Beeshu way ku sugtay oo ku sugtay, oo samir bay la hagoogteen, ee maanta maxaad u siddaa?

 

Beeshu waa beel aad u jecel nabadda, waa beel soo gubatay, soo martay dagaal aad loogu hoobtay. Dagaalkaas ayaa wax badan baray, oo waa ay taqaan danteeda. Marka laga hadlayo nabad ku wada noolaanshaha beesha, waxay ka mid tahay dadka ugu nabadda jecel, waayo, waxa ay soo mareen ayaa ay ogyihiin oo waa hubaal in ay cashar fiican ka soo qaateen dhibaatadii iyo dagaalkii ay muddada ku soo jireen. Beeshu waa beel ganacsiga aad u taqaan, oo had iyo jeer ku hammida in ay Geelooda, lo’da iyo adhigaba u helaan suuq ay u iibgeeyaan. Muddo laga joogo todoba gu’ ayey iska soo xuleen odaygii beesha hoggaamin lahaa. Waxa ay doorteen, nin ay ku tuhmayeen daacadnimo iyo dulqaad, magaciisuna ahaa Qudhac, waayo waxa auu ahaa nin aad u dheer.

Qudhac waxa loo diray in uu beelaha kale ee jaarka la ah, beeshooda uu ka keeno nabad. Isla markaana uu fahamsiiyo in beeshu qaadatay nabad, oo ay rabto in ay u noolaato sida beelaha kaleba u noolyihiin. Hawshii buu ku dhaqaaqay, muddo yar gudahood ayuu u socdaalay dhul aad u kala fog. Markiiba dadkii way farxeen, oo yididiilo gashay. Waxa ay dareemeen in muddo yar uu Qudhac ku keeni doono nabad baahsan oo beelaha kale lagula noolaado.

Nin la odhan jiray Qunyarsocod ayaa markasta ka shakisnaa ninkaa odayga ah ee beeshu caleema saartay. Waxa  uu odhan jiray. ”Waar miyaa taqaanaan Qudhac? Balse dheg jalaq looma siin. Beeshani waa beel soo jabtay oo soo gubatay, sidaa darteed waxba kama dhegaysanayaan, nin kasta oo wax ka sheega Oday_Qudhac, waxaabay u arkaan in uu yahay ka nabaddu ay ka soo aroortay, waxa ay in badani qabaan in isaga la’aantii aanay nabadiba jirteen. Sannadba sannadkii kale ayuu u soo dhiibay. Waxba isma bedelin, socdaalkiisii ayuu odaygu sii wataa, markasta oo uu socdaal galoba, beeshana yididiilo ayaa gasha. Waxa ay se yididiiladaasi baab’adaa marka uu ku soo noqdo beesha. Afar erey oo isku mid ah oo aad mooddo in lagu duubay ayuu ku soo celiyaa, oo dadkii sugayey u sheegaa.

Beryihii hore aad ayaa loo dhegaysan jiray, laakiin intii danbe waxa isa soo taray dadkii fahmay in odaygu uu jecelyahay socdaaladda dhaadheer. Dadkii qaar baa fahmay in hadalkan uu ku soo celcelinayaa uu ku duuban yahay oo aanuu ahayn wax cusub. Dadkii qaar ayaa u fiirsaday ilaa maalintii ugu horraysay ee uu u tegey beesha beel ahaan ugu xigta beeshooda iyo ilaa maalinkaa maanta ah ayaa loo fiirsaday in uu ku soo celcelinayo intii. Dadka qaar ayaaba ka dhigtay kaftan hadalada uu odaygu u sheego dadka marka uu soo noqdo. Waxase ugu darnayd maalintii lagaba quustay oo intuu muddo maqnaa Qudhac, uu soo laabtay, ayuu is yidhi hadal. Markaasay Qumman oo Oodda dhinaceeda danbe taagnayd tidhi: ”Maantana albaab kasta masoo garaacday?” Dadkii ka hortegay oo maalintaa aad u fara badnaa baa, markeliya qosol jaanta wadhay. Qudhac ma libiqsado, ma naxo, mana khajilo, ee waxaabuu yidhi: ”Iska daa albaabada e maanta xataa Daaqadaha ayaan soo garaacay”.

Qumman, waa islaan daacad ah, waa Islaan aan hadalku seegin, waxay tidhi: ”Eeddo, albaab kasta lama garaaco, waayo, dee albaab Shaydaan baa jira, oo albaab guri beri hore laga guuray baa jira, albaab kasta lama garaaco, ee marka hore sahan sii diro, si aad u garaacdo albaabka ku habboon.”

 

Dhammaad

 

 

 
Sayid Maxamed Yuusuf
Sweden