Boqortooyada Sucuudiga oo meeqaam sare ku qaabish ay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ,Xirsi Cali Xaaji Xasan



Riyaad (TNN):- Boqortooyada waddanka Sucuudiga ayaa si ballaadhan ugu qaabilay qa sriga Boqortooyada dalkaas, Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasa n, oo maalmihii u dambeeyay safar ku joogay dalkaasi Xirsi Cali Xaji Xasan, amiirka leh dhaxalka xukunka ahna ninka ugu saamaynta badan dawladnimada dalkaas Amiir Cabd iraxmaan Binu Cabdicasiis Asacuud, oo ay weheliyaan madax kala duwan ayaa Wasiirk a Madaxtooyadda Somaliland kulan saacado qaatay la yeeshay.

Wasiir Xirisi Cali Xaji Xasan ayaa amiirka uga waramay taariikhda waddanka Somalila nd, xilligii ay xoriyada qaateen, mudowgii Soomaaliya iyo lasoo noqoshadii dawladnim ada. Sidoo kale wuxuu wasiirku Faah Faahin dheeriya ka bixiyay horumarka ay Somali land ku talaabsatay muddu 23-sano ah, iyadoo buu yidhi wasiirku aanay gacan qaasho mugleh ka helin beesha caalamka iyo walaalahooda carbeedba.

Geestiisa Boqor Cabdiraxmaan Binu Cabdicasiis oo isna kukankaas ka hadlay ayaa boga adiyay ammaanka iyo kala danbaybta dawladnimo ee Somaliland yagleeshay wuxuuna ballan qaaday inay wax tar muuqda ka gaysan doonaan. Kulankaas waxaa Wasiirka Ma daxtooyadda Somaliland ku wehelinaayay Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki oo ka tirsan golaha Wakiilada, Cabdalle Lule oo ah Wakiilka Somaliland ee dalka Suciidga iyo Sheekh Safiina. Qaabilaada Boqortooyada Sucuudigu u fidisay Wasiir Xirisi Cali Xaji Xasan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Boqortooyada Sucuudigu ku qaabisho Masuul ka socda dalka Somaliland.

 



Timacade News Desk
Riyaad,Sucuudi Arabia