Boqortooyadii
Taariikhiga ahayd ee Galediga
by:Hamud Duale
Intaanan
faalo, falaqayn iyo fiiro gaar ah oo buugan ku saabsan gudda galin,
Waxaan marka hore ku bilaabayaa faqrad ka mid ah faqradaha buugani
ka ko oban yahay oo aan ka soo minguurinayaa. Buugani wuxuu ka
sheekaynaya Taariikhdii boqortooyadii Galidiga ee Xarunteedu ahayd
Afgooye.
Xilligii Suldaan Yusuf iyo gubidii Bardheere
Sanadkii 1840aadkii waxaa magaalada
Baardheere ka soo shaac baxay culu mo si aad ah ugu
xeeldheerayd diinta Islaamka, kana soo horjeedey dadka ku dhaqma
falaka xunxun. Waxay ahaayeen culumo isbiirsatay oo ka kala yimi
bulshadii deegaankaas, horseedna waxaa u ahaa nin la odhan jirey
Sheekh Ibrahim Xasan Jibirow oo reer Daafeed ahaa. Sannadku markuu
ahaa 1819 Sheekhaasi wuxuu Baardheere ka dhisay Jameeco la magic
baxday Jameeca dii Baardheere. Dhowr sanno kadib waxay
bilaabeen dhaqdhaqaaq ay kaga soo horjeedaan Salaad La’aanta,
ciyaaraha iyo heesaha iwm.
Waxay ujeedadoodu ahayd in
la qabsado xariga Ilaahay laguna dhaqmo shur uucduu innoo soo
dejiyey. Boqortooyadii Galediga ahayd waxay u arkaysey in ay
Baardheere tahay magaalo ku can baxday fidinta diinta oo ay ka
aflaxeen culumo aad u tiro badan iyo mashaa’iikh waaweyn oo weliba
mahad loogu ha yo gaarsiinta diinta Islaamka gobolo badan.
Wadaadii Baardheere iyada oo yoolkoodu ahaa in ay joojiyaan falaad
xumadii ka taagneyd geyigooda, si isdabajoog ah ayay ugu yaaciyeen
wadaado huba ysan Gedo, Bay, Bakool iyo Dhoobey. Dadka
wadaadada ahaa waxay xirnaa yeen dhar caan ah oo ay dadka kale
iskaga sooci jireen. Waxay xidhan jireen baa la yidhi khamiis wada
cad oo dheer. Qaar kalana waxay leeyihiin waxay xidhan jireen shaar
gacmo dheera ah oo wada cad, inkasta oo loo sheego siyaabo kala
waxaa dhammaantood loo yiqiin “imbeeray’ amma ‘Canbuurey’.
Sida la weriyey si aad ah ayay u
leeyeen dadkii dhulkaa deganaa. Qaylo dhaa n iyo ergooyin ayaa
loo soo diray Suldan Yusuf Maxamud. Wuxuu u sheegay in ay khalad
tahay dad islaamnimo sheeganayaa oo haddana dad muslin ah baabiinaya.
Wuxuu isku dayey in uu u kuurgalo oo ogaado sababta arrintan ka
danbaysa.
Iyada oo xaaladu halkaa maraysa ayaa suldaanka loo soo weriyey hadal
been ah kaas oo la leeyahay waxaa la dhacay lana baabiiyey dadkii
Tunida iyo Jiida d laha ahaa. Run ahaantii waxaa jirey dagaalo
dhexmaray qabaa’ilkaa iyo Ca mbuureyda, laakiin ma jirin dhac
iyo boob lagu sameeyey dadkaa.
Qolooyinkii warxumo tashiilka
ahaa waxay uga dan lahaayeen in ay iska hork eenan wadaada
Cambuureyda ah iyo suldaanka oo muddo ka leexleexanayey in ay iska
horyimaadaan culimo diini ah.. Dadkii qorshayaashaa wadey waxay ugu
danbayntii ku guuleysteen in ay dagaal ka dhex qarxiyaan labadoodii,
hal kaana waxaa ka bilaabmay dagaalkii la magac baxay ‘Dagaalkii
amma Jihaadkii Baardheere”.
Sannadkii 1848dii wuxuu Suldaan Yusuf urursaday ciidan aad u laxaad
weyn oo ka kooban dadkii deganaa Bay, Bakool, Gedo iyo Dhoobeyda.
Ciidankiaas oo uu horsed u ahaa
suldaanka Galidigu waxay u kicitimeen maga alada Baardheere,
wuxuuna weerar ku qaaday Cambuureydii, halkaas oo lab ada
dhanba lagu hoobtay. Inkasta oo ay ugu danbayntii ku guuleysteen
boq orka iyo ciidankiisu in ay jebiyaan cambuureydii, islamarkaana
gubaan magaa ladii Baardheere, haddana muddo labaatan sano ah
lama degin Baardheere.
Halkaa waxay Boqortooyadii Galedigu ku yeelatay magac iyo sumcad,
dadkii dhulkaa deganaa. Waxay deganayaashii dhulkaasi u aqoonsadeen
in ay tahay awooda keliya ee ka jirta carigaas, sidaas ayaanay
xukunkii boqortooyada raali uga ahaayeen intii muddo ah.
Haddaan halkaa ku dhaafao faqradiii buuga aan ka soo minguuriyey,
waxaan u dulmar guud ku samayn doonaa buugan soo yaal taariikhda ah
ee ka wara maya Boqortooyadii Galedigu,
Buugan waxaa qortay Sahra Maxamed Cali,
taf atirka iyo afcelintana waxaa samaysay Virginia Luling.
Haddii aad danaynso amma xiiso u qabto waxaad kala xidhiidhi kartaa
Virginia Luling oo cinwaankeedu yahay:
virginialuling@yahoo.co.uk
|