BUUG
LA JAANQADAYA AALADAHA AAN ISTIC MAALNO. SOONA
NOOLAYNAYA ERAYADA AFSOMALIGA KA DABAR
GO’AYA

( EREY
BIXINTA COMPUTER-KA )
Waxay ahayd maalin jimce ah markii aan u diyaar garoobay salaada
waxaan yara tagay suuqa meelaha fagaarayaashaa ah ee la iskugu
yimaado, anigoo ku talo galkaygu ahaa in aan meelahaa suuqa kasii
sharaabo inta aanay salaa da gaadhin, waxan soo maray koox
dhalin yaro ah oo doodaysa kadib markii aan fadhiistay ee aan in
mudo ah dhagaystay tuduca ay ka doodayaan iyo gundhiga sheekada,
ayaan waxaan ogaaaday in ay ka doodayeen buug wakh tiyadan
danbeba aan ku arki jiray dagalada lagu soo bandhigo buugaagta sida
redsea-online (ururka qoraaga Somaliland),dagalka dhaqanka iyo
suugaanta farshaxan iyo dagalka suugaanta iyo dhaqanka aftahan .
Waa buug uu qoray c/raxmaan c/laahi faarax (barwaaqo) magaciisana la
yid haa halbixinta ereryada computerka dooda waxaan ku soo gaadhay
goor ay sii dheelmanayso dhalinyartan doodu ka dhaxayso oo u
qaybsanayd laba kooxo od koox tilmaamaysay in aan qoraagu
adeegsan afsoomaaligii saxda ahaa bal se adeegsaday ereyo aan
afsomaliga ku jirin ama laga isticmaalo meelo kale oo ka baxsan
bulshadeena, halka kooxda ka soo horjeedaa ay si xoogan ugu
doo dayeen in weedhahaasi ay yihiin weedho iyo ereyo ahaa alaabo
aynu hore u lahayn oo dib inoogu soo noqday qoraaguna uu dib u
bakhti afuufay.
Dhalinyartaasi waxay akhriyeen dhawr eray oo kamida erayada buuga ku
jiray oo ay ku andacoonayeen iska daa inay noqoto eraybixin
kumbuyuutar ee aa nay waligood dhagahooda kusoo
dhicin,Weedhahaasi waxaa ka mid ahaa ,Ere yga QURAAR oo koox
sifiican u sharaxi kararsay halka kooxdan kale ku dood ayeen
inaanay waligood maqal.
Hadaba waxaa xaqiiqo ah inuu eraygani yahay eray wakhti hore la
isticmaali jiray waa eray soomaali faseex ah oo aan hada la
isticmaalin balse laga heli karo oo kaliya bulshada reer baadiyahaa
ah.
Sida runta ah erayga quraar wuxuu ka so jeedaa asalkiisii hore
dadkeena reer miyiga ahi waxay samaystaan agab kaasi oo oo ay ku
shaqaystaan,beeraha ku qotaan, wax ku cunaan, qaar ay wax ku tumaan,
hadaba agabkaasi marka la soo jaro ayaa si loo qurxiyo oo loo
hagaajiyo oo loo xardho waxa ay u isticma alaan gudin yar
aadna uga daab gaaban GUDIN MASAARTA geedaha lagu jaro, gudintaas
yar waxaa la yidhaa (GUDIN QURAAR) waxaana lagu quraaraa Moo
yaha, Gacafka, Tibta, Agabka Dibida ee loo adeegsado beer falida,
Qabaalka adhiga carada loogu dhigo, IWM.
Waxaan u malaynayaa inaad fahantay macnaha erayga quraar hadii aan u
no qono xaga computerka hadii aan u baahano inaan shay edit-garayno
miyaanu ereyga quraarid si fiican ugu dhigmin oo aynaan halkii aan
ka odhan lahayn EDITING ku badalan Karin QURAARID oo ah luuqadeena ,
Waxaa isla maalinkaas aan arkay, iguna dhalatay inaan akhriyo
buugaas qiima ha leh isla mudo yar ka dibna waxaan ka qaatay
dhalin yartii isla maalinkii aan akhriyayna waxaan xaqiiqsaday inuu
soomaaligu yahay luuqad aad u qaaliya waxaan is waydinayay
maalinkaas aan akhrinayay suaalo badan, waxaana I hortaalay cadayn
sheegaysa in afsomaligu ahaa luuqad balaadhan oo hodana wax walbana
laga heli karo, balse dadkii lahaa ay dayaceen kana doorteen
luu qado kale iyagoo moodaya inay ilbaxnimo tahay kana horaysiinaya
luuqadah ooda luuqadaha kale ee ajaanibka.
Wax fudud maaha in lasameeyo eray bixin iyadoo hawsha ugu culus
tahay sidii la iskula doonan lahaa eray somaliya oo loo bixin karo
qayb kumbuyutarka ka mida magaciisuna tilmaamayo hawsha uu qabanayo.
