Beesha Cabdalle Sacad oo maanta caleemo Saartay Ugaas cusub oo ay yeelan doonaan
 

 


Ugaaskan oo maanta lagu caleemo saaray Hutel Maansoor..................... Daawo Sawiradda


Hargeysa (TNN) Beesha Cabdalle Sacad ee degta Woqooyiga Magaalada Hargeysa ayaa maa nta caleemo saartay Ugaas cusub oo ay yeelan doonaan.

Ugaaskan oo maanta lagu caleemo saaray Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaan ay dhamaan odayaashii beesha caleemo saartay ugaasku sheegtay in ugaaskani uu ahaan mid danaha beesha ka shaqeeya, isla markaana hawlo badan oo horumarineed soo kordhiya.

Caleemo saarkan ugaaska ayaa waxa ka soo qayb galay badi Masuuliyiinta qaranka Somalila nd ee kala duwan, iyada oo ay madasha ka muuqdeen siyaasiyiin siyaasadu wakhti badan aanay madal iskugu keenin oo isa soo horfadhiistay, waxa sidoo kale xaflada caleemo saark an ka qayb galay wefti balaadhan oo reer Jabuuti ah.

Xafladan Caleemo saarka ayaa waxa caleemo saaray ugaaska Sh. Aadan X. Maxamuud (Aa dan Siiro) iyada oo bar bar taagnaayeen suldaano badan oo ay ka mid yihiin Suldaan Beesha Subeer Awal.
Xafladan oo hadalo badan madashaasi laga soo jeediyey ayaa waxa salaadiintii ka soo qayb gashay ugu duceeyeen in ugaaskan cusub ILAAHEY xilka uu beeshiisa iyo umadda reer Som aliland u qabtay u dhib yareeyo.

Marwadii Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed X. Ibraahim Cigaal Marwo Kaltuun X. Daahir oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa u ducaysay Ugaaska, iyada oo ugu ducaysay in uu ILAAHEY u dhib yareeyo masuuliyadda loo igmaday.

Ugaaska cusub ee loo caleemo saaray Beesha Cabdalle Sacad Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xasan (Xawaareeye) oo halkaasi ka hadlay ayaaa u mahadnaqay dadweynihii iyo madaxdii ka soo qaybgashay caleemo saarkiisa, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay weftiga jabuuti uga yimid, sidoo kale waxa uu isna uu mahadnaqay marwadda koowaad ee dalka Jabuuti Marwo: Khadra Maxamuud Xayd oo uu sheegay inay hadyad qaali ah ay halkaasi uga soo dirtay, isa goo si weyn ugu amaanay shacabka jabuuti iyo dawladda jabuuti sida weyn ee ay u maamu useen caleemo saarkiisa.

Ugaaska ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaanan ilaawi doonin walaalahayga reer Jab uuti waxaan leeyahay waligiin jira oo cadowgiin ha wiiqmo,waxaan si gaar ah usoo dhoweyn ayaa marwada Khadra Xayd ee soo xambaartay ee diyaarad soo saartay Keegaa quruxda b adan iyo alaabooyin kale oo badan waxaan leeyahay dad iyo xoolaba barakow”. Ugaaska aya a waxa uu sidoo kale u duceeyey dadweynaha Reer Somaliland.
 

 


C/raxmaan Muuse Yuusuf
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland