Boqollaal Askari Oo Lagu Soo Tababbaray Dalka Erateria Oo Laga Soo
Dejiyey Xeebaha Gobolka Awdal iyo Ciidamada Itoobiya Iyo Somaliland
Oo Hawlgallo Bilaabay
Hadal
haynta Kooxdan waannu maqalley, waxaana si deg deg ah uga hawl-galay
Ciidammadda kala duwan ee Somaliland..” Badhasaabka G/ Selel.
Buullo-caddo-(TNN):- Ciidammo tiradooda lagu qiyaasay 300 oo Askari,
isla markaana la sheegay in lagu soo tababbaray dalka Erateria, ayaa
ka soo degay goobo ka mid ah Xeebta Galbeed ee dalka Somaliland.
Ciidamadan oo ka soo degay Degaanka Buullo-caddo ee Gobolka Awdal,
ayaa sida la sheegay waxa lagu soo tababbaray Dalka Eritaria. Markii
kooxahan laga dejiyay Degaanka Buullo-Caddo oo ah De kad
Dabiiciya una dhaxaysa Magaalooyinka Lug-haya iyo Saylac, sannadihii
u danbeeyayna ay isti cmaalayeen, qaar ka mid ah ganacsatadda
Shidaalka, waxa markii lagu dejiyey Ciidammadaas ay u ga baxeen
markiiba dhinaca Buuraleyda Maarmaar ee dalka Ethiopia, iyagoo
habeenkii ku sii nastay goobta lagu magacaabo Madax-dadley oo ahayd
Saldhig Millatari oo Ciidammadii Siyaad Barre Deg anaan jireen,
halkaas oo dadka ku dhaqan degaankaasi ay ku arkeen qalab Millatari
iyo qasharra da rasaasta loo isticmaalo qoriga Baasukaha loo
yaqaanno oo ay kooxahani kaga tageen iyo raad cad oo muujinaya
xaddiga iyo qalabka ay wateen. Gudoomiyaha Gobolka Selel Maxamed
Muuse Bu cul (Buuni) oo Wargeyska HargeisaStar khatka
taleefanka wax kaga waydiiyey jiritaanka wararka sheegaya in
Ciidammo Jabuuti ku lid ah la keenay deegaanka iyo dhaqdhaqaaqa
Itoobiyaanka iyo Somaliland, ayaa sheegay in Ciidammadda Qaranka,
Xeebaha iyo Booliska Somaliland ee Gobolkaasi wadaan hawl-gal
ballaadhan, heegan culusna ay ku jiraan 24-kii saacadood ee ugu
dambeeyey.
Badhasaabku waxa kale oo uu
sheegay inaanu wax raad ah oo la hayaa jirin, balse tuhun wayn la
qabo, wixii ka soo baxana la cadayn doono oo shacbiga laga qancin
doono. Guddoomiyaha Gobolka Selel, mar aannu waydiinney cidda ay
yihiin kooxahani iyo ujeeddada halkaa looga soo dejiyey, wa xa uu
yidhi; “Hadal haynta Kooxdan waannu maqalley, waxaana si deg deg ah
uga hawl-galay Ciid ammadda kala duwan ee Somaliland,
Millatariga iyo ilaalada Xeebaha, waxaanay sameeyeen hawl gallo
ballaadhan markii ay dareennadani soo baxeen, dhinaca Xeebta oo dhan
iyo gudaba waa laga wadaa hawl galkaas oo ciidammadu ay illaa wali
ku jiraan, hadal hayn mooyaane, ma jiro wax qalab iyo ciidan ah oo
ka soo degay Buullo-caddo iyo Xeebaha kale ee Gobolka.” Badhasaabka
Gobolka Selel ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan shirar iyo kulammo
labada Gobol ee Shinniile iyo Selel ku yeesheen magaaladda Xariirad,
kaasoo uu sheegay inay kaga wadahadleen nabad-gaylada iyo xidhiidhka
labada Gobol. “Maanta (shalay), waxaannu kulan la yeelannay,
masuuliyiinta maamulka Gobolka Shinniile ee dalka Itoobiya oo aannu
Xariirad ku kulannay, waxaannu ka wadahadalley ammaanka iyo nabadda
sidii loo adkayn lahaa, labadda dhinacna xidhiidh wanaagsan uga
yeelan lahaayeen wixii soo kordha. Sidaad ogtihiin xidhiid wanaagsan
ayaa innaga dhexeeya dalalka jaa rka ah, wax xun oo ceeb ah
ayaanay innagu tahay in gudaheenna waxyeelo uga tagto.” Ayuu yidhi
Guddoomiyaha Gobolka Selel.
