel halkaa wuu ka dhacey ama waabu ku dul kufey.
In kastaa aan mala`awaali kara in uu Caanageel noqon karo nin raga oo qaladkiisa qirta hadana waxaa hubaala li`i ah in dad badani ay qiri karaan in ay khalad tahey sida uu u dhigey Caanageel.

Bal aniga isku dayaya in aan saxo khaladka ninkaa odeyga ah aan isku dayo inaan qeexo Somaliland iyo Puntland.

Puntland waxaan u arkaa ama ay taheyba meel recieve keyd ama utiil u ah qabiil ama reer Somalida ka mida oo ujeedadiisu tahey in hadiii nin u dhashey Majeerteeniya uu Muqdisho xukumo markaa iney Somaliweyn yihiin, hadii taa la waayana in Puntlandta lala yuurursado oo arintu noqoto meel qabiil ama reer gaari ku baayactamo. Fahan oo halkaa waxaa ku jirta in Puntlandta arinteedu tahey maseyr jaban oo raqiisa, oo ujeedadisu tahey nin ama niman darajo iyo xil lagu taxo.

Saxiib taa badelkeeda ama cakiskeeda Somaliland arinteedu wey ka qoto dheertey waa sheeko dheer, oo hadii xitaa la is yidhaa Somaliweyn ha la isu keeno inta la xisaabtamayo ayaaba 20 sano dhaafeysa, Marka hore Somalind waa dal xoriyadiisa ka qaatey 26,june 1960kii gumeysigii Ingiriiska, marka xigta Somalind waa dal ku hungoobey midowgii 01.july 1960kii uu la midoobey Jamhuriyada Somalida koonfureed. Inkastoo halaaga iyo xasuuqu ku dhacey inta badan dadka reer Somaliland uu markii danbe ku fidey Somalida kale inteeda badan, hadana Xasuuqa ka dhacey Somaliland waa mid sumad gaara lahaa, waxa uu ahaa xasuuq la geystey Somalia oo dawlad iyo sharci ka ka jiro, waxa uu ahaa xasquur la geystey Somalida oo wada miyir qabta. Waxa uu ahaa xasuuq tirtirid iyo isir goyn ahaa.

Markii meesha uu ka baxey taliskii tacadiyadaa geystey Somalilnd dadka ku dhaqani waxey heshiis ku gaadheen in intooda Somaliland ku abtirsataa ay isa samaaxana sameystaana dawlad gaara oo goonidada uga taagan Somalida inteeda kale.
Walow aan aqoonsi caalami ah la helin hadana waxaa la odhan karaa ugu yaraan dadka Somaliland waxey arintaa ka faa`iideen iyagoo ka nabad galey kumaankuna qabqable ee Koonfurta Somaliya ka dilaacey.

Ma dhawa lamana joogi goortii Somaliland uu ka hadli lahaa nin wanaag rabaa, weli waxaba masaraxa taagan oo madaxnimo raba kuwii xasuuqa bahalnimada ah geystey sida Kawaanle Moorgan iyo Maslax ina Siyaad Bare oo cidanka case ee dhiiga u fooldhaqda xukumi jirey


Somaliland waxey ku timid dhiig badan oo qulquley, diyaarado Somalidu wado oo intey ka kacaan madaarada dalka xasuuqey kumaankun qof, Somaliland waxey ku timid magaaalooyin dhan oo la dhalan rogey, markaa in Somaliweyn ay wax ku darsataa waa arin taxadirkeeda, waqtigeeda iyo shuruudaheeda leh. Somalilnad sida keliya ee ay kaga hor iman karto ninka Xamar jooga waa isaga oo iska sheegta inuu yahey M/weyne xukuma dalkii Somalia la isku dohan jirey. Bal hada qabso oo Somaliland sinaba looma dhihi karo waa meel laga jecel yahey in Koonfruta Somaliya ay ahaato meel aan xasilooniyi ka dhalan

Aan ku soo xidho fariintayadan in aan Caanageel xasuusiyo in aan la joogin xili Somaliweyn laga hadlo balse la joogo xiligii xabada laga aamusiin lahaa Mudisho iyo hareeraheeda sidii loo daba qabateyn lahaa dadka wixii nafi ku sii jirto iyadoo intii macno la`aanta ku dhimateyna faaraxada loo marayo!!!. Hadii la i weydiiyo maxaad Shiriifka kula talin laheydna waxaan odhan lahaa;. Shiriifow dhulka intii lagaa ogal yahey waad garaneysaa marka hore isku dey in aad ka sifeyso wixii dagaal ama fadqalalo ka wada, marka xigta u soo gudub initii Talyanigu xoriyada siiyey 1960kii, inta markaad isku soo duba rido Somaliweyn arinteedu waay haya calafalaax iyo hadeed. Ooda dhacameed sida ay kula sareeyan baa loo kala guraa. Shiriifka waxa keliya eek u fashilmi karaa waa isagoo isku tuura badweyn aanu ka dabaalan kareynin.

Caangeel aan ku dhaafo tuducyo ka mida gabeyga Hadraawi ee Gudgude.

Godabtaada meele intaan, gacantu kaa boobin.
Gacalnimada noolee inaan, gocasho kaa oodin.
Guddoonkaaga reere markay, kula gudboonaato.
Gamaddaada muunee hadaad, geeri huri weydo
Guntashana xasuusnow waxaad galaba soo joogtey
Gurgurshaana haw raran nimaan, gudasho kuu doorin
Garsashana ogsoonow iney, xaaja badan goyso.
Geeraarku waa sade haduu, kuu ged bixi waayo
Adba goor is weydii intuu, gabeygu kaa dhaafo.

 


Alla mahad leh


Qalinkii Osman Omar Dool

Oslo Norway