BEESHA REER NUUR OO QAADACDAY XUKUN AY SOO SAAREEN GOLIHII GUURTIDA EE XALINTA CEELBARDAALE

 

Beesha Dilla oo qaadacday Xukun laga gaadhay shaqaaqadii Ceel-berdaale

“Guddoomiyaha Ergada Guurtidu wuxuu diidanaa muddo-kordhinta Mada xweynaha..” Sul. Cabdiraxmaan Xasan Cige


Odayaasha beesha degmada Dilla ee gobolka Awdal, ayaa qaadacay go’aan ay soo saareen Ergo Golaha Guurtidu u xilsaaray xal-u-helida shaqaaqadii dhowaan ka dhacday deegaanka Ceelberdaale oo dhexmartay beelaha Gabiley iyo Dilla.

Suldaan Cabdiraxmaan Xasan Cige oo ka tirsan Madax-dhaqameedka degmada Dilla ee gobolka Awdal oo uu xalay khadka telefoonka waraysi kooban kula yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu faahfaahin ka bixiyay sababaha ay dhinacoodu u qaadaceen go’aankaas, wuxuuna eedayn u jeediyay Xeer-beegtida Golaha Guurtida ka tirsan ee xukunka ka soo saaray arrintaas. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan;

S: Suldaan, sideed u aragtaa go’aamada Ergada Guurtidu ka soo saartay shaqaaqadii deegaanka Ceelberdaale?

J: Annaga dhinacayagu horeba waanu u sheegnay in Ergadaasi aanay dhexdhexaad ahayn, go’aamadaasina kuwo annaga na anfacaya maaha. Horaanu u diidnay, una sheegnay in aanay Cadaalad iyo dhexdhexaad ahayn oo ay qolo la safteen. Markaa Salaadiintii beelaha Somaliland ee Qarankan Somaliland dhistay, ayaanu markii hore Ergo u diray si ay noo soo dhexgalaan, maadaama aanay Caddaalad ahayn tani (Guddiga Guurtida).

S: Laakiin, dhinaciinu muddadii wadahadaladu socdeen toos baad ugu jirteen, taasi miyaanay jirin?

J: Ha jirto markii hore, laakiin markay noqotay in beel keliya la dhegaysto, in dhulkii la tago oo beel keliya uun loo eego oo wax waliba noqdeen mid dhinac kaliya ka socda ayaanu diidnay.

S: Laakiin, hore ayaad kalsooni u siiseen Ergada oo laydiinka dhaariyay 25 Oday?

J: Dhaarintaasi waxay ahayd kala-qaadista labada Ciidan, laakiin Cadaalad-daradaas oo kale hala idinku dhaariyo may ahayn.

S: Suldaan, maxay tahay Caddaalad-daradaasi?

J: Waa Caddalad-daro xun oo ah inay la safteen uun….Niman reerkoodii u xukumayay uun bay noqdeen oo reer baanu moodnay dawlad.

S: Laakiin, Ergadu waxay go’aankooda ku sheegeen inay labadiina dhinac ee is-hayayba dhegaysteen, waxyaabihii dhinaciinu sheegtayna xukunka way ku jirtaa?

J: Haddii Somaliland doonayso Nabad, waxaanu annagu u baahanahay Salaadiinta reer Somaliland iyo ergooyin si dhexdhexaad ah u gala, laakiin kuwani Guurti dhinac ah bay ahaayeen, horena waanu u sheegnay.

S: Taasi miyaanay u muuqanayn inaad diidan tihiin uun Dhul-beereedka la idinka xukumay, balse aydaan diidanayn qodobada kale ee Ergadu ka soo saartay khasaarihii dhacay…?

J: Dhul-Beereedkayaga lama xukumi karo, ninka xukumayaana intuu xukumo isagu ha soo dajiyo oo dadka ha soo guro. Wax kasta oo ay xukumaan Xaaraan bay noqonaysaa, horena waanu u sheegnay, ninkii wax xukumayna dadkan walaalaha ah uun buu colaad cusub kala dhex dhigayaa.

S: Laakiin, Suldaan Ergadu beesha aad is haysaan kama mid ah, balse waa xubno Golaha Guurtida ka tirsan oo beelaha Somaliland oo dhan ka soo kala jeeda?

J: Adeer, waa beel isu xukuntay uun, Annagana hal nin baa nagaga jira (Ergada).

S: Dhinaciina cida idinkaga jirta marka laga tago, dhinacyada kale ee Somaliland miyaydaan ku qanacsanayn?

J: Kuma qanacsanine, waxaanu ku qanacsanahay dad dhexdhexaad ah….Somaliland dad isu yimi miyaanay ahayn ma beel keliyaa?

S: Hadda maxaa idiin qorshaysan?

J: Annagu hal Kiiloo mitir oo dhulkayaga ah kama tegayno.

S: Waxyaabaha aad Guddiga ka tabanaysaan maxaa ka mid ah?

J: Wax dhexdhexaadnimo ah oo meesha taalay ma jirin, Guddiguna wuxuu ahaa mid siyaasadaysan. Markaa waxaanu doonaynaa in Salaadiinta Somaliland soo dhexgalaan arrintan, si aan colaad cusubi uga dhex bilaabmin dadka.

S: Maxaad ka waddaa, guddigu wuu siyaasadaysnaa?

J: Guddoomiyaha Ergadu wuxuu ka mid ahaa qoladii Qaranka Somaliland duminaysay berigii dhawayd ee waday in dawlad la’aani ka dhacdo meesha, wuxuuna diidanaa muddo-kordhinta Madaxweynaha.

S: Markaa go’aanka Ergada ma waxaad u diidan tihiin Guddoomiyahoodu Madaxweynuhuu ka codeeyay?

J: Maya, uma diidanin. Balse, waxaanu diidanahay Cadaalad-darada uu meesha ku xukumayo, waxaana meesha loo joogaa in colaad cusub laga abuuro.

 

Wargeyska Ogaal