Sidoo kale, Duqa Degmada Saylac ee xarunta Gobolka Selel Maxamed
Cumar Cawad, oo Wargeyska HargeisaStar isagana wax ka waydiiyey waxa
uu kala socdo Ciidamadaas, ayaa ku jawaabay; “Wax aan kuu sheegayaa
in meeshu aanay Buullo-cado ahayn, laakiin ay meel kale tahay,
markaa Taliya yaashii iyo madaxdii baa ku maqan, wax intaa
dheer oo aan kuu sheegi karaana ma jirto.” Mar aan nu xalay
isku daynay inaannu arrintaa wax ka waydiinno Wasiirka Wasaaradda
arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaanay noo
suuragalin, ka dib markii uu naga qaban waayey taleefankiisa gacanta.
Si kastaba ha ahaatee, 24-kii saacadood ee u danbeeyey waxa si wayn
looga dareemayay, degaa nno badan oo Gobollada Selel iyo Awdal ka
tirsan dhaq-dhaqaaqa iyo hawl-gallo ballaadhan oo Ciidammada Xeebaha
iyo kuwa Millatariga ee Somaliland jiidahaas ka wadaan, kaas oo ka
dhashay, isla markaana lagu raad goobayo kooxahaas laga soo waaridey
dalka Erataria. Waxaanay ila-ware edyo kala duwani la sheegay in
lagu soo tababbaray dalka Eratariya oo loo malaynayo in ay ka mid
yihiin Jabhad ku kacsan dawladda Jabuuti oo dhawaan Saldhig ka
samaysatay dalka Eratariya, isla markaana la sheegay inuu ka
dambeeyo Ganacsadaha reer Jabuuti Mr. Boore, ayaan la ogayn
jiha da ay rasmi ahaan uga baxeen halkaas, hasa yeeshee waxa si wayn
loo dareemayay baadi goob ballaadhan oo Ciidammadda qalabka sida ee
Somaliland qaybihiisa kala duwani ay u dhamaayeen oo guud ahaan
aaggaas ka socda. Sidoo kale Ciidamo aad u tira badan oo Itoobiyaan
ah, ayaa la soo dhoobay degaannada ku teedsan Xuduudda Somaliland
iyo Ethiopia ee Gobollada Awdal iyo Selel, kuwaas oo dhinacooda ka
wada baadhitaanno aan faah-faahintooda la ogayn illaa hadda.
Dadka ku dhaqan degaankaas oo
kooxahan la sheegay in lagu soo tababbaray dalka Eratariya ee laga
soo dejiyay degaanka Buullo-Caddo, ayaa tibaaxay inay Ciidamadaasi
si deg deg ah uga shir aaqdeen meelihii doonyuhu dhigeen, una
dhaqaaqeen dhinaca xadka Itoobiya, halka ay wararka qaarkood
sheegayaan inay Ciidamadaasi raaceen Buurta Maarmaar lagu magacaabo
oo dhinaca galbeed kaga quman tuuladda Cabdi Qaadir lagu arkay qaar
ka mid ah kooxdaas. “Ciidankaasi oo Boqollaal ahaa Markii ay
Doonayaha Ka Degeen si degdeg ah, ayey deegaanka uga ambabaxeen, hub
badanna way siteen.” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka
oo goob-joog ahaa markii Ciidankaas Doonyuhu rogayeen.
Source: Hargeisa star
|