Booqasho iyo Aragti

 

 

Jirriddi domaayee Xarlaw Nugul Dabaylaa’e

Duufaanku laama ma jaro Geedkii daab adage

Aqalkii dugsoon baa habboon dayro-dhaafyada’e

Dal-dalool ka lihi joojin waa dhaxanta dayreede

Xeradii dugaaggu uma dhaco dayrku dheer yahaye

Dawaca iyo Weeruu wixii dagan ma dhaafaane

Waxaan doorty waxaa soo dulmaray waxanan doonayne

Demmanaanta Somaliland doogta kaakiciye



Fasaxaygii oo ku beegnaa dabayaaqadii Bishii September 2009 ayaan waxaan go’aan saday in markan gaadho Somalilaand.

Ma ahayn markii ugu horraysay ee aan Dalka tago hase ahaatee waxay ahayd muddadii ugu dheerayd ee aan joogo taasoo ahayd 40 casho.

Ula jeeddada sodcaalkani kuma ekaayn oo qodha qarabo salaan iyo dan gaar ahe, waxaa ku jiray sahamin.

Waxaan Airportka magaalada Jeddah ee Dalka Saudi Arabia tegey saacaddu markay ahayd 1dii habeennimo heabeenkii Isniinta ee Talaadadu Soo gelaysay. Markaannu misaankii  dhammaynay na waxaannu u gudubnay qolka Suggidda oo aannu fadhine in ku dhow 3 saacadood. 6dii  subax nimo ayeey waxaannu wadnaba nala soo duushay Diyaaradda Daalo oo ah ta keliya ee  Somalil and tagta. Muddo gooban oo aan saacad ka badnayn ayey nala fadhiday Airport ka Dalka  Jabu uti ee aynnu deriska nahay ka dibna way mar labaad bay nala soo kacday oo aannu u soo  amb abaxnay Dalka hooyo ‘Somaliland”.


Markii Afaafka nala furayb waxaa na soo gashay how aad u qabaw oo aannu aad ugu  raxaysan nay debeedna sallaanka ayaannu boobnay.


Cirku daruur badan baa saarrayd waxaanu u ekaa cusayb imika farta laga qaaday waxaanu  la haa qurux aanan uga baran Dalkaan joogay ee Saudi Arabia. Waxaan aad ugu faraxsanaa laba ammuurood; Ta 1aad waa nabad gelyada Eebbe nagu keenay. Ta 2aad na waa Dalkaygii hooyo oo aan imi.


Custom kii baannu soo gallay, waxaana igu soo dhoweeyey rag aannu saaxiib nahay sidaa  dart eed hawl badani nagama soo gelitaankii, hase yeeshee durba wax I dareensiiya dhibaato  hor dhaceed waan ku arkay.

Waxaa jira lacag adag oo laga qaado dadka debedda ka yimaadda oo kala duwan, intayadii  sida tay Passport Somali waxaa nalagu amray inaannu sarrifanno $30 ka Maraykanka ah hase  aha atee markiiba intii qiimuhu ahaa nalooguma beddelin ee waxaa naloo sarrifay $10 oo keliya intii ka soo hadhayna waxaannu kala siinnay kuwo iyana anaan garanayn waxa hawshoodu tahay, waxaanay ku tilmaameen “shaxaad”. Hadda weliba waxaa I waday dad aad looga xishoonayey.

Dhabbahaannu soo qabsannay oo waxaannu u soo kicitinnay xaggii gaadhigii na qaadayey. Waddada waxaa soo baxay dhagaxii dhulka ku aasnaa wax daryeelana ma helin teer iyo markii Ingiriiska laga xoroobay. Mararka qaarkood waxaad is odhaynsaa weligeedba lami may yeelan, waana xaqiiq haddaanad hore u arag Hargaysa Airport ka toona.

Waxay nagu qaadatay in ku dhow saacad inaannu ku soo gaadhno magaalada. Hareeraha  wad dada iyo mararka qaarkood badhtankeedaba waxaa soconaya dad waalan oo qaarkood ay  qaa wan yihiin. Magaalada waxaa ku badan cidhiidhiga Baabuurta taasoo ay keentay jid la’aantu. Waxaa is dhex quban lugta iyo Baabuurta oo intaba ay dhib ku hayso jid xumidu. Boodhka iyo awaaraha ka kacaya magaalada wuxuu qariyey qurux dadka iyo daaraha ka dhisan waxaanu sabab u noqday xanuunka Qaaxada oo sida dhakhaatiirtu inoo sheegto ka dhasha boodhka iyo wasakhda.

Waxaannu soo soconnoba waxaannu soo gaadhnay Hodheelkii ka soo ahaa aad noo cajebiyey oo sida loo dhisay aad mooddo inaanu magaalada ku ool.

Hargaysa waa magaaladii aan ku koray een wax ku bartay ee aan ku qaan-gaadhay. Waxay  a ha yd magaalo aan si fiican u kala aqaanno oo aan suryodeeda kastaba aqaanno, hase-yeesh ee maanta runtii waxaan ku ahay soo galaw. Wax waliba way isbeddeleen.


Markii iigu dambaysay waxay caan ku ahaan jirtay Ubax, Dhir, Qabaw iyo Roob. Dadkeedana  int iisa badan waannu is naqaanay. Intiise maanta midna ma joogto daaraha waxaa beddelay  Foo qyo aad u qurux badnaan lahaa haddii inta ka dhiman loo dhammays tiri lahaa taas oo ah laami.



Waxaan ka qadeeyey hudheel aad u cunto fiican oo haya raashin kala jaad-jaad ah oo ka tiro badan kii aan ku aqoon jiray, intiisa badanna aanan garanayn, dabeedna halkaan ku soo degay baan ku noqday waxaanan jiifsaday cabbaar. Markay cassarkii ahaydna Jaantaan ka illaday si u dhex maro magaalada inta iftinka oo aan isha soo mariyo.



la soco qaybta labaad........


 

 

 

Abdulaziz Noor
Jeddah,Saudi Arabia
abduaziz_burco_55@hotmail.com