Markii aan waday akhriska buugan ayaa waxay indhahaygu aad ugu
dhayga geen labadan eray LEFT MARGIN iyo RIGHT MARGIN , oo uu c/raxmaan
u helay erayo lagu badanalan karo oo somaliya , kana baarandagay bal
u fiirso oo akh ri habka gaaban ee qoraagu iskula doontay
erayadan.
(Marka beer la qodayo marka hore waxaa la jeexaa laba faag kuwaasoo
muuji naya halka ay beerta falideedu ka bilaabmayso iyo halka ay ku
dhamaanayso, labadaas faag waxaa la lakala yidhaa FAAGA MIDIG iyo
FAAGA BIDIX inta u dh axaysana waxaa la yidhaa (BOOY) waana
inta wax lagu beero ama lagu shiniy eeyo.
Hadaba qoraagu wuxuu daaha ka qaaday falkaasi inuu u dhigmi karo ka
marka aynu kumbuyuutarka Wax ku qorayno, waxaan u samaynaa waxa la
yidhaa margins si aanu qoraalku u dhaafin halka aynu doonayno
markaas maxaa inoo diiday margins inaan ku badalanofaagag, LEFT
MARGIN iyo RIGHT MARGIN may naan ugu kala yeedhi Karin FAAGA
BIDIX iyo FAAGA MIDIG inta wax lagu qora yana maynaan odhan
Karin BOOY.
qoraagan caankaa ee ku talax tagay dhaqanka,suugaanta, iyo xikmada
luu qada soomaligaa ayaa wuxuu ku dadaalay iskuna hawlay inuu inoo
soo ban dhigo ereyo badan oo dadka computerada isticmaalaa
halkii ay ka adeegsan jireen ereyo qalaad ay isticmaali karaan erey
bixintan wanaagsan ee uu isku soo hawlay qoraagan oo ah runtii nin
hawl kara ilaaliyana suugaanta iyo dhaqanka soomaaliyeed hadaba
qoragu dadaalkiisii wuu kasoo baxay laakiin waxaa loo baahan yahay
in laga reebo lagana kaydiyo afsoomaaligan uu inoo soo bandhigay oo
runtii aanay dhalinyarta waqtigani 50% aanay garanayn macnaha ereyo
badan oo ku jira buugan laakiin ahaa afsomaali nabaad guuray oo
qiimo leh lana isticmaali jiray xiliyo hore iyo ereyo kale oo
qoraagu inoo soo bandhigay ,
Waxaa hubaal ah marka aad akhrinaysid buugan in aad in aad arki
doonto ca dayn sheegaysa in af-soomaligu ahaa luuqad hodana
waxwalbana laga heli ka ro laakiin dadkii lahaa ay dayaceen
kana doorteen luuqado kale iyagoo mood aya inay ilbaxnimo
tahay.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa maqaalkaygan waar hala ilaaliyo luuqada
ha dii kale waxaa dhici doonto in caruurteenu noqdaan dad
jahawareersan oo lu uqadoodu dacawo e’ey tahay una dhaxayso
luuqado badan.
Waqtiyadii hore dadkeenu waxa ahaa dad gabayo,heeso, heeso hawleedyo,
sheekooyin, iyo xikmado kale isticmaali adeegsan jiray sidaas ay
tahay hadii ayna ahayn dad aftahamiin ah manta maynaan helneen
taariikho badan oo wadankeena ka dhacay balse hada marka aynu u
baahano in aynu baadhno dhaqankeenii iyo xaaladihii wakhtigaas
waxaan ku laabanaa Gabayadii waxa ay ka sheegeen .
waxay noqon lahaayeen hal bacaad lagu lisay manaynaan ogaaneen
taariikhdii dhibtii iyo dheeftii ka dhacday dhulkan iyo
dhaqankii,iyo luuqadii bulshadan,b alse waxaan kala soo dhexbaxnay
kana dheeganay gabayada iyo murtidii ay is waydaarsan jireen,
gabayadaasi iyo xikmadahaasi hore waxay inoo yihiin mak tabada
Ama Madxaf aan wax ka akhrisan karno, kuna kaydsan yihiin, kana heli
karno taaariikho badan oo hore u dhacay .
