Buubbaa oo Calankiisa Beddelay
London (TNN):-Goobtu waa Djibouti. Waa garoonka dayaaradaha Ambouli. Waa bisha
April sannadkuna waa 1994. Kulaylka ayaa soo yara billaabanaya. Waa
aroor hore. Waxaan ka imid London inkasta oo aan markaa magaalada
dhowr maalmood joogay.
Waxaan goobta isku aragnay Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa, oo
markaa lagu yiq iin siyaasadda SNM iyo Wasiir Maaliyadda ee
Somaliland in uu noqday.
Wuxuu ii saray in war weyn oo xagga Somaliland ahi uu jiri doono.
Inkasta oo aan aad isugu deyay in uu faahfaahin i siiyo, haddana
wuxuu ku gaabsaday in uu warka ku dha waaqi doono Guddoomiyaha SNM,
Cabdiraxman Axmed Cali, waa Madaxweynihii koow aad ee Somaliland
markii ay gooni isu taagtay. Waxaan weydiistay in aan la kulmi karo
Cabdiraxman Axmed Cali. Wuxuu ii sheegay in uu hadda ka dhoofay
garoonka oo uu qa btay Addis Ababa. Halkaas oo uu kaga dhawaaqi doono
warka oo ah mid aad u culus.
Waxaa maalmahaa Djibouti joogay Maxamed Faarax Caydiid. Waxaan soo
xusuustay in Caydiid ay toddobaadkii hore isku soo arkeen Addis
Ababa Hoggaamiye Kooxeedyo dhowr ah oo uu ka mid yahay Cabdullaahi
Yusuf oo markaa madax ka ahaa Gobollada Woqooyi Bari. Wuxuu ahaa
safarkii ugu horreeyay ee Caydiid uu Dibadda u soo baxay ka dib
markii uu Mareykanku ka joojiyay duqeyntii iyo baadigoobka dagaalkii
la baxay Blackhawk Down. Caydiid oo baqdin ka qabay Mareykanka ayaa
diiday shir ka dhici lahaa Addis Ababa in uu ka qeyb galo. Dayaarad
khaas ah oo loo diray ayaa waxaa wadajir u raacay Wasiir Ethiopian
ah iyo Cabdullaahi Yusuf Axmed si ay uga soo qanci yaan in uu shirka
ka soo qeyb galo. Wuuna soo raacay.
Halkaas waxaa iiga soo baxday in sababta Caydiid loogu qanciyay in
uu dibadda u soo baxo, is araggii isaga iyo Cabdullaahi Yusuf iyo
Madax kale oo Soomaaliyeed oo badan ee Addis Ababa iyo kulanka
Cabdiraxmaan Tuur, in laga yaabo in go’aanku noqdo mid wax ka
beddela siyaasadda Soomaaliya.
Markii uu Buubbaa iigu daray in war weyni jiri doono waxaan
billaabay in aan xaaladda darso, bal waxa aniga ka weriye ahaan ila
gudboon. London iyadana xan ayaa iga soo gaartay ku saabsan qorshaha
SNM. Subixii xigay waxaan ka degey Hargeysa iyada oo aan dadku
dareen qabin. Fiidkii ayay ahayd mar aan makhaayad kala casheynayay
saa xiibbo markii aan dhegeysannay BBC. Cabdiraxman Axmed Cali wuxuu
ku dhawaaqay in laga noqday gooni isu taagga Somaliland.
Gen. Aideed oo diiday in uu ka jawaabo su’aasheyda,
Garoonka Dayaaradaha Djibouti 1994.
Sida ay magaaladu uga jawaabtay iyo bannaanbaxyadii ka dhacay ee
rabshadaha iyo dhagaxtuurka watay ayaan Hargeysa ka soo tebiyay
maalintii xigtay. Siyaasiyiintii aan la kulmay maalintaas waxaa ka
mid ahaa Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal iyo M udane Jaamac
Maxamed Qaalib oo aan gurigiisa ku booqday.
Intii ka dambeysay waa taariikh aanan dooneyn in aan hadda halkan ku
faaqido.
Wixii berigaa ka dambeeyay inta badan Ismaaciil Buubbaa aad ayuu uga
dhex muuqd ay siyaasadda Soomaaliya. Mar uu Xildhibaan ahaa iyo mar
uu xil Wasiir hayay. Sanna dkii 2000, markii Cabdiqaasim Salaad Xasan
lagu doortay Carta, Ismaaciil wuxuu ka mid ahaa raggii ugu cadcaddaa
ee u taagnaa Ra’iisal Wasaare.
