Bandhigii Buuga Diiwaanka Qosolka iyo Wacdarihii xalay ee Naadiga Akhriska Timacadde:-

 



 

Naadiga Akhriska Timacadde ayaa Xalay Buugoodii Seddexaad ku soo Bandhigay World Sport Center ee Magaalada Gabiley.


Gabiley (TNN)-Xaflad balaadhan oo loo sameeyay Bandhiga Buuga Diiwaanka Qosolka ayaa ahayd mid Si heer Sare ah loo Soo Agaasimay Waxaa ka soo Qayb Galay Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Gabiley C/risaaq Sh.Aadan Cali,Abwaan Cabdi Cali Xirsi,Abwaan Mukhtaar yay,Xubin kaTirsan Naadiga Akhriska ee Halkaraan Burco,Qaar ka mid ah Fanaaniinta Da,da yarle ee Reer Somaliland, Dhalinyarro aad u tiro badan iyo Marti Sharaf kale.


Buuga Diiwaanka Qosolka oo Si wayn loogu diyaar garoobay in badana ay xiisanayeen Bulshada reer Gabiley Bandhiga Buugan ayaa waxaa Nasiib u yeeshay Axmed Sh.Nuur Ducaale (Axmed Biito) oo ka tirsan Naadiga Akhriska Timacadde buugaasi oo uu qoray Aqoonyahanka Caanka ah Jamaal Cali Xuseen, iyada oo loo soo bandhigay Qaab casriya oo ay sheekooyinka Buuga ku jira loo matalay qaab ruwaayadeed oo runtii dadku Xalay Aad uga heleen.


Gudoomiyaha Naadiga Akhriska Timacadde Mahdi Sh.Cabdi oo Furitaankii Xaflada Hadal kooban ka jeediyay ayaa ka waramay Geedi Socodka Naadiga iyo kaalinta uu kaga jiro Wacyi Galinta Dhalinyarada iyo Kor uqaadida Aqoonta Da,yarta Somaliland Gaar ahaana Gobolka Gabiley, Mahdi Sheekh waxaa uu aad ugu dheeraaday islaamka iyo Wax Akhriska isaga oo Xusay in 1400 oo sano ka hor diinta islaamku inagu dhiiri galisay, Waxa kale oo uu sheegay in Suuradii ugu horaysay ee Quraanka illaahay soo dajiyay ay ahayd Suuratul “IQRA”, halkaana aynu ka milicsan karno Miisaanka Culus ee Diinteenu u samaysan wax akhris, iyo kaalinta uu kaga jirco horumarka Bulshooyinka Dunida, waxa kale oo uu raaciyay axaadiis wax akhriska dhiiri gelinaya.

Ugu Danbayntii Mahdi sheikh dhalinta waxa uu kula dardaarmay inay waqtigooda nidaamiyaan, iswaydiiyaana maxaad akhriday, bishan iyo sanadkan.

Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Gabiley C/risaaq Sh.Aadan Cali oo isaguna Furitaankii madasha ka hadlay ayaa ka Waramay sida wanaagsan ee Naadiga akhriska timacadde mar walba u dhiiri galiyo dhalinyarada isaga oo sheegay inay mar walba kala qayb galaan Buugaagta naadigu soo bandhigo iyo Bandhig suugaaneedyada uu ku Qabto Gobolka.

C/risaaq sh.Aadan waxaa sheegay in Akhrisku muhiim u yahay dhalinyarada isaga oo sheegay in Naadiga timacadde ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen wax akhriska Gobolka waxaanu Maamul ahaan uga Mahad naqay Wax qabadkooda.

Axmed Sh.Nuur Ducaale ayaa Gudo galay Bandhigii buuga ayaa waxa uu ku bilaabay Taariikhda Qoraaga Buuga Diiwaanka Qosolka Jamaal Cal Xuseen, waxaanu si faahfaasan uga sheekeeyay Taariikh nololeedkii Qoraaga Heerarkii kala duwanaa ee Waxbarashadiisa iyo Guud ahaan ba Jaamacadihii kala duwaanaa ee uu Jamaal ku soo qaatay waxbarashadiisa, waxa kale soo qaaday Gogol dhiga Buuga, hibaynta iyo Aaraarta uu qoraagu ku soo qaaday bilawga buuga diiwaanka.

