BIYO MA HELLO, CODNA WAY NAGA DOONAYAAN

 

Biyo ma helo,surmi ayay caruurtii la beer cadaatay,markaanu cabanay na ee aanu banaan-baxnayna rasaas ayaa ciidankii qaranku noo  adee gsaday,hadana codna way naga doonayaan inaanu siino doorashada.

Sidaa waxa iigu jawaabtay wadaniyada la yidhaa Sahra Cali oo aan telefoon kula xidhiidhay xalay kadib markaan maqlay mudaharaad salmi ah oo ay sameeyeen dadweynaha xaafada Axmed-Dhagax ee Hargeysa.

Waa ayaan darro dhinacna ay uga hinqan la´ayihiin shacabka Somaliland ee biyo la´aantu aafaysay.Waa dhib dawladdii xal u raadin lahayd inay furdaamiso caruurta iyo hooyooyinka surmigu nolosha ka horjoogsaday inay ciidanka qaranka u adeegsato,rasaas aan loo meel deyina ooda kaga qaado.

Madaxweyne Rayaale waxa uu ku sheegay khudbadiisii dheerayd ee uu beerta xoriyada ka jeediyay maalintii UDUB u dabaal dagaysay 18 May inay ku guulaysteen ceelal badan oo gobol kasta iyo caasimada hareeraheeda.Taasi ma waxay ahayd waxba kama jiraaan iyo hawo aan la taaban karin.

Maxaa-se ka hor taagan dib-u-habaynta iyo xoojinta biyaha geed-deeble.Waxa la yaab leh Eng.Khalaf hadalada ka soo baxaya dibnahiisa, isagoo ah masuulka biyaha waxa laga wadaynaayo ee loo daba fadhiisto.Eng.Khalfa waxa ka mid ahaa erayada aan xalku ka muuqan "Adeer hadday kala-horraysiinta dhibtu ka timi,hadda waxii ka dambeeya sideedii hore ayay ahaanaysaa oo Biyaha waad helaysaan galabnimada waqtigii aad heli jirteen." Waa madaxii wakaalada biyaha,waana aqoonyahan,haddana waxa uu muujiyay inaanay haba yaraatee jirin wax rajo ah ama qorshe ah oo xaalada biyo la´aanta lagaga bixi karo inay wakaalada biyahu haynin.

Xaafadda Axmed-dhagax maaha tii ugu horaysay ee biyo la´aanta ka cabata balse Hargeysa inteeda badan waa la mid sida Maxamuud Haybe iyo New Hargeysa oo iyana banaan-baxyo salmi ah ku muujiyay harraadka ay la il-daranyihiin ee dhinac ay uga ciirsadaan jirin,dawladii ay u cabteena ay digasho ugu jawaabtay.Maalmahaana Eng.Khalaf waxa uu ugu jawaabay erayo waddaniyiinta Somaliland dhaqankooda ceeb ku ah,waxaana ka mid ahaa "Xafadahu iyaga ayaa dhexdooda dhibaato isku haya ee xaggayaga maaha." Waxay erayadaasi ka mid ahaayeen waraysigii BBC-du la yeelatay.

Markaa masuulkaasi waxa uu caddeeyay haba yaraatee inaanu xisbiga UDUB ee dalka hogaankiisa haya dan iyo muraad toona ka lahayn ciddii surmiyaysa iyo ciddii gaajo u dhimanaysaba.Hadana Madaxweyne Rayaale waxa ku kelifay inuu u kicitamo gobolada Saaxil,Togdheer, iyo barigaba waa cod na siiya oo kursiga aan ku sii fadhiyo si baahiyaha noloshu idiinku badato ilaa aad ogolaataan dib ugu noqoshada midnimada Somaliya.Waa ula jeedada keliya iyo habka uu ku dhaqmayo xisbiga UDUB.

Aadamigu waxa uu ku noolyahay waa biyaha,hadii la waayana waa lama huraan inuu aadamigu gadoodayo.Markaa ma waxa suurta gal ah biyaha geed-deeble in makiinado quwadoodu ka roontahay kuwa hadda adeega la soo iibiyo,haamo waawayn oo kayd ahna magaalada afarteeda jiho laga dhiso.

Kharashka lagu bixinaayo jilibyada iyo qabaailka ee casuumadaha lagu samaynaayo,loogana jeedo codka noogu rida,kharashyada safarrada qaaradaha lagu tamashlaynaayo maxaa loogu bixin waayay hab-socodka iyo ka haqab tirka biyaha ee shacabka hargeysa la daalaa dhacayo.

Waxa kale oo shacabka argagaxiso ku ridday hubkii ay iyagu u dhiibeen dawlada in dib loogu foorariyo mar kasta oo ay baahidooda is-ku dayaan inay banaan-bax distoorku u ogolaaday ku muujiyaan.Waxa hadaba is-waydiin mudan UDUB dhib kasta oo shacab loo gaysto way ku dayday shacabkeeda,waana ma dhacdo inuu shacabku khal-khal dalka ka rido ee waa maxay ula jeedada uu UDUB ka leeyahay dhacdooyinkaa shacabku hore uga dhiigga iyo dhaqaalaba u horay,ma sidaa-say weliba cod kaga doonaysaa shacabkan ceelka iyo cadhada marada la hagoogan!

Allahayow shacakan iyo dalkan Somaliland u door madax khayr qabta.

Amiin.
 


Hussein Badmah