Beesha Ciida-gale oo mar labaad taageertay Xukuumada Cusub ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)



 

Hargeysa August 6, 2010 (TNN)- Beesha Ciidagale ee deegaanka Hargeysa ayaa mar labaa d si buuxda u taageeray Xukuummada Cusub iyo Saamiga ay beel ahaan ka heleen.

Sidaa waxay ku sheegeen Casuumad Qado-sharafeeda oo shalay lagu qabtay Huteelka Am bassador ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadii loo sameeyey qado-sharafeeda waxa ka soo qeybgalay Wasiirada Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed, Xanaan ada Xoolaha Dr. Axmed Xaashi Oday, Salaadiin, aqoonyahan, Culima’udiin, Ganacsato, Siya asiyiin, Xildhibaano ka kala socday labada Gole Barlamaan [Guurtida iyo Wakiillada] oo uu horkacayey Xaaji Cabdikariin Cabdi-Waraabe, iyo marti sharaf kale.

Casuumadan qadada oo ay isugu yimaadeen guud ahaan beesha Ciidagale waxay ku  cadee yeen inay mar labaad si buuxda u taageersan yihiin Xukuummada Cusub ee uu  hogaamina yo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] iyo Wasiirada Cusub ee la soo  dhi say.

Suldaan Cali Baane oo ka mid ah Salaadiinta Beesha Ciidagale oo soo qaban-qaabiyey  Casu umadan oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay, sida mideysan ee Beesha CIidagale u taageertay Madaxweynaha Cusub ee Axmed Maxamed Maxamuud  [Siil aanyo], markii lagu dhawaaqay inuu isagu ku guuleystay doorashadii imikana ay ku  taagee rtay sida uu u soo xulay Golaha Wasiirada Cusub.

Guddoomiyaha hay’ada Geeska Africa Sheekh Maxamed Cali Geedi oo isna halkaasi ka  hadl ay ayaa waxa uu yidhi “Dalkani waxa uu soo maray Sideed Sanadood oo halgan ah, dhibtaa inteedi badnaydna waxa lahaa Dawlada, laakin waxaad ogaataan waynu kawada  qeybga lnay Shicib ahaan kotonka Sanadood ee ay Soomaaliya Dawlada lahayd xukuummada  Raya ale Dawlad ka dulmi badan lama arag, ilaa wakhtigii Siyaad Barre ayaanay la dulmi ahayn.

Mar uu Sheekh Maxamed Cali Geedi lahadlayey Shacabka reer Somaliland waxa uu kula dar-daarmay inay xukuummada Cusub la shaqeeyaan oo ay garbaha qabtaan.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Dheeg oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, kana tirsana Xibigii UDUB ee la wareega, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxame d Cabdi Gaboose, Caafimaadka Dr. Axmed Xaashi Iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen  Xo og, iyo Xaaji Cabdikariim Cabdi [Waraabe], iyo masuliyiin kale oo dhamaantood iska daba  m armaray sida ay lagama maar maanka u tahay in lala shaqeeyo Xukuummada si waxyaabo badan oo bahiyaadka asaasiga ah ee dadka uga hawlgasho.



Source:HCTV