Beelo Shiray Ma Aha e
Waa Cawil iyo Hadhaagii UDUB
Waxay xukuumaddu madaxa kala soo
kacday arbush iyo cabashooyinka dadka ku qadhaabana yay magac
beeleedyada ee ku cabanayay inaan beeshooda la siin “wasiiradii ay
xaqa u lahaay een”. Waxa imika tii beddeshay kuwo ku hanjaba
inay qaadi doonaan tallaabo xukuumaddan dh axalsiisa “cawaaqib
xumo” haddii aanay yeelin sida ay doonayaan.
Dadka arbushka wada waxa ugu mudan kuwa sheegta oday beeleedyo
sheeganaya inay metel aan beel-wayn aan la garanayn goobta iyo
wakhtiga la wakiishay ee ay heleen kalsoonida bee shaas. Waa
meel ka dhac iyo nusqaan in odayaashaas tirrada kooban ee hoolalka
yaryar ku sh iray ay sheegtaan inay metelaan baalweyn kala
aragti iyo fikir iyo aqoon duwan oo kala taag eera saddexda
xisbi qaran.
Waxa mudan in lays xasuusiyo isbeddelka dalka ka dhacay cidda
keentay inay ugu badnayd dha linyarada iyo haweenka halka odayadu
ahaayeen kuwo aan habayaraatee lagu arag goobaha codaynta halka
goorwalbana ay ka soo horjeedeen in dalkani sameeyo wax horumar ah
oo dhi nac maamul iyo dimoqraadi midna. Haddaba haddii
odayadaasi xukuumaddii hore uga barteen in marna lagu dhaqo xeer
jajab marna xoolaha qaranka oo lagu kirayso taasi meesha way ka
bax day wakhtigoodi dhamaa, xukuumadda hadda joogtaana waa tii ay ku
xisaabtamayeen jiilka cu sub ee beri dhaxli doona dalkan.
Odayadaas farakutiriska ah ee shirarka qabsaday oo aan ka sheegi
karo kuwa ku kala shiray B oorama
iyo Burco waxay shirarkoodu salka ku
hayaan arrimo kala duwan iyaga oo xukuumadda u soo jeedinayaa
hadallo isugu jira baaq iyo hanjabaado.
Odayada ku shiray Boorama waa kuwii xukuumadda siiyay digniinta inay
qabandoonaan mudah araadyo haddii xilka loo daynwaayo Kornayl
Xudhuun. Way ku fashilmeen wax aan ceeb iyo magac xumo ahayna isumay
soo jiidin.
Kuwa Burco ku shiray oo ah koox tirro yar oo aan sheegan karin inay
reer wakiil ka yihiin, ayaa xukuumadda ugu hanjabay inay ka noqoto
baadhitaan ay ku samaysay guddoomiyii hore ee
B aanka Somaliland iyaga oo u nisbaynaya in lagu haysto beel
ahaan!. Waa yaabe ma waxa jira beel si gaar sharcigu aanuu u qaban
oo muwaadiniinta kale ka saraysa? Haddiise ay rabaan in sharciga la
laalo maxaa ka manacaya in dadka jeelasha ku jira oodda laga qaado
dalku fawdo ha noqdee, mise kuwa jeelasha ku jira muwaadinimadoodu
way kala dhimantahay oo kuwa Riy aale xilalka u dhiibtay ayaa
ka faddiilsan.
Baroortu orgiga ka wayn. Shirarkan waxa abaabulaya waa Cawil iyo
hadhaagii UDUB ee dalkan saboolka ah kaga tagay daynta $40 milyan ee
dollar ah oo aan oggolayn in lagala xisaabtamo hantida qaranka ama
la ogaado tabaha ay ku lunsadeen hantida maqan iyo meesha ay ku
dam baysay. Xaqbaa loogu leeyahay mana jirto cid ka joojin karta
xukuumadda inay dabagal ku sa mayso hay’adaha lagu lunsaday
hantii qaranka.
Ninkii ku taamaya in layska iloobo, ha ku quus gooyo in aanuu jirin
qof ka sareeya sharciga ama lagaga saamaxayo reer hebel ayuu yahay.
Xukuumadda maanta joogta sababihii 50% shacbigu ugu codeeyeen ayay
ahayd inay dalka iyo dadkaba si siman ugu dhaqdo sharciga, kuwii
hantid ooda xadayna la horkeeno sharciga. Sharcigaasi ayaa qabanaya
masuulkasta oo xil haya ama soo qabtay oo ummaddan saboolka ahna ka
xaday kagana tagay daymo aanay qaadi karin.
Dadkaas ku baaqaya inaan wax baadhitaan ah la samayn waxa loo qaadan
karaa inay xaaraan ta wax ka cuneen oo iyagu aanay ceeb ka
saliim ahayn, ma muuqato sabab kale oo dadkaasi u ga soo
horjeedaan tallaabooyinka xukuumaddu ku dabagalayso hantida maqan ee
qarankani isku raacsan yahay.
Marka aad u sii fiirsato baaqyada ka soo baxay shirarkaas waxaad
muuqanaysa in labadaba ay ku taaganyihiin lugo booc ah oo ay
doonayaan wax aanay awood u lahayn. Labadaba waxa ku jira hanjabaad
aan meel gaadhsiisnayn oo xukuumadda loogu hanjabayo haddii ay ka
noqon w aydo go’aamadadeeda.
Axmed Xirsi
axmedxirsi@yahoo.com |
|