BILI AADAN DAA YOO WADDANI BAHALAHAA RAACAY

 


Maqaalkan Maanta waxaan ku soo qaadanayaa Tuducan gabayga ah oo ay Curisay Marwo SAA DO CIISE CISMAAN FOOD.


Abwaanadu waxay saadaaliyaan dhacdoonyin soo socoda oo intooda badan siday u sheegaan u dhacda .Hadaad u fiirsato dhacdadii todobaadkan ka dhacday Gobolka Gabilye ee EY-DA lagu xidhay calanka Xisbiga Waddani waxay shacabka Jamhuuriyada Somaliland ay ka bixiyeen fikrad o kal duwan oo qofba siday ula ekoonaatay ayuu ku macneeyay.
Hadab Anigu waxaan u arkayaa in saadaashaas ay Abwaana SAADO sheegtay ee aan Maqaal ka ku suntay BILI'ADAN DAAYOO WADDANI BAHALAHAA RAACAY , in ay Asiibtay oo uu Xisbiga waddani yahay mid dhamaan noolaha jooga Somaliland ay ku soo hiranayaan.Xisbaga waddani oo ah mid tan iyo soo bixidii saddexda xisbi qaran ah Xisbiga ugu koboca iyo baaxada weyne ee hadha iyo habeen ay xubno cusub u soo diga rogtaan ayaa hadan xayawaankii ki soo biireen oo ay calanka xisbiga Waddani huwadeen.
Xisbiga kulmiye iyo xubnihii soo abaabulay Artintaasi waxay ujeedadoodu ahayd khal khal gelin ta Reer Gabiley bulshada. Waana dhaqan siyaasadeedka uu kulmiye ku qadhaabto.
Masuuliyiinta Xukuumada kulmiye u jooga gobolka Gabiley kamay hadal waxay ka qabtaan daay o waayo iyaga ayaa sidaas u arka guul iyo in ay taageero ku haystaan Gabiley.
Waxaan Bulsha weyneta Reer Gabilye ugu baaqayaa in ay ka digtoonaadaan iskan ilaaliyaan int a yare ee loo adeegsanayo bur burka iyo iska horkeenaka dadka walaalaha ah ee ku nool geyg a Somaliland.Reer Gabiley waa dad u dhashay gobanimo iyo marti gelin gobeed man geyaan wa xay la maagan yihiin inta xumo ka taliska ahi ay maleegayaan.
Ugu dambeyntii waxaan u soo jeedinayaa in aan dheg loo dhigin dhagarta iyo shirgqoolada kulm iye la maagan yahay Xisbiyada Qaranka ee Mucaaradka ah.
Waxaan idinku dhaafayaa Tuducan Gabayga ah ee SAADO CIISE CISMAN FOOD

Intuu odayga Boobe u ahaa ee idinku soo biirtay
Burjigii Xisbiga weeye oo waa bir danabkiiye
Birlabtii haweenkay su timi iyo bilis haldoorkeede (Fadumo Siciid)
Abidkoodba baashay maraan baaqsi ma lahayne
Bartii aad martaba waa waddani baaqa baxayaaye
Farxadiyo badhaadhaa bulshada baa i soo diraye
Bili'aadmi daayoo waddani bahalahaa raacay!!!!!!!!
 

 



Mataan M Omar
Afhayeenka Xisbiga Waddani Laa'anta Sheffield