Beelaha
Walaalahayo Somaliland iyo Deriskayagaba Waxannu Ugu Baaqaynaa
Nabadgelyo. Xukuumaddana Wixii Tabasho ah Cidina Noo Dhexayn Mayso
Waannuna La Shaqaynaynaa (Suldaanka Guud H/Yoonis-Bari)
Ceerigaabo (TNN) Shir-dhaqameed muddo laba toddobaad qaatay oo
Beelaha H/Yoonis-Bari uga socdey magaal ada madaxda gobolka
Sanaag ee Ceerigaabo kuna saabsanaa sida ay halkaas ka sheegeen
nabadgelyada beela ha walaalaha Somaliland iyo weliba arrimaha
dhinaca xukuumadda Somaliland iyo beeshan ayaa waxa Salaadiin
ta, Boqorrada Cuqaasha iyo waxgaradka kale ee beelahan oo uu
hoggaaminayey Suldaanka guud ee beelaha HYB. Suldaan-Rashiid
Suldaan Cali Ducaale iyo Guddoomiyaha HYB C/naasir Cali Jaamc waxa
halkaas lagaga dha waaqay go’aannadii shirkaas kasoo baxay.
N/doon-Maxamuud Dirir Xasan oo isagu fagaarahan ugu horrayn kaga
dhawaaqayey go’aannadaas ayaa yidhi “Beelahan H/Yoonis-bari oo
maanta waayeelkoodii aannu maanta halkan ku fadhino waxannu cid
walba shacab iyo xukuumad u caddaynaynaa in beeshani go’aansatay
marka hore cid kastaba in ay kula noolato nabadgelyo iyo walaalnimo”.
Isagoo intaas kusii daray “Dhinaca xukuumadda Somaliland waxannu
caddaynaynaa in aannaan mucaarad ku ahayn ee aannu la shaqaynayno
haseyeeshee iyadoo ay jirto wixii tabasho dhinaca xukuumadda waxannu
leenahay cidina noo dhexayn maysee beesha iyo xukuumadda ayaa ka
wada hadli doona weftina dho waan Hargeysa ayaannu u
diranaynaa waxannuna ku rajo weyn nahay in aannu si wanaagsan u
dhammaysan doonno”.
Suldaan-Rashiid Suld-Cali Ducaale oo isaguna ugu danbayn
munaasibaddan hadal kooban ka jeediyey ayaa waxa hadalladiisii ka
mid ahaa “Go’aankan waayeelka beeshan kasoo yeedhay sida aad
arkaysaan wa mid geedka hoo stiisa lagu gaadhey oo kaddib
dhawr toddobaad markii guddi loo saaray taladana waayeelku rog
rogayeen iya ga kasoo yeedhay ee aan cid kale u yeedhinayn”.
Wuxuna suldaanku intaas kusii daray “Go’aankani waa mid ku salaysan
mawqifka nabadgelyada beeshani cid kastaba in lagu wada noolaado ugu
baaqayso looguna soo haga agi doono iyo in beeshu aanay
xukuumadda mucaarad ku ahayne la shaqaynayso wixii arrimaheeda ahna
dhina ca xukuumadda iyo beesha aan cidina u dhexayn doonine iyagu ka
wada hadli doonaan”.
Waxa iyaguna fagaarahaas ka hadlay Guddoomiyaha Beelaha HYB C/naasir
Cali Jaamac Boqor-Maxamuud Cisma an(Boqor-Magaadle)
Madax-dhaqameedyo iyo guurti kale oo dhammaantood halkaas ka sheegay
in go’aankani yahay mid beeshaasi isla garatay iskuna raacsan tahay”.
Sikastaba ha ahaatee arrintan ayaa u muuqata markii ugu horraysey
muddadii xukuumadda Madax-weyne Siila anyo talada dalka
qabatay ee beeshani ku xaqiijinayaan mawfiqkooda wada noolaanshaha
iyaga iyo beelaha kale ee Somaliland iyo weliba wada shaqaynta iyaga
iyo dhinaca xukuumadda Somaliland.
Source:Waaheen
|