Dowladdii lagu soo dhisay Nairobi ee uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf
hoggaaminay ay, oo iyadu ka yara aqoonsi rooneyd dowladdii ka
horreysay, wuxuu Ismaaciil Buubb aa mar ka noqday Wasiirka Arrimaha
Dibadda.
Xilkaas intii uu hayay ayuu yimid goobteydii shaqada, Bush House,
isaga oo ay wehliya an Allaha u wada naxariistee Yusuf Dirir oo isaga
dhowaan lagu dilay Muqdisho iyo C abdikariin Faarax Laqanyo. Imey soo
wargelin oo waxaa laga yaabaa in aanay doone yn in la ogaado in lagu
siday baabuur ay leedahay Safaaradda Ethiopia ee London, bal lanatana
ay iyadu u qabatay.
Anigu markii aan ka war helay waxaan u qabanqaabiyay wareysiyo dhowr
ah oo ka d heeraad ah midkii ay u yimaadeen, maaddaama aan ogaa
afafka badan ee uu ku hadlo Buubbaa. Ka dib waxaan u qaban qaabiyay
in aan la kulanno oo aan isbaro Madaxa Afrika iyo Bariga Dhexe ee
BBC, Jerry Timmins, oo aniga madax ii ahaa. Maaddaama aan socdaalka
Wasiirka cidi hore noogu wargelin, waxaan Jerry Timmins ka soo
saaray shir uu ku jiray, ka dib markii aan ka codsaday in uu
qaabbilo Wasiir Soomaaliyeed oo jooga Xafiiskeyga. Halkaas ayaan
shaah ku wada cabnay. Marnaba ma sii ogeyn in Wasiirku uu fursaddaas
uga faa’iideysan doono in uu aniga i dacweeyo.
2015
Hadda Salaadda subax inta aanan tukan ayaan dhegeystay wareysi
taariikhi ah oo uu Ismaaciil Buubbaa siiyay Horn Cable. Wareysiga
waxaa si wanaagsan u qaaday weriye Cali-Seenyo, oo ah nin cod kar
ah.
Waxaan ka fahmay in Ismaaciil Buubbaa uu hadda ka noqday go’aankii
uu in ka badan 20 sano ka hor waa April 1994 uu iigu sheegay
garoonka dayaaradaha ee Djibouti.
Wuxuu si codkarnimo leh uu u fasiray sababta uu uga guurayo Muqdisho
oo uu u qab anayo Hargeysa, isaga oo calankana beddelanaya.
Ismaaciil Buubbaa wuxuu ka gaabsaday in uu afka si buuxda ugu
ballaariyo laakiin wux uu erayo kala duwan ku sheegay in nidaamka
Federaalku qaabka uu ku socdo aanuu isaga ugu muuqan mid haya
dhabbihii lagu dhisi lahaa Qaran Soomaaliyeed oo hana qaada.
Welibana uu halis u yahay in Soomaaliya uu u horseedo in ay kala
burburto, oo ay noqoto dowlado yar yar oo iyagu isu cadow ah iskuna
mashquulsan.
Anigu waxaan qabaa in Buubbaa go’aankiisa lagu qaddariyo. Soomaali
guud ahaan, ke ennii jecleysta iyo midkeennii aan jecleysanba waxaa
ila habboon in aan ku qaddarinno aragtida iyo go’aanka uu shakhsi
ahaan u qaatay Ismaaciil Buubbaa.
Waxaanse qabaa in si aan laab-la-kac ahayn u faaqidno oo u miisaanno
sababaha uu noo sheegay iyo sababaha kale ee muuqda laakiin aanuu
carrabka ku dhufan. Waxaan qabaa in aan wax iska weydiinno habka
Federaalka. Waxaan qabaa in aan wax iska weydiinno dhaliisha uu u
jeediyay Somaliland oo uu ku tilmaamay in dooddeedu ay ku saleysan
tahay taariikh ee aanay mustaqbal ku saabsaneyn. Waxaan qabaa in aan
wax iska weydiinno Mas'uuliyiinta Soomaaliyeed ee uu ku tilmaamay in
ay oggol yihiin in la noqdo laba dal.
Ismaaciil calanka wuu beddeshay, hase yeeshee waa Soomaali, waa
waaya arag, waa siyaasi miisaan leh, wuxuu ka dhawaajiyay waxyaabo
Muqdisho iyo Hargeysaba aan weli si wanaagsan looga doodin. Waxaan
qabaa in aan dooddaas hore u sii wadno.
F.G. Dadka dhintay ee aan qormadeyda ku soo qaaday Allah ha u wada
naxariisto.
Source:http://yusuf-garaad.blogspot.de/2015/06/buubbaa-oo-calankiisa-beddelay.html?spref=fb
|