Beri Siilanyo La Jeclaa Way Jirtay,

Maantase Maya
 



Sida Aad La Wada Socotaan Madaxweynaha Talada Haya Ee Axmed Maxamed Maxamuud SILAANYO oo ah Siyaasi Soo Jireen Ah In Badana Xilal Kala Duwan Ka Soo Qabtay Somalia SNM Iyo Somalilandba waxaa Doorasho Aqlabiyad ah lagu doortay 26 kii june Muddo Sadex Sano LagaJoogo, Doorashaas oo Si Aqlabiyad ah Loogu Codeeyey Lagana Filayey in uu Rumeeyo Ballamo badan oo uu Umada Horteeda Ku Qaaday sida " UDUB WAY TAGAYSAAYE HA TAHRIIBIN."

Somalida ayaa Ku Maahmaahda
Barasho Horteed Ha Inicine

Dadkii U codeeyey waxa ay U badnaayeen Dhalinyaro iyo Haween aan Wax Badan Kala Socon Sida uu Siilaanyo U dhaqmi Jiray Xiliyadii Qaaxo La Joogay waa markii Lagu gudo jiray Halgankii dheeraa ee naf iyo Moodba Lagu Waayey.

Waxa aan Xasuustaa Beryahaas Aanu Rayn raynta iyo Dabaal dega Ku Jirnay ee la doortay madaxwe ynaha Talada haya in Nin Qoraaya oo caana oo La Yidhaahdo Maxamed Baashe Xaaaji Xassan oo SNM isku wada ahaaye soo qoray Qoraal Uu Madaxweynaha Kula dar daarmayo Kuna Xasuusiyey 26 sano ka hor markii Loo Doortay Hogaamiyaha SNM, Waxba Yaanan Ku Dheeraane Qoraagaas waxa uu hoo sta ka xariiqay in waxa uu garabka iyo car jawda kaga jabay oo maamulkiisi ragaadin jirey dhawr arri mood ugu muhiim sanaayeen kuwaas oo kala ahaa

1. Guddoon iyo go'aan qaadasho aan adkayn xilliyada adag

2. Rakaab xumaan uu sacabbada ku sidan jirey nin kasta oo ay dadku saluugaan waa sida Xirsiga maanta iyo qaar kaloo badan

3. Inta aragtida kaa baydh-dha oo uu tahan is waydaariyo oo uu fogayn jirtey.


Maalintaas hadii aan shaqsi ahaan iska hadlo iimay muuqan manaan filahayn in Madaxweyne Siilaanyo Hogaas Ku Dhici Doono Ugu Yaraan Marlabaad inkasta oo gu' iyo garaadba u kordheen oo uu maanta talo-ruug ruug caddaaya Yahay Laakiin Sida Maanta Muuqata sadexdaas qodobi dhamaan way ka sii dareen. Waxaana Ay Weji Gabax Ku Riday Yididiiladii Iyo Himaladii Beena ahayd ee umada La geliyey xilligii uu ku gudo jiray ololaha doorashooyinka.

Hadaba Anoo Wasiirka Warfaafinta U Jawaabaya Waxa aan Xasuusin Lahaa Marka Laga Yimaado Halg ankii SNM, manta oo madaxweyne siilaanyo sadex sano u buuxsantay, Waxaa Sii Yaraaday Kalsoonidii Umaddu Ku Qabtay, waxaa Kordhay haajiraada iyo Tahriibka, Ma Soo Koobi Karno inta Qoys ee Gaajo Habeen Walba Ku Seexda, Saboolnimadii Umadu way tiro dhaaftay Qabyaaladu Halkii Ugu Darnayd Bay maraysaa Abid, Qaraabo Kiil iyo Cadaalad Darro Badan Baa umadii Tirsanaysaa, Doorashooyinkii Sumca doodi hoos bay u dhacday oo ku shubashadii abid ugu foosha xumayd baynu Aragnay, Waana Markii ugu horeysay oo la arko Urur Ku Qanci waaya Natiijadii Doorashada, Aqoonsigii iyo Xidhiidhkii Bulashad a Caalamkuna Gabaabsi Buu Ku Dhow Yahay, Waayo in Ay La Macaamilaan Madaxweynaha Waxa Ay Ka Dhigan Tahay in ay sirtii Qaranka U gudbiyaan Xirsi oo Aan Loo dooran in uu masiirka Umada Mugdi Geliyo

Sidaa Daraadeed Beri baa La I doortay oo waa la I jecel yahay, waa wixii hoday hogaamiyeyaal badan oo kaa horreeyey, waxaana fiican in aad dadkaas iska fogeysid oo dad Talada Kula Ruuga oo Kula Mur ma oo ay Dhab Ka Tahay Doonatid, Waxa Aad Ogatahay in Maxamed Mursi oo Si Balaadhan Loo Doort ay Sanad Gudihii Lagaga Tuuray Xilkii , wax baana Is Bedelay,waxaana Shaki La'aana Maanta Hadii Da ahir Rayaale Dib La Iskugu Kiin Celiyo in Lagaa Codeen Lahaa.

Waxa aan ku soo gunaadayaa Wasiir Cukuse iyo inta kaa ag dhowba , horaa loo sheegoo Barwaaqo ay ey kaaga Sheekeeyaan, waxaanay kugu wadaan in ay kar kaarka Ku Weydaariyaane, lagumana Jecla Khaati Bilaah Baa Lagaa taagan yahay ee Is Daba Qabo Labadaa Sano ee Kuu Hadhay!

 

 



Wa Bilaahi Tawfiiq,

Ahmed Xaaji Good
da.hv@hotmail.com