W/Caafimaadka Somaliland Oo La Kulmay Raysal wasaare Ku xigeenka Finland

 



Helsinki (TNN):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xa gla-Toosiye) oo Maalmahanba Booqasho ku Joogey dalka Finland, gaar Ahaan Magaalada  ah ee Helsinki ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu la kulmay madax kala duwan oo ka tirsan xukuumadda Finland.

Wasiirku intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxaa uu la kulmay soo dhowayn aad u heer sa raysa oo ay u fidiyeen qaar ka mid ah madaxda wadanka Finland. Madaxdii uu Wasiirku la kul may intii uu joogay wadanka Finland waxaa ka mid ahaa Ra’iisal Wasaare ku xigeenka wadan ka Finland ahna Wasiirka Maaliyadda ee dalka Finland Mrs. Juttta Urpilainen iyo Wasiirka Was aaradda Waxbarashadda Mrs. Kirsta Kiuru iyo xubno kale oo ka trisan Baarlamaanka Finland.

xaglotoosiye 2
Kulanka Wasiirka Caafimaadka JSl iyo qaar ka mid ah Wasiiradda Finland.Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed Kaar Xagla-Toosiye iyo madaxda wadanka Finland ee wada kulmeen waxay iska xog-waraysteen qadiyadda JSL.

Wasiirku waxaa uu warbxin kooban ka siiyey madaxda dalka Finland qadiyadda JSL iyo houmar ka dhinac kasta ee ay ku talaabsatay Somaliland intii ay xoriyadadeeda dib ula soo noqotay 1991.

Wasiirka iyo Wasiirradii dalka Finland iyo madaxdii kaleba waxay isla garteen in casuumad loo fidiyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Ee Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed Kaar Xa gla-Toosiye Somalialnd oo uu dib ugu soo noqdo wadanka Finland si uu madaxda Finland uga hadlo arrimo khuseeya Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.
Kulankaa Wasiirka waxaa ku weheliyey dhinaca Somalialnd Gudoomiyhii hore ee Wakaaladda Qurbajoogta Somaliland(SDA) Mudane Suleiman Maxamed Faarax oo isagu ah shakhsiga keliya ee suurageliya aalaaaba kulamadda madaxda JSL ay la qaataan madaxda sarsare ee wadanka Finland kulamadaas oo ah kulamo heer wasiireed ah.

Sidoo kale Wasiirka caafimaadku waxaa lagu qaabilay xaflad ballaadhan oo Casho Sharaf ah, oo isugu jirtey maamuus iyo soo dhaweyn, Xafaladdaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey oo la isku arkay, ayna soo qaban qaabiyeen masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Dr. Siciid Guuleed oo ka tirsan hawl wadeenada Hay’adda IOM ee dalka Finland iyo Guddoomiyihii Hore Ee Wakaaladda Qorba-Joogta JSL Md. Saleebaan Maxamed Faarax, Xafladdaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey, ayaa waxaa ka soo qayb galay, waxgarad, madax dha qameedka, Aqoon Yahanno, Fannaaniin, Haween Weyhana Reer Somaliland Iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan Ee bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Helsinki Ee Xarunta Dalka Finland iyo magaalooyinka kale ee ku hareeraysan Magaalada Helsinki, waxaana halkaas khudbad ka Jeediyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Ee Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Kaar Xagla-Toosiye oo si qoto dheer uga xog waramay xaaladda guud ee dalkii hooyo iyo horumarka baaxadda leh ee ay Wasaaraddiisu ku tallaabsatay tan iyo intii uu xilka hayey iyo waxa u qorshaysan in ay wax ka qabtaan 5 (shanta) sanno ee soo socota.

Xafaladan casho sharafta waxaa daadihinayey Cabdillahi Maxamud Ali (Ayax) oo ahaa xidhiidhiyaha kulanka casho sharafta loo sameeyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Ee Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed Kaar Xagla-Toosiye sidoo kalena ah xubin firfircoon oo ka tirsan Xisbiga taladda haya ee Kulmiye laantiisa Finland.

Waxaa sidoo kale ka hadlay xafladda Casho sharafta dad fara badan oo ka mid ah waxgaradk a iyo aqoonyahaniinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland ee Finland waxaana ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay Sheikh Muuse Aadan, Oday Abdillahi Hassan, Abdilqadir Faarax Cabdiqani (Hangool), Oday Faaarax Jees, Oday Yuusuf Muuse (Dhegadayl), Anab Goox, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye laantiisa Finland Maxamed Cabdillaahi Axmed, Suleiman Mxamed Faarax (Gudoomiyhii hore Ee Wakaaladda Qurba-Joogta JSL), Jaamac Xasan Sugaal, Oday Sale ebaan Xuseen Ciise (Gafaydhe) iyo Hobaladda caanka ee reer Finland Marwo Tufaax Darajo.

Xafaladda waxaa kaloo joog ka ahaa wariyaha Universal Tv Md. Maxamed Musse Seeraar iyo weriyaha kale caanka oo ahna tafatiraha Website-ka Somaliland24 Md. Jaamac Maxamed Max amuud oo ku magaac dheer Aar Jaberti iyo Freelance Jourlanist Mustafe Yusuf Ali. Kulamadaa si dhamaantood waxaay ku soo dhamaadeen jawi wanaagsan.
 


Freelance Joourlanist
Mustafe Yusuf Ali, Helsinki, Finland.