Beelaha Gabooye Ee Reer Somaliland Cidna Uma Roona Iyaguna Iskuma Roona}Waa Qormada’’MAANTA IYO MRGABOYE''Qaybtii 3-aad''

 


 

ASC/Mark hore waxan salaan xushmad iyo qadriin ku dheehantahay ku salamayaa dhama an bahda saxaafada xorta ah ee reer somaliland iyo dhamaan shacbi weynaha reer somali land ee daafaha dunida ku kala nool. Salaan ka dib qormadani waa qaybtii labaad qormadii ''BEESHA GABOOYE EE REER SOMALILAND CIDNA UMA ROONA IYAGUNA ISKMA ROONA}WAA QORMADDII MAANTA IYO MRGABOYE''Qaybtii 2-aad'' qormadaan waxay ka hadlaysa Xuku umadii hore ee Somalilnad ee uu Madaxweyne ka ahaa mudane "Daahir riyale kaahiin " xis bigii'UDUB' waxayna si caad daaha uga qaadaysa faaiido iyo qasaarooyinkii ay kala kulme ed xukuumadii riyaale muwaadiniinta beelaha gabooyaha jsomaliland ..

hadaba shaki kuma jiro in ay xukuumadii daahir riyaale kaahin ee xisbiga udub ee JSomalila nd wakhtiga talada u hayay inay iyaduna qayb weyn ka qaateen midnimo la aanta iyo han asho la aanta muwaadiiniinta beelahan gabooye ee reer somaliland iyo sidayna uga heliin xaquuqdooda aasasiga ah ee ay dalkooda iyo dowladooda ugu lahaayen waxan muraan ku jiriin inay sii korodhay cabashooyiinki iyo tabashadoodi beelaha gabooye ay markasta ka tirsadaan xukuumadooda .
Waxaa iyana sii taraantay midnimo la aanta iyo kala fogaanshaha aragtida beelahan gab ooye oo ay hadhaysay tafaraaruq baahsan oo ku baahay beelahan gabooye iyadoo mid kastaba isku haysato inay beeshoodu tahay kuwa mudaan ee muwaadininta ah,waxa kaloo intaas u sii dheera loolanka siyaasadeed ee dhexdooda yaal iyo tartaanka beelkastaba ga arkeeda ay u gashay iyagoo beel kastaba ay xukuumada u guudbinaysa codsi cabashadoo da ah kana doonaya inay xukuumadu xaquuqdooda beel ahaan gaar loo siiyo.



Hadaba xukuumadii Daahir Riyaale Kaahiin iyana markay dareentay culays badan iyo caba shooyinka beelaha gabooye gaar gaarka ugu soo gudbinayaan ayay xukuumadii daahir riy aale kahiin ay u ogolaatay xilkii ugu weyna wakhtiga oo ahaa wasiir ku xigeenka wasaar ada caafimadka una magacowday nin dhakhtar ah oo ka soo jeeda beesha gabooye oo u shaqaynayay xukuumada marka kuna shaqaynayay xirfadiisa iyo aqoontiisa dhakhtar nimo .dhakhtarkaas oo ahaa"Dr Axmed jamac samatar"kuna magac dheera Dr Who'' xilkaas markii la magacabay ayay ka sii dartay loolankii siyaasadeed iyo xurguftii beelaha gabooye midba midkale geeska kula hirdiyayey sidoo kale waxaa xilkaas loo magacaabay sawiir ku xigeenka ay beelaha kale ee gabooye kaga cudur daaranayen in ninkaasi yahay beel ka mida beelaha gabooye oo ah beesha Madhibaan sidaa awgeed aanu matalii kariin beelaha kale ee gabooye sidaana ay beelkastaba doonayan in iyagan xaquuqdooda la siiyo oo xilal kale loo magacaabo .
Tafararuqa midnimo la aanta iyo isku tanaasul la aanta aanay beelaha gabooye isku ogole eyn ee beelkastaba ay gaar wax ku doonaysaa waa dhibaatooyinka ay ku abuurtay xumk uumadu iyadoo ka duulaysa inay kala xado beelaha si ayna midnimadooda guud wax ku do onin waayo waxaa hubaala haday beelaha gabooye ku midaysan yihiin midnimo guud inay wax weyn ka heli karaan saami qaybsiga masraxa siyaasada jsomaliland markaa wa inay kala dagaalanta xukuumadu midnimadooda ,taasna waxay dhaxalsiisay sida ayna beelaha gabooye waxba iskugu tanaasuliin beel ahaan ,waana hagardaamooyinka ragaadiyay ka maqnaannshaha siyaasada dalka jsomaliland .
Mudo ka dib markii dhaleeco iyo cabashooyin fara badan kaga imaanayay qaar ka mida bee laha gabooye oo wax ku doonaya si gaar beel ahaan ayay xukuumadi daahir riyaale ka qa aday xilkii Dr Who' una magacowday siyaasiga rug cadaaga ah oo markaa ka tirsana xisbi ga udub ee talada hayay wa siyaasiga ''Mahdi Xaaji Cabdulahi Cismaan Buuri''oo isaguna ka soo jeeday beesha muse dhariye ee beelaha gabooye .Booskaas wasiir ku xigeenkuna noqday kursi boqor tooyo oo marba beel la saarayo taas oo sii kala fogaysay midnimo la aantii beelahan gabooye waa waxyaabah ugu waaweyn ee dhabar jabka iyo hadimooyiinka ku noqday beelahan gabooye waa bilowgii hankii iyo hamigoodii ay beelahani hiigsan lahay een dhanka hanaanka siyaasadeed hog iyo daluun haliis badaan ku ridaay waa maalmaha madoow ee soo marey muwaadiniintan gabooye waa hadiimooyiinkka iyo hagaar daamada ay ka dhaxleen xisbigii udub walina ay ka soo kaban layihiin beelahan gabooye ee muwaa diniinta JSomaliland .

Isku soo wada duuboo waa cadaalad xumida iyo sinaan la aanta ka haysata beelaha gabo oye hadba xukuumadii talada dalka u haysa jsomaliland iyo waxtarka faaiidooyinka ay ka helaan xukuumadooda oo ka dhigaan hooyoo ku go ,taasna waxay u horseeday tawaawa ca iyo towsi xumida haysata muwaadiniinta beelaha gabooye ee reer Somaliland ay wali la daala dhacaayan,nin la tumaayse taloo u taala ,
la soco qaybta saddexaad iyo qormada manta iyo mrgaboye.
Wabilaahi towfiiq.

 


By-Barkhad Xaaji Cabdi’’MrGaboye’’
Email:abokoriye1@hotmail.com
Kicthener Ontario Canada.