Beeralayda Iyo Reer Guuraaga Somaliland Oo Lagu Caa win Doono $6.5 Million Muddo Afar Sanadood Ah

 


“IFAD Waxay Ula Dhaqantaa Somaliland Sidii Dal Madax Banaan Oo La Mid Ah Dalalka Kale Ee Dunida, Mashaariicdiisuna Waa U Gaar” Dr. Nadim Khouri

Hargeysa, May 27, 2010 (TNN) - Dadka Beeralayda ah iyo reer guuraaga ku nool  Somalil and ayaa heli doona mashruuc caawimo ah oo wax ka qaban doona horumarka beeraha iyo xoolaha. Mashruucan oo uu maal geliyay Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha, International Fund for Agricultural Development (IFAD), waxa ku bixi doona lacag dhan   $6.5 Million, taas oo ay fulin doonto hay’adda TRANSTEC.

Sida uu sheegay Dr. Nadim Khouri oo ah Agaasimaha bariga dhow iyo woqooyiga Afrika u qaabilsan IFAD, waxa Mashruucan ka faa’iidaysan doona 53,000 qoys oo ku nool gobolada Awdal iyo Hargeysa.

Dr. Nadim Khouri waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay Wareysi khaas ah siiyay  Haat uf, waxana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxan aan halkan u imid qorshe si wada jir ah ay  isk aga kaashanayaan Beeralayda Somaliland, IFAD iyo Sanduuqa Caawimada Quutal Daruuriga ee dawlada Belgium iyo weliba lacag ay iska soo ururiyeen Beeralayda Somaliland oo iyaga laftoodu ka qayb qaadanaya horumarka Beeraha dalkooda. Lacagta aanu ku maal  gelinay no Somaliland waxay dhan tahay $6.5 Million Dollar. Mashruucani wuxu qaadanayaa 4  sana dood, taas oo ay ka faa’iidaysan doonaan Beeralayda iyo reer miyiga Somaliland, waxanu qayb ka nahay Qaramada Midoobay. Meelaha ka faa’iidaysan doona Lacagta waxa ka mid ah Beeralayda yar yar, Kalluumaysatada iyo reer guuraaga iyo dadka aan dhulka haysan. IFAD waxay fahansan tahay in laga caawiyo dadka Beeralayda ah iyo reer miyiga siddii ay qodaal u qodan lahaayeen, xoolahooda u naaxin lahaayeen, Kalluumaysi u sameyn  lahaa yeen. waxa jiray mashruuc IFAD ka fulisay Somaliland oo dhamaaday laba sanadood ka hor, waxaanu qiimeynay mashruucii kaddibna waxanu bilaabaynaa mashruucii labaad. Waxa  ka le oo ka mid ah meelaha mashruucani xooga saari doono, horumarinta Beeraha iyo  Xoolah a, Biyo saafi ah in la helo, caafimaadka xoolo dhaqatada iyo Beeralayda iyo maamul wanaa ga bulshada ka faa’iidaysan doonta mashruuca”.

S: Guud ahaan lacagta ku baxaysa hirgelinta mashruucan waa imisa?

J: waa 6.5 Million Dollar.

S: Waa kuwee gobolada Somaliland ee ka faa’iidaysan doona mashruucan?

J: Mashruucan waxa ka faa’iidaysan doona labada gobol ee Awdal iyo Woqooyi-Galbeed (Hargeysa), waxa ka faa’iidaysan doona 318,000 qof , ama 53,000 qoys, oo degan 160 tuulo ama degmo oo ka tirsan labadaasi gobol.

S: Maadaama Somaliland tahay dal madax banaan, mashaariicda aad fulinaysaan ma u tixgelisaan siddii dal jira mise Somaliya ayaad ku dartaan?

J: IFAD waxay ula dhaqantaa Somaliland siddii dal madax banaan oo la mid ah dalalka kale ee dunida, mashaariicdooduna waa u gaar.waxan kuu sheegi lahaa, Somaliland waa meesha keli ah ee IFAD ka shaqeyso marka la eego dalkii la isku odhan jiray Somalia.

S: Mustaqbalka maxaad ugu talo gasheen inaad ka qabataan Somaliland?

J: mar kasta waxanu ku saleyn doonaa waxqabadkayaga kolba baahida dalka taala, inta dadka reer Somaliland aaminsan yihiin in aanu caawinayno oo aanu garab taaganahay anaguna waanu joogi doonaa.

S: Somaliland waxa ka dhacda abaar soo noq noqota, dadka reer guuraaga ahina inta badan waxay ka cawdaan biyo la’aan marka balayada iyo barkaduhu ka qalalaan, haddaba mashruuciina ma ku jirtaa in aad biyo xidheeno u sameysaan dadkaasi?

J: Haa, in la helo biyo saafi ah oo la cabo waa mid ka mid ah mashruucayaga, waxanu sameyn doonaa biyo xidheeno nadiif ah oo reer guuraagu ka cabaan xiliga abaaruhu dhacaan ama jiilaalkii, waxanu ka dhisi doonaa meelaha ku haboon, laakiin muhiimadu waxay tahay in dadka la baro siddii biyaha looga faa’iidaysan lahaa. Shalay (doraad) waxan tagay Abaarso, Taysa iyo Gabiley, waxan weydiiyay dadka halkaa ku nool waxay u baahan yihiin, waxay sheegeen inay aad ugu baahan yihiin biyo nadiif ah iyo dawooyin, markaa anagu mar kasta waxanu ahmiyada siinaa baahida dadka. Waxa ila socday Tawfiq Al Zabri oo IFAD u qaabilsan Somaliland, Rose oo iyaduna ka socota Sanduuqa Lacagta ee dalka Belgium, Dr.Mohanad Al-Assaad oo ah agaasimaha TRANSTEC oo fulinaysa mashruuca iyo Hans-Juergen oo isaga laftiisu ka socda TRANSTEC.

S: Ugu dambeyntii, maxay tahay fariinta aad u dirayso dadka mashruuca IFAD ka faa’iidaysan doona?

J: Waxan odhan lahaa ha ka imanina beeraha iyo miyiga, waayo dad badan oo reer Somaliland ah ayaa ka imanaya beerahoodii iyagoo u soo dhaadhacaya magaalooyinka, sidaa darteed in dadku joogaan beeraha iyo miyiga, waxay ka mid tahay ujeedooyinka ugu waaweyn ee loo aasaasay IFAD.