BEESHA GABOOYE EE REER SOMALILAND CIDNA UMA ROONA IYAGUNA IS KUMA
ROONA }WAA QORMADDII MAANTA IYO MRGABOYE''Qaybtii 1-aad''
ASC/Mark hore waxan salaan xushmad iyo qadriin ku dheehantahay ku
salamayaa dhamaan bahda saxaafada xorta ah
ee reer somaliland iyo
dhamaan shacbi weynaha reer somaliland ee daafaha du nida ku kala
nool. hadaba intaan uguda galiin qormadaan xiisaha badaan ee
xambaarsan xaqiiqooy inka dhabta iyo hagardaamooyinka ku xeeraan ee
xaayn daabka ku ah horumar la aanta iyo hanash ada xaquuqooda
aasaasiga ahayd ee beelahan gabooye ee reer somaliland ragaadiyey ,Soomaalidu
waxay ku mahmaahda intaanad geedka tagiin baa gartaada la sii
akhrista ,waxan uga daan lehyaha y qofka bini aadamku hadduu tirsado
dulmi iyo dhibaato ama xaaqdaro lagu hayo waxaa qiimo bada an inuu
isagu bal qiimeeyo waxa keenay dhibaatadan uu sheeganayo iyo isaguna
muxuu dhibaatada s qayb ku leehyahay ,marka waa sababta igu kaliftay
inan qormadaan soo bandhigoo anigoo ka duu laya inan ka saal gaaro
xaqiiqada dhabta ee dhibaatadan beelahani tirsanayaan keenay hadaba
aan ku horeeyo sidaan beelahan gabooye cidna iyaga ugu roonayn iyo
dibin daabyooyinka k dhacay ee ay ilaa hada la daala dhacaayaan ,
shakise kuma jiroon in halku dhiiga ciwaanka qormadaan ay tah ay
jawaabta dhaabta ah..
Tan iyo intii ay JSomaliland ay dib ula soo noqotay gooni isku taaga
qaranimadeeda Jsomaliland waxaan wada ogsoonahay in mudada dhowr iyo
labatanka sanadood ee ay jirto qaranka JSomaliland inay markastaba
ay cabanayaan muwaadiniinta beelaha gabooye ee reer somaliland
iyagoo tirsanayana dhibaatooyin iskugu jira tacadiyo gaara oo loo
gaysto iyo iyadoo ay ka maqaantahay xaquuqdoodii aasaasiga ahayd ee
muwaadinimo ay xaqa ugu lahayeen xukuumada jsomalialnd ,muwaadiniinta
gabooye reer somaliland waxy soo mareen mar xalaado kala duwaan
iyagoo ah beesha kaliya ee dibudhaca dhaqan dhaqaale iyo mid
siyaasadeedba uu ku habsadaay waxay la soo daala dhacayeen beelahini
cadaalad la aan iyo sinaan la aan ay kala kulmaan hadba xukuumadii
talada dalka haysa haddii aynu qormadaan dib ugu yara jaleecno
xukuumadii ugu horeysay ee aasaska u ahayd hanaanka dowladnimo ee
jsomaliland yeelato waa xukuumadii uu madaxweynaha ka ahaa
madaxweynihii ;MAXAMED XAAJI IBRAHIM CIGAAL;ALLAH NAXARIIS TII JANO
HASIIYE 'AAMIN'' iyo wixii ay kal kulmeen beelaha gabooye ..
Bilowgii Xukuumadii madaxweynihii ;MAXAMED XAAJI IBRAHIM
CIGAAL;ALLAH NAXARIIS TII JANO HASIIYE 'AAMIN'' EE ay xukuumadiisasi
dhidibada u taagtay hanaanka maamulka dowladnimo iyo dimuqraadiyada
iyo hanashadii nabadgalyaa iyo xasaloonida ay maanta ku caano
maashay jsomaliland .muwadiniinta beelaha gabooye marnaba kamay
heliin xaquuqdii aasasiga ahyd ee ay ku lahaayen saad qaybsiga
maamulka iyo madaxdii xukuumada ee kala duwaan hadaytahay heer
wasiir iyo w/ku xigeen /agaasime .a/ku xigeen /maareeye ama ku
xigeen dhankastaba hadad ka eegto golayaasha kala duwaan ee heer
gobol /heer magaalo/heer degmo/ilaa heer tuulo iyo madaxda xaata
xafiisyada dowlada ee kale duwaan hal xubiin oo mihiim ka ah kumay
lahayn taas waxaa u sii dheereyd shaqaalaha dowlada ka hawlgala ayaa
ahaa shaqaale fara ku tirisa oo ka soo jeeda muwaadiniinta beelaha
gabooye ee reer somaliland .
