Buuga
Nabaadiino oo Luuqada Ingiriisiga lagu Tur jumay oo Xalay Lagu Soo
bandhigay Hargeisa
Hargeysa (Timacade News)-Xaflad
balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen Naadi ga Akhrika H
argeisa (HRC) laguna soo bandhigay Buuga Nabadiino oo loo
turjum ay Luuqada Ingiriisaga a yaa Xalay lagu soo qabtay
Hotel Emperial ee magaalada Hargeisa,
Buugaasi oo uu Qoray Qoraaraga Caanka ah ee Xasan Cabdi Madar ayaa
waxaa ka soo qayb galay, Musharaxa Madaxwayne ku Xigeenka Xisbiga
Ucid Pro.Maxa med Rashiid Sh.Xasan, M asuuliyiin ka socotay
Hayada Danish Refugee Council (DRC), Abwaan Axmed Aw-geedi Dhe
eraad, Gudoomiye ku Xigeenka Jaamacada Hargeisa Mubaarik Ibraahin
Aar, Maamulka iyo Xu bnaha Naadiga Akhriska Hargei sa,
Qorayaal iyo Marti sharaf kale oo farabadan.
Xalada Bandhiga Buugaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Hargeisa Readers
Clup ( HRC ) ayaa ah ayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah oo
loo qabto Buug ku soo baxay Afka hooyo oo lagu ta jumo Luqad
Ajaanib ah.
Buugga “Nabaadiino” ee uu qoray qoraaga caanka ah ee Xasan Cabdi
Madar, ay aa waxa maal galisay Kharashka Loogu turjumay Luqada
Ingiriisiga Hayadda Caa lamiga ah ee DRC. Tarju
midiisana waxa ku guulaystay Muwaadin reer Somaliland ah oo
magiciisu yahay Ismaaciil Xuse en Xandule.
Ugu horay waxaa Hadal kooban ka jeediyay Halkaasi Isu duwaha Naadiga
akhriska Hargeisa Mr.Maxamed Daahir Xasan waxaana uu ka
waramay waxyaabihii loo aa saasay Naadiga akhr iska
hargeisa iyo Sida ay ku timid fikradda aasaaska Naadiga akhriska ee
Hargeisa, waxa uu dib u jaleecay Waxyaabaha Muga leh ee Naadigu ku
talaabsaday intii uu jiray, sidoo kale Himil ooyinka Naadiga
ee Mustaqbalka Dhaw, waxa uu aad ugu dheeraaday sida ay ugu
faraxsan yihiin Talaabadan ah in Maanta Buug uu qoray qof Muwaadin
ah Loo rogo Mid ka mid ah Luqa daha ugu caansan dunida.
Qoraaga Buuga” Nabaadiino” ee lagu ururiyay Suugaanta Somalida ee
Xuquuqda Aadamaha Xasan Cabdi Madar, oo Xafladaasi hadal kooban ka
jeediyay waxaa uu ka waramay socdaalkii ay Buuga Nabaadiino isla soo
mareen isaga oo tilmaamay in markii dhegeheenna ay ku bad at
ay Ilaalinta Xuquuquhu ay noqotay inaynu dib u jaleecno dhaqankeenii,
ka dib aynu ka falan qayno Sida gabayaaga soomaaliye ed
u ilaaliyay xuquuqda Aadamaha, ama ugu tacadiyay, Labadaba, sidoo
kale wa xaa uu Xusay Xasan waqti aanay Hay’addo xuquuqal
insaanba jirin ayay iyagu Mashaakilkooda ku xalisan jireen
Maansooyinka Nabada, ama ay hurin jireenba hadii ay doonaan.
Xasan Cabdi madar waxa uu aad ugu Mahadnaqay Hayada Caalamiga ah ee
DRC iyo Naadiga Akhriska hargeisa oo ku amaanay kaalintii ay ka
gaysteen Bandhiga iyo turjimada Buugaasi, waxa kale oo uu aad ugu
mahadnaqay Ismaaciil Xuseen Xandule oo isagu Turjumay Buuga
Nabadiino.
Waxaa isagu Xafladaasi ka hadlay Abwaanka Axmed Aw-geedi (Dheeraad) oo
tibaaxay in Buugu koobsaday Maansooyin la tiriyay waqtiyo fog, kuwo
dhaw,iyo kuwo dhexeba, isaga oo tibaaxay in Abwaanku aanu ku jirin
dadka caamada ah ama uu ka xeeldheeryahay inta badana uu wax ka sii
sheegi karo Mustaqbalka.
Abwaan Axmed Aw-geedi waxa uu halkaa ka tiriyay Gabaygii
“Dhulgariir” ee Abwaan Hadraa wi, oo ah Gabayada ugu horeeya
Buugga, isaga oo ka codsaday dhalinta inay iyagu la yima adaan
maskax furan oo ka duwan tii ahayd dhaqankan waxaanu ka soo gaadhnay
awawyaas hayo ayuu yidhi abwaan aw geedi.
Tarjumaha Buuga Ismaaciil Xuseen Xandule ayaa ka warbixiyay
Dadaalkii dheeraa ee uu u gal ay sida uu isku waafajin lahaa
wada socodka labada luqadood, isaga o o tibaaxay in
waxyaa bihii ugu adkaa ee ka horyimaadaa ay ahaayeen sida uu
er ay bixin ugu heli lahaa Sarbeebta Suugaanta oo haduu sideeda u
macneeyo Mac nuhu isbedelayo.
Ismaaciil Waxa uu si xiiso badan uga sheekeeyay Kelmadihii ugu
darnaa iyo sida a y kala yeel een aakhirkii. Ugu
dambayntii waxa uu Dhalinta uga sheekeeyay Waa yo aragnimida
Tarjum ada iyo dareenada Xasaasiga ah ee ku xeeran, isaga oo
til maamay in qofku Aqoon wanaag san u yeesho labada Luqadood
ee uu kala minguurinayaba.
Ugu danbayntii Waxaa hadal kooban isna halkaasi ka jeediyay
Musharaxa Madax wayne ku xigeenka Xisbiga ucid Pro.Maxamed
rashiid sh.xasan oo aad ugu mahad naqay Hargeisa Rea
ders Clup sida wanaagsan ee ay udaadihiyeen Bandhiga buuga
Nabaadiino.
Maxamed Rashiid Sh.Xasan waxaa uu ka waramay dhibaatada ay leedahay
turju maada luqa da somaliga gaar ahaana suugaanta waxaanu uga
mahad celiyay Ismaaciil Xuseen Xandule Turjumada wanaagsan ee
uu ka bixiyay Buuga Nabaad iino.
Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Timacade News Reporter
Hargeisa/Somaliland
Timacadenews@hotmail.com
|