Booqashada Gudoomiyaha KULMIYE ee
baarlamaanka SWEDEN
Gudoomiyaha KULMIYE Oo shalay Ka hadlay Shir lagu qabtay Xarunta
Baarlamaanka Sweden
Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo weli ku gudajira booqashadii uu ku
Joogay wadanka Sweden Ayay u bilaabmeen shalay Kulamadii xidhiidhka
ahaa ee uu la yeelanayey Masuuliyiinta kala duwan ee ka tirsan
Xukuumada , Baarlamaanka iyo Hay’adaha kala duwan ee wadanka
Sweden Wuxuuna Shalay 11-06-2009 Hadal ka jeediyey siminaar ka
socday Xarunta Baarlamaanka wadanka Sweden.
Munaasibada oo ay qabanqaabeeda lahaayeen Xisbiga Liberal-ka iyo
SILC Wuxuu gudoomiyuhu si balaadhan uga Xogwaramay Taariikhdii ay
soo martay Dhismaha dib u yagleelka qaranka Somaliland iyo baahida
Somaliland u qabto inay Hesho Citiraaf .
Gudoomiyuhu wuxuu kaloo ka warbixiyey diyaargarowga loogu jiro inay
wadanka ka qabsoomaan doorashooyinka Madaxtooyada ee la Filayo inay
dalka ka dhacaan 27-ka Sept. 2009.
Gudoomiyaha Kulmiye ka sakow waxaa Hadalo ka jeediyey Xoghayaha
Arimaha Debeda Ee xisbiga KULMIYE Dr Mohamed Abdilaahi Omar oo si
faahfaahsan u qeexay siyaasada Xisbigiisa KULMIYE waxa Kale oo
Hadalo qiimo leh halkaa ka jeedisay Marwada Gudoomiyaha Marwo Amina
Weris oo aad ugu dheeraatay Doorka Haweenka Somaliland Ku leeyihiin
siyaasada Hogaaminta wadanka waxayna Cadaysay in Xisbiga KULMIYE
yahay Xisbiga Keliya Ee Mudane baarlamaan iyo Mudane Gole degaan Ku
leh Golayaasha .
Gudoomiyaha Wuxuu ka qaybgalay Dhegaysiga qaabka Doodaha
Baarlamaanka ee wadanka Sweden isagoo la Kulmay masuuliyiin Kala
duwan, wuxuuna ku soo wareegay qaybaha Kala duwan ee dhismaha
Baarlamaanka wadanka Sweden oo Meel kastaba loogu soo dhoweeyey Si
heer are ah.
Masuuliyiinta Gudoomiyaha iyo waftigiisu shalay la Kulmeen iyo Kuwa
ay maanta la Kulmayaan oo isugu Jira SIDA, SILC, Baarlamaanka iyo
Wasaarada Arimaha Debededa iyadoo Maantana Lagu qaabili Doono
Xarunta Madaxtooyada ROSENBAD.
Hadaba Khudbadaha iyo Kulamada Gudoomiyaha oo aad u fara badnaa
waxaanu ku dedaali doonaa inaanu idiin soo gudbino Masuuliyiintii uu
la kulmay, sawiro maqal iyo muuqaal intaba leh,sida ugu dhaqsaha
badan
Saraarnews
|