Sideedaba Siyaasada xukuumadi waa Sakiin ama Mikiinad laba af leeh
oo xiireysa hadana waa nasiibka hadba afka ay ka haleesho hadaba
nasiib darada ku habsatay muwaadiniinta beelahan gabooya ayaa ah
inay makiinada siyaadada xukuumadu ay ka haleeshay dhankii u
haliista badnayd taasoo curyaamisay beelahan horumarkooda dhanka
mashraxa siyaadada iyo hanashada xaquuqdoodii muwaadinimo
dhibaatooyinka gaarka ah ee siyaasada xukuumadasi u gaysatay
beelahan gabooye yaa ahayd dhanka midnimada beelaha gabooye inay
kala dagaalanto ka dib markii ay xukuumadaasi u adkeysaan waydey
cabashadii badnayd ee beelaha gabooye kaga cabanayeen inayna
xukuumadiisa wax ay ku leehyihiin jiriin kana maqaantahay
xaquuqdoodii aasasiga ahay ee muwaadinimo iyagoo beelaha gabooye
wakhtigaas ay ahaayeen kuwo ku midaysaan midnimada magaca beelaha
gabooye doonayaana inay si wada jira u helaan beelahan gabooye
xaquuqdooda beel ahaaneed beelahan oo marka ku midaysnaa afarta
beelood ee loo yaqaano magaca gabooye iaygoo kala ah''BEESHA MUSE
DHARIYE/BEESHA MADHIBAAN/BEESHA TUMAALO/BEESHA ANAAS AMA YIBRAHA/
afartaas beelood oo si wada jira xukuumadas cigaal uga doonaya
xaquuqdii ay ku lahayeen xukuumadiisa haday tahay ,golaha wasiirada
,golaha guurtiga oo wakhtigaas aanay xubina ugu jiriin afarta
beeloodba golaha guurtiga ,iyo golaha baarlamaanka oo iyagana aanay
xubiin ku lahayn ,iyo golaha deegaanka midna aanay xubiin ku lahayn
iyo waliba xaga shaqaalaha wasaaradaha dowlada oo aanay beelaha
gabooye shaqaale badaan anay ku lahayn ,ayaa cabashooyinkas badan ay
gaarsiiyeen xukuumadii cigaal ..
Hadaba wakhtigaas ayey xukuumadii cigaal qaaday siyaasadeeda qarsoon
iyo hadimadeeddii qaniinyadeedii inay maaliinba beel qaniinto ka
dibna ay beelahan kala qaybiso iyadoo ka duulaysa hadii ay beelahani
midnimo midaaysan la yimadaan inay xukuumadiisa iyo golayaashaba ay
ku yeelan karaan xubno badaan ,waxay qaaday xukuumadaasi talaabooyin
fara badaan oo ay ku curyaaminayso midnimada beelaha gabooye iyadoo
si xeeladaysan isku dayday inay kala qaybiso maaliinba beel gaar ula
baxdo waxay xukuumadasi cigaal ku guulaysatay inay kala xadoo afarta
beelood waxay bilowgiiba qaniinyadii hadimada xukuumadu la haleeshay
BEESHA MUSE DHARIYE'' iyadoo siyaasad xeeladaysan oo ku salaysaan
''DIVID AND RULE''kala qaaybi oo hadana xukuun ah ay ku khiyaamaysay
beesha muse dhariye iyadoo ku tilmaamaysa inay tahay beesha MUSE
DHARIYE muwaadiniinta dhabta ah ee u dhashay somaliland ugana tirada
badaan beelahan kale ee gabooye sheeganaya ayna ka dhaadhiciso inay
xukuumadu ay diyaar ula tahay xaquuqda muwaadiniinta beesha muse
dhariye inay siiso..
