Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi Oo Ka Degay Muqdisho

 



Boqor Raabi ayay tagitaankiisu ku beegmaysaa Xili Madax dhaqameedkii.......


Muqdisho (TNN) - Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah Madax dhaqameedka Somali land gaar ahaana Deegaanka Koonfurta Barrie e Hargeysa ayaa la xaqiijiyay doraad inuu ka degay magaaladda Muqdisho.

Ilaa hada lama oga sababta uu Boqor Raabi uga degay magaaladda Muqdisho xilli ay dha maatay hawshii looga baahnaa Somaliya inay madax dhaqameedku u soo xulaan xubnaha Baarlamaanka iyo Ansixinta Dastuurka ka qayb qaadanaya.

Boqor Raabi ayay tagitaankiisu ku beegmaysaa Xili Madax dhaqameedkii hore u joogay la gu Amray inay ka baxaan Huteeladda ay ku jiraan, inkasta oo uu Madaxweyne Sh Shariif balanqaaday inuu isagu kharashkooda bixinayo inta ay Doorashooyinku dhamaanayaan.

Boqor Raabi ayaa hore u tagay Somaliya iyadoo mar lagu xidhay magaaladda Baydhabo, wakhtigaas oo ay Xukuumadda Somaliland Xabsiga dhigtay, balse markii danbe la sii daa yay.

Boqor Raabi waa Madax dhaqameed ku hawlan arrimaha Ganacsiga iyo Siyaasadda intaba mana cada wakhtigan sadexdaas hawlood mida uu u tagay Muqdisho.

 

Timacade News Desk