Buugii cagaaraa ee kulmiye ku balanqaaday waa laga faa'iday boqolkiiba (90%) waanay fuleen qaybtiisii2aad!!
 


marka hore waxaan salaamayaa warbaahinta qiimaha iyo qaayahay leh ee sida fiican noogu adeegta.Waxaan halkan ku soo gudbinayaa qaybtii 2aad ee buugii kulmiye ku balanqaaday wixii fulay iyo waliba inta faa'iido laga helay balnqaadkii kulmiye iyo xukuumadiisaba.
Marka hore marka aan kulmiye leenahay waxaan ujeednaa xukuumada uu hogaaminayo Axmed Maxamed Siiraanyo taasi oo ka soo jeeda xisbiga kulmiye ama uu dhaliyey xisbiga kulmiye,sidaasi awgeed xukuumadan Axmed Maxamed Siiraanyo balanqaadkii ay ku qortay buugii cagaaraa way fulisay badankeedii sida aan hore ugaga soo sheekeeyey qaybtii hore oo ka koobnayd ilaa (10 qodob) oo ku jiray balanqaadkii buugii kulmiye wakhtigii doorashada isla markiibana xukuumadan hada jirtaa ay fulisay iyada oo ka duulaysa balankii ay ugu balanqaaday dadkii doortay iyo kuwii aan dooranba hadab bal tobankan qodob oo ka mid ahaa balanqaadkii kulmiye oo fulay ila eega.
11-In la abuuro garsoor madax banaan oo tayo leh wax badana laga bedelo garsoorka dalka kaasi oo ay ku dhaqaaqday xukuumadii kulmiye ee xilka la wareegtay in ay samayo ama abuurto ha'adihii ka shaqayn lahaa garsoorka sida maxamadihii oo ay wax ka bedeshay gudigii cadaalada oo ay hawgelisay wasaaradii oo ay iyadana tayasay jeelashii oo iyagana dib u dhis ku samaysay iyo xanaanayta maxaabiista oo la xoojiyey maxakmadihii racafaanaka iyo xeer ilaalintii oo iyana si fiican loo haw geliyey taasina waxaa ay ka mid ahayd buugii cagaaraa ee xukuumada kulmiye ku balanqaaday waanu fulay.
12-In loo sinaado manasabyada dawlada taasina waxaa aan markhaati ka nahay in xukuumada kulmiye ka soo jeedaa ay ku jiraan rag badan oo ku jiray ama taageeri jiray xukuumadii hore oo waliba ahaa ragii safka hore kaga jiray udub ama ucid taasina waa ay fushay oo waxay ka mid ahayd balanqaadyadii kulmiye galay wakhtigii doorashad.
13- In dawladaha jaarka loola dhaqmo habaka macaamilka dawladnimo lana ilaaliyo nabageliyad mandiqada iyo isu gudubka dadka walaalaha ah ee jaarka ah isla markaana la ilaaliyo argagixisda iyo budhacad badeednimada oo iyana meel looga soo wada jeesto taasina way fushay waxayna ka mid ahayd qodobadii ku yaalay buugii kulmiye.
14-In la sameeyo doorashooyinka dawladaha hoose ama kuwa baarlamaanka kuwaasi oo dhana waxaan markhaati kanahay in iyaguna la samaynayo oo ay mudaysan yihiin wakhtigan xaadirka ah isla markaana aanay jirin wax kordhin la yidhaahdo oo dhawaana la kala bixi doono taasi way fushay waana balanqaadkii kulmiye wakhtigii doorashad uu ku galay.
15-In la tayeeyo warbaahinta qaranka oo awal hore ahayd in ay gaadho hargeysa oo qudha hadeerna waxaa ay xukuumada Axmed M.siiraanyo gaadhsiisay caalamka oo dhan waxaanay abuurtay shaqaale tayo leh oo ka shaqeeya,waxay abuurtay tviiga qaranka oo caalamka oo dhan laga dawanayo iyo waliba idaacad dalka oo dhan wada gaadha taasi oo aan markhaati kanahay in ay rakibaadeed lagu hawlan yahay dhawaana ay hawada soo geli doonto iyada oo lagu baahi bixi doono taasina waxaa ay ka mid ahayd balanqaadkii kulmiye wakhtigii uu doorashada gelaayey waanay fushay.
16- In la dhamaystiro dhamaan shuruucad doorashooinka iyo kuwa muhiimka ah haddii ay xukuumada tahay iyo haddii ay golayaasha tahayba taasina way fushay oo waxynu og nahay in la dhamauystiray wixii shuruuca ahaa ee aan hore loo dhamayn kuwaasina waxaa ay ka mid ahayeen qoraaladiii buuga kulmiye ku yaalay.
17-In la magaacabo golo wisiiro oo kooban oo ay ka dhex muuqdaan haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay isla markaana la abuuro ha'ado madaxbanaan oo ay ka mid yihiin qurbajooga,wadooyinka,la dagaalanka musmaasuqa iyo kuwa kale oo dhamaantood u adeega ummada kuwaasina waa la sameeyey waanay fushay oo buugii ayay ka mid ahaayeen.
18-In dadka dan yarta ah loo sameeyo dhaqaalayn iyo wixii loo helo oo la gaadhsiiyo iyad oo la eegayo sida loo kala daran yahay taasina way fushay oo goor walba waa argnaa cunto ama ceelal biyood oo loo qaybinayo gobolada iyo dan yarta ku filiqsan dalka oo si wanaagsan loo gaadhsiiyo wixii loo helo iyo iayada oo loo abuuray ha'ad sama fal oo madaxtooyada ka tirsan oo ka shaqaysa arimahaasi.
19-In dawladnimada la wada gaadhsiiyo dalka oo dhan taasina waxaan markhaati kanahy in kormeer joogta ah ay samayso xukuumadan Axmed.M. siiraanyo isla markaan gobolkasta ay xukuumadu ka warhayso waxa waagu ugu baryey hanaankii dawladnimana ka socoto.
20-In la sahlo isu socodka dadka dhamaantii si ay hawshu u fududaato,xukuumadani waxa ay hormood ka tahay in ay abuurto wadooyin hor leh kuwaasi oo ay ku dhiiri geliso bulshada in ay bilaabaan isla markaana xukuumadu u horseedo oo ay bixiso dhaqaalaha ku baxaaya kala badh qaarna iyadu kaligeed dhisto waan aragnay intaasi oo wado wadanka ka socota oo sahlaya isu socodka bulshada kuwaasi oo dhamaantood ay xukuumadu ku leedahay abaabul iyo waxtar dhaqaale intaba waxaana ay ka mid ahaaayeen wixii ku qoraa buugii balanqaadaka kulmiyewaana fushay.
Hadaba marka aan eegno buugii kulmiye ku balanqaaday waxaan aaminsan ahay in 90% ay fulisay xukuumada Axmed.M. siiraanyo inta hadhayna la fulin doono wakhtiyada u hadhay xukuumada Axmed.M. siiraanyo iyo in kale oo lagu daraaba hadaba xukuumadaniiyo xisbigeediiba way fulisay balanqaadkii ay qortay wakhtigii doorashad waana lagu liibaanay ee ha lagu taageero xukuumada hana la yidhaahdo waxbaa tarteen ee ilahay ha idinka abaal mariyo haddii aydaan u quudhayn mahada ka daaya xagxagashada ha idiin shaqaysee.
 

 


Cabdi.D. Camuud
Uk