Hadaba markii ay xukuumadii Cigaal aragtay inay ku guulaysatay kala
qaybiintii beelaha gabooye beesha muse dhariyena ay gaar uga baxeen
magacii gabooye ayna wax ku doonayan magaca beeshooda muse dhariye
ayay xukuumadii hadimadii qaniinyadeedii maaliinba beelihii kale ee
sadexda ahaa midba maaliin miciyadeedii qaniinyada la haleeshay
halkaana ay iskaga horkeentay inay beelkastaba gaar wax ugu doonato
xukuumada iyadoo beelkasta midba gaar madaxa ugu salaaxaysa una
aqoonsantahay inay iyagoo beelaha kale ka muwaadiinsan yihiin
sidaasna ay ugu guulaysatay inay siyaasadaa qarsoon iskaga horkeento
oo afartii beelood ay iyagii isku mashquulaan oo midba midkale u
sheegto inuu isagu yahay kan ugu tiradabadan uguna tuunka weyn
sidaana ay midnimadiii beelaha gabooye iyo xaquuqdoodii aasasiga
ahayd ee ay dalkooada iyo dowladoodba xaga ugu lahaayeen ku luunto
,mudo ka dib waxay isku mashquulaan afarta beelood waxay gaareen
inay u kala baratamaan xukuumada ,waxaa dhacday oo taariikhda madow
gashay in xukuumadii markay aragtay inay kala qaybisay ayna beelihii
dagaal iyo colaad intay isku qaadeen beelna beesha kale aanay arki
kariin inay xukuumadu ku tiraahdo beeshii u timaadaba ay ku dhahdo
beel quraa ayaad isku tihiine idiinkoo ku midaysan beesha gabooye
kuna wada socda ii kaalaya ,,waa sidii DACAWADII INTAY REERKA
XARKIHII KA GOOYGOOYSAY TIRI WALEE REER AAN OGAHAY MA GUURO'''ileen
waxay ogtahay Xukuumadu inay ka la dishay iskana horkeentay taasina
waxay beelaha gabooye ku naqotay dhabarjabkii ugu xumaa ee soo mara
taariikhda ilaa hadana waa raadxumadii ay dhibaatasi ku reebtay ayaa
ila hadana haysata beelaha gabooye ..
Ka dib Beesha reer sheekh muse dhariye ayaa dagaal culus gashay
siday xukuumadii cigaal uga heli lahayd xaquuqdeeda madama ay beeshu
tahay tan kaliya ee loo aqoonsanyahay inay yihiin muwaadiniinta reer
somaliland mudo yar ka dib ayey xukuumadii cigaal beesha muse
dhariye waxay u ogolaatay iyadoo xukuumad ahaan beesha u muujinaysa
inay siisay laba xildhibaan oo u matala golaha guurtiga jsoamliland
waxayna dhahday ii keena laba xubnood oo bari la idiinku daro golaha
guurtiga ,beeshii muse dhariye iyadoo ku faraxsan labada xubnood ee
la siiyey beelihii kalena aan xubina la siin ayey maaliintii la
gaaray inay geeyaan labadii xubnood ee u matali laha golaha guurtiga
'' markii ay geeyeen labadii xubnood ayey siyaasadii qarsoonayd ee
xukuumadu ay ku dhahday laba xuubnood ma wada haleysaane hal xubiin
ayaa laydiinka raba hadana labada xubnood hadad mid soo gudbin
weysaan maanta u dambaysa qaabiladii xubnaha guurtiga marka labada
xubnood hada mid idiinku iska doorta ,beeshii muse dhariye iaydoo
aad uga niyad jabsaan ayaa labadii xubnood la yiri idiinku hadaba
mid isku daaya ,waa markii ugu horeysay ee la oraan karo waxbay isku
ogoladeen beesha muse dhariye ,waxaa dhacday in markiiba labadii
xubnood ay gaar qol u galeen isla markiibana mid ka mida uu uga
tanaasulay si ayna xubiintani gacantooda uga bixiin ,waxaa marka ka
tanaasulay ,'mudane gaani cige huube ,,una daayey aqoonyahankii
siyasiga xubiintii xildhibaanimo''Cornal-Cali Maxamud Axmed
''AHNH''mudo yar ka dibna geeriyooday ,maantana uu jagadaas matalo
guurtiga XILDHIBAAN JIRDE SICIID MAXAMUUD '' waana xubiinta kaliya
ee laga faaiiday xukuumadii cigaaal iyo dhibaatooyinkeedii ay
wakhtigaas u gaysatay midnimadii beelaha gabooye ee ilaa hada
raadxumadii ay kaga taagtay ay ragaadi xumadeeda la daala dhacayaan
kuna luuntay xaquuqdoodii aasasiga ahayd ee muwaadinimo ee ay
dalkooda ugu lahayeen walina ay raacdo ugu jiraan .
'La Soco Qaybta Labaad ;;BEESHA GABOOYE EE REER SOMALILAND IYAGUNA
ISKUMA ROONA CIDNA UMA ROONA }WAA QORMADDII MAANTA IYO
MRGABOYE''Qaybtii 2-aad''
Wabilahai Toowfiiq..
''Gudoomiyaha Beesha Gabooye Ee Reer Somaliland Ee North America.''
''Xoghayaha Xisbiga 'Kulmiye'' Ee Magalaada Toranto Canada''
''Barkhad Xaaji Cabdi ''MrGaboye''
Email: abokoriye1@hotmail.com
Kitchener Ontario Canada....
|