Axmed Sheekh Nuur waxa uu soo qaatay Sheekooyin Badan oo xiiso leh oo buuga ku jiray iyo wakhtiga ay haboontahay in la adeegsado waxaanu Madasha si mugleh ugu soo bandhigay Sheekooyin aad u qosol iyo xikmad Badan.

Sheekooyinka Buuga oo aad utiro badanaa ayaa waxa ay naadigu ka Sameeyeen Ruwaayad Aad u Xiiso Badan taasi oo ay Matalayeen kooxda jilayaasha Naadiga Timacadde oo ay Hogaaminayeen Abwaan Mukhtaar Xuseen yay iyo Fanaanka Da,da yar ee C/rixiin Axmed Carab, kooxdaasi oo ka koobnayd shan wiil iyo laba Gabdhood oo ka tirsan Naadiga kuwaasi oo Qaab Casriya oo aan hore loogu Soo bandhigin Sheekooyinka Buuga uga matalay Ruwaayad aad u xiiso badan taasi qosolka iyo Sacabka isla oogsadeen, iyada oo ay daawadayaashu dalbanayeen in loogu celiyo mar kasta.

Jilayaasha ayaa ku dadaalay sheekooyinka inay si dhab ah u matalaan iyaga oo soo qaatay Agabkii looga baahnaa matalaada Sheekooyinka Buuga ku jira ee qaabka ruwaayadeed loo matalay waxaanay Noqotay Tii ugu xiisaha Badnayd ee Abidkeed Gabiley lagu qabto, Waxaa ka mid ahaa Sheekooyinka la matalay ee Dad waynaha aadka usoo jiitay, sheekadii Nimankii reer Hargeisa iyo Hudheelka, Dibigii Norway, Telephone-ka iy Salaada, Sheekadii Baanka, Shaxaadka iyo Siyaasada. Kuwaasi oo dhamaantood si aad u xiiso iyo Xamaasad badan ay usoo Bandhigeen Kooxda jilayaasha Naadigu.

Sheekooyinka Ruwaayada laga Dhigay oo Dhextaal u ahaa Bandhiga Buuga oo uu Daadihinayay Axmed Sheekh nuur ayaa noqotay mid taariikhda gasha Qaabka Casriga ah ee ay u Soo bandhigeen Buuga iyada oo ahayd Runtii madal Qosol iyo Murti badan la isku waydaarsaday Dadka badankooduna Doonayeen inay Sheekooyin Noocan oo kale ah Dadka u soo bandhigeen kuwaasi oo ay ka qayb qaadanayeen Habeenka Qosolka Gabiley, Balse wakhtiga oo koobnaa waxaa Awooda la saaray in Si mug leh looga Dhaadhiciyo ujeedooyinka Sheekooyinka Buuga ku jira Siyaabaha loo adeegsanayo iyo Wakhtiyada la Adeegsanayo oo uu Qoraaagu Raaciyay Sheeko walba iyo halka ay ku haboontahay.

Habeenkan oo Dadka badankiisa indhuhu Casaadeen Qosol awgeed ayaa ugu Danbayntii waxaa la waydiiyay Soo bandhigaha Buuga Su,aalo Tiro badan oo ku saabsan Sheekooyinka buuga, waxyaabaha uu ka faa,iiday,sababaha uu ku soo xushay Buuga,iyo in sheeko Buuga ku taal soo martay isaga iyo in kale. iyo qaar kale oo farabadan, ku waasi oo uu dhamaantood si heer sare ah uga jawaabay.



Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Timacadde Readers Coordinator
Gabiley/Somaliland
mccfuture@hotmail.com