BANDHIGA BUUGA CUSUB EE QODOBBADA SALKA UHA BURBURKA QOYSKA
Waxay noo ahayd Habeen barakaysan taariikhduna ahyd 29 May 2013 oo
waliba Arbaci u d anbayso waana Xaflad balaadhan oo loo sameeyay
Gardaadinta Buuga dhawaaan curadka ah ee lamaca baxay (Qodobbada
Salka u ah Burburka Qoyska )oo ahayd mid Si heer Sare ah loo Soo
Agaasimay Waxaa ka soo Qayb Galay Dhaam ardayda Jamacadaha Kampala
iyo mar ti sharaf kale iyo xubnaha ka Tirsan Naadiga Akhriska ee
Garaadmaal ee Kampala oo qayb lib aaxle ka qaatay diyaarinta isku
diba ridka hawsha oo sifiican u dhacday iyo waliba qoraaga ama Aqoon
yahanka buuga Mr Fu’aad Cabdi Obsiiye oo ay nasiib u heleen marti
sharaftu in uu kala soo qaygalo bandhiga Buugiisa.
Buuga Qodobbada Salka u ah Burburka Qoyska oo Si wayn loogu diyaar
garoobay in badana ay xiisanayeen gaar ahaan inta Afsoomaaliga ku
hadasha eek u dhaqan Kampala, Bandhiga Buugan ayaa waxaa Nasiib u
yeeshay Yuusuf Xasan Jaamac iyo Saynab oo ka tirsan Ardayd ayda
Jaamacada Kampala Internationa University ,buugaasi oo uu qoray
Aqoonyahanka Mr Fu’aad Cabdi Obsiiye oo ay sifiican oo aad loodhacay
usoo bandhigeen iyagoo soo koobay qo ddobadi ugu muhiimsanaa ee buugu
ka hadleey ee inta badan saba ama salka u ah Burbu rla Qoyska.
Gudoomiyaha Naadiga Naadiga wax akhriska Garaadmaal ee uganda Mr
Mustafe Maxamuud Cabdilaahi oo Furitaankii Xaflada Hadal kooban ka
jeediyay ayaa ka waramay Geedi Socodka Naadiga iyo kaalinta uu kaga
jiro Wacyi Galinta Dhalinyarada iyo Kor uqaadida Aqoonta Da,y arta
Uganda Gaar ahaana Kampala, Musafafe waxaa uu aad ugu hadlay
faa’iidooyinka Wax Akhriska isagoo dhiirigalin badan ardayda usoo
jeediyey iyo bulshada kale ee jecel wax akhri ska iyo qoraalka
kaalinta ay akaga jiraan hourmarka bulshadacaalamku.
Waxa isna Halkaa ka hadlay Maxamed Cilmi samater oo wax badan ka
yidhi guurka iyo faa’iid ad uu uleeyey dhamaan bulshada isga oo
adeegsanaya waayo aragnimadiisa uu leeyahay arimaha qoyska ,kana
digay in la ga dheeraado qodobbada salka ah burburka qoyska, aadna
ugu dhiirigaliyey dhalinyarada inay guursadaan kana fiirsadaan
mustaqbalkooda noleel oo ay ku dabaqaan sunada Rasuulka (SCW).
Ugu danbayntii waxa su’aalo dhawr ah laga waydiiyey qoraaga isagoo
sifiican oo waafiya ug a jawaabay kana gudoomay ardayda waxii faalo
ma dhiiri galin ah ee ay suu jeediyeen qora aga ,waxayna aad ugu
Hambalyeey qoraaga iyo cid kasta oo suura galisay inuu buugani cu rto
,Buugan oo waxbadan ka caawin doono dhamaan dhalinyarada aan guursan
ee jecel inay wax ka ogadaan arimaha qoyska kuna hamiyaya inay
maruun hantaan hoy iyo nolol raaxo badan oo guur.
All-Mahad leh
Farxaan Maxamed Jamaac
E-Mail:farmaj776@gmail.com
Tell: +256 793530422
+256 704617659
Uganda, Kampala
|