Berbera Dhagax Dambe
ma
Qaadi Karto !
Waxa
aan halkan ka salaamayaa dhammaan ummadda reer Somaliland meel kasta
oo ay joogaan, waxaanan si gaar ah u salaamayaa reer Saaxil.
Waxa aan waxoogaa ka yara odhan lahaa socdaallada madaxda dalku ku
tagaan magaalo-xeebeedka Berbera, halkaas oo ay u soo jimicsi
doontaan. Xaqiiqda marka laga hadlayo Berbera waa isha dhaqaalaha
waddanka Somaliland, waana aabbaha xaadaradda dalka.
Waxa kale oo aan wada ogsoonay intii Madaxwayne Daahir Rayaale
Kaahin xilka hayeye in uu reer Saaxil, khaastan reer Berbera ballan
qaadayo madh alays ah uu u qaaday, taasina waa wax lagala xisaabtami
doono if iyo aakh iroba, ballantuna waa wax layna faray in
aynu oofino, haddii kale in aynaan qaadin balan si aynaan ugu dhicin
dembi iyo Alle ka fogaansho.
Sidaan ka wada warqabno madaxwayne iyo ku-xigeenkiisuba waxay dhawr
jeer oo ay yimaaddeen magaalo-xeebeedda Berbera dhagxaan dhigeel
me elo ay ku sheegeen in warshado iyo goobo ganacsi laga dhigayo,
laakiin taasi ma noqotay mid rumowda? Idinkaa ka jawaabi.
Haddaba, gunaanadkii waxaan leeyey Berbera ma
qaadi karto dhagax dam be oo lagu soo kordhiyo,
waayo kuwii hore ayaa tuulan weli oo aan waxba
laga qaban. Waxaan leeyahay dhagaxa waxaad ugu beddeshaan
bulshada reer Berbera ee intooda badan camal-la’aanta la fadhiyaan
waxqabad iyo waxtar aad ku soo kordhisaan gobolka iyo caasimaddiisa,
kuna soo celiya abaalka ay idiin galeen wakhtigii doorashooyinka.
Suldaan
Cali Jaamac
Berbera Somaliland |
|