Beelaha La Hayb Sooco Oo
Baaq Mideysan Ku Taageeray Go'aankii Mad axweyne Siilaanyo Ku
Magaacabay La Taliyihiisa Arimaha Beelaha laheybsooco Barkhad Jaamac
Xirsi..
Hargeysa (TNN)-Beelaha La Hayb Sooco ee Degan Deegaanka Somaliland
ayaa Madaxweynaha S iilaanyo ku Boogadiyay isla markaana uga
Mahadnaqay Xilkii uu u magacaabay Barkhad Jaamac Xirsi, in uu noqdo
la taliyaha Madaxweynaha ee Dadka la hayb sooco.
Xafladan Taageeradda ah ayaa waxa ugu Horeyn ka hadlay Suldaan
Daakir Suldaan Xasan Taani, waxana uu sheegay in uu ka Suldaan ahaan
ku Faraxsan yahay Magaacaabista uu Madaxweynuhu Magacaabay la
Taliyaha Dhinaca Dadka la Hayb Sooco, Suldaanka ayaa Si weyn Ugu
mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland Waxana ka Mid ahaa Hadalkii
Suldaanka “Waxan lee yahay Madaxwey ne Waan kuu hambalayaynaynaa ee
Horre uga sii soco”.
Suldaan Daakir waxa uu si weyn ula dardaarmay La taliyaha Cusub Mr
Barkhad Jaamac Xirsi , sidoo kale waxa uu Suldaanku xusay Guddiidii
uu Madaxweynahu dhowaan u xilsaaray ka soo tala bixita Dadka la hayb
sooco.
Xildhibaan Jirde Siciid oo madashaasi ka hadlay ayaa isna si weyn
ugu nuuxnuuxsaday sidda ay ka beel ahaan ugu Faraxsan yihiin in loo
magacaabo Jago ka mid ah Xukuumadda, balse Xildhibaanku waxa uu
gaashaanka ku dhuftay inaany wali ka reer ahaan aanay helin
Qaybtoodii, waxana uu xus ay in Maadaxweyne Siilaanyo looga
fahadhiyo Miisaankii ay reerku ku lahaayeen Kuraasta Xukuu madda.
Xildhaabka ayaa ku dheeraaday sidda ay ugu rajadda Weyn yihiin in uu
madaxweynuhu mar kale soo magacaabi doono Xubno ka mid ah beeshaas
waxana ka mid ahaa hadalkiisii 'Mudane Madaxwe yne Waxaanu kaa
filaynaa Kuraas kale in aad noo Magacaabi Doontid”
Suldaanka Guud ee Beelaha Yibraha Suldaan Cismaan oo isna Goobtaasi
ka hadlay ayaa kula darda armay Dhalinyaradda beeshaasi in ay
noqdaan kuwa Dadaala isla markaana u hanaqal taaga in ay dalka ka
noqon karaan Heet Madaxweyne, waxana uu ku Booriyay in ay noqdaan
kuwo leh Aqoon ta Noocyadeeda kala duwan.
Gudoomiye ku Xigeenka Xaquuqul Insaanka Liibaan Ismaaciil Maaxamuud
ayaa sheegay in la noqdo kuwo isku duuban waxana uu ku booriyay in
Dalka Somaliland oo dhami uu yahay ul iyo Diirkeed, si ddaas
Awgeedna laga wadda qayb qaato horumarka iyo Geedi Socodka Dalka.
Si kastaba ha ahaatee Munaaibadan ayaa ahayd Baaq ay si wadda Jir ah
ay u dirayaan Beelaha la hayb sooco, kuwaasi oo si midaysan u
taageerayay Xilkii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxam uud (Siilaanyo)
u magacaabay Barkhad Jaamac Xirsi, in uu noqdo la taliyaha
Madaxweynaha ee Dadka la hayb sooco.
Ahmed Shaqalle
Hargeysa Somaliland
|