Sidaas ay tahay manta ma jiraan
rag gabayaa ah oo u dhigma ragii hore gud bin karana
taariikhdan aan ku suganahay,
Balse waxaa wali nool rag aan waxba ka dhicin ragas hore oo ku
dadaalay inay ururiyaan luuqada, dhaqanka, iyo taariikhda dadkan,
kuna qoray buugaag si ay u helaan dadyawga inaga danbeeya iyo
kuwo manta nool ee aan waxba ka ogayn dhaqanka,suugaanta, luuqada
saxdaa iyo taariikhdii hore tusaale ahaan qoraaga buugan .
c/raxmaan qoraaga buugan EREYBIXINTA COMPUTER-Ka runtii waa nin
gab ayaa ah maskax maal ah waxaanu hore usoo bandhigay
maqaalo,gorfayn iyo buugaag badan oo dhamaantood faaiido u leh
bulshadeena waana kuwan:-
Hawl qabadka c/raxman c/lahi barwago waxaa ka mida
Buugaag
1) Mahadhada iyo waxqabadkaa axamed Xaashi Dhamac Gaariye (2007)
2) Hal aqoon: Warsidaha suuganta iyo dhaqanka soomaaliyeed (2000
ilaa hada )
3) Abwaanka cudurada dadka iyo duunyada (2001)
4) Magac bilaash uma baxo: Ujeedooyinka magacyada
5) Abwaan cusub oo Afsomali iyo Af-ingiriisiya (1995)
6) Hal bixinta erayada kumbuyuutarka
Qoraalada:-
Baaxada Suugaanta haweenka soomaaliyeed
Caadooyinka soomaalida
Ciyaaraha somaalida
Cudurada iyo habkii ay somalidu isaga daweyn jirtay
Dhirta iyo dheefteeda
Ujeedooyinka magacyada magaalooyinka somaliyeed
Kumaa ah aabaha miisaanka: ma Gaariye mise Caraale ?
Qalabka iyo Suugaanta qodaalka (waxa la qoray Nugidoon)
Siyaabaha ay somalidu u ducaysato
Taabudnimada ereyga magac iyo adeegsigiisa
Ujeedooyinka magacyada xoolaha dhedig
Xasilooni darada afsoomaaliga
Taxanaha baro abwaankaaga
-Mahadhadii Maxamed Ismacil diiriye “qaasin”
- Mahadhadii C/laahi Suldaan Timacade
- Mahadhadii Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal
- Mahadhadii Ibraahin Xuseen Ismacil “Cirasuge”
Gorfaynta:
Gorfaynta Qaamuuska cusub ee afsoomaaliga
Gorfaynta buuga waxa la yidhi “sheekooyin hide ah”
Ma dhabaa qabiil waa qab iyo ciil
Gorfaynta buuga la yidhaa “Guri waa haween”
Gorfaynta buuga la yidhaa:- literature of Somali nomastics and
proverbs
c/raxmaan wuu dadaalay laakiin xilkii inaguu ina saran yahay waxaana
loo baahan yahay inaan hir galino ereyadan ,ugana dhaadhicino
caruurta, iyo dhalinyarada iyo dumarkaba si ay u noqdaan erayo la
isticmaalo.
( Nin wayn oo wax garad ahaa ayaa waxa laga hayay inuu yidhi:-
anuu waxaan jiraa saddex boqol oo sano. Markaasay la yaabeen dadkii
una maleeyeen khurafaad leh, qof beenaale ah oo wuxuu doono iska
odhanaya , laakiin qaar kale oo si kale u fikirayay ayaa waydiiyay
sideed u jirtay sadex boqol oo sano adeer?.
Waxaanu ku jawaabay adeer boqol sano awoowgay ayaa jiray oo aabahay
uga sheekeeyay, boqolka kalena waxaa jiray aabahay oo aniga iiga
sheekeeyay. Boqolka kalena anaa noolaa ).
Talo bixin
si loo hirgaliyo ereyadan uu inoo xifdiyay qoraagu marka hore waa
meelaha lagu dhigo computer soft-ware iyo hard-ware ku waa in ay
samaystaan buugaag soomaaliya oo ka hadlaya computerka iyagoo ka
dheeganaya buugan.
Macalimiintuna waa inay ku gudbiyaan afsoomaali kana dhaadhiciyaan
ardayda oo halkii ay ka odhan lahaayeen FORMATTING waa inay
isticmaalaan AGLOOLID,
Waa in raga farsamo yaqaaniintaa ee computerada hagaajiya iyo kuwa
iib iyaaba isticmaalaan ereyadan si ay bulshada u dhex galaan ulana
qabsadaan dadku, waxaana qasaba hadii ay isticmaalaan dadka iibiyaa
qalabka computer ada erayadan soomaaligaa in ay si dagdaga u
noqon doonaan erayo macruuf ah oo la isla garanayo.
Qoraaga waxaan kula talinayaa in uu soo saaro buug noociisu yahay
Somali lagu turjumay soomaali, sobobtoo ah waxaa ku jira buugan
ereyo badan oo ilaa dhawr boqol oo erey ah 50% aanay fahmayn
dhalinyarta hada taagan, waxaa kale muhiima in loo sheego dadka
halka ay erayadani asalkoodu ahaa sida erayo badani waxay kaaga
baahanayaan dictionary ama micneeye
Qore: Fuaad Cabdilaahi Xassan
Fuaad_phy@hotmail.com
|