Bandhig
Suugaaneed Loogu Magac daray Habeen kii Hargeysa iyo Walaalaha Hurre
iyo Hadraawi oo
Xalay lagu Qabtay Hotel Emperial

Hargeysa (Longlivesomaliland
News) Xaflad Balaadhan oo Si heersare ah loo Soo Agaasimay oo loogu
Magac daray Habeenka Hargeysa ee Hadraawi iyo Hurre, ayaa Xalay lagu
qabtay Huteel Imperial ee Caasimada Hargeysa. Xafladan oo ahayd mid
ay si wayn u soo agaasimeen Ururka Hidaha iyo Dhaqanka ah ee Gudgude
Form waxaanay ahayd habeen si gaar ah loogu dabaal dagayay Suugaanta
iyo Taariikhda labada Abwaan ee Cismaan Ibraahim Warsame(Hurre) iyo
Maxamed Ibrahim Warasame(Hadraawi)
Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen masuulyiin ay ka mid yihiin
Madaxa Shirkada Dahabshiil C/rashiid Dahabshiil, Madaxa xidhiidhka
Dadwaynaha Shirkada Dahabshiil Xasan Maxamed Jaamac( Xasan Xiis)
Xildhibaano ka socday Golaha Wakiilada Somaliland, Marwo Faadumo
Saciid Ibrahim, Abwaan Axmed Aw Geedi, Boobe Yuusuf Ducaale iyo
Dhallinyar aad u tiro badan oo Isugu jiray Wiilal Iyo Gabdho.
Xafladan oo ahayd mid aad iyo aad ay ula dhaceen dhammaanba ka soo
qayb galayaashii ayaa waxa lagu soo bandhigay oo labadaasi Abwaan ay
ka sheekeeyeen qaar ka mid ah Maansooyinkoodii waqtiga ay sameeyeen
iyo Sababta ay u sameeyeen.
Gudoomiyaha Ururka Gudgude Farduus Siciid Dirir oo Hadal kooban
halkaasi ka jeedisay ayaa ka warantahay Ujeedooyinka Ururka Gudgude
oo Isagu Soo Qabanqaabiyay Xaflada, Waxaana ay Tilmaantahay in
ururkani uu ka mid yahay Ururada Hidaha iyo Dhaqanka, Suugaanta
Somaliland, waxaanay Mahadnaq balaadhan u soo jeediyay Shirka
Dahabshiil oo ka caawisay Kharashkii ku baxay Xaflada,
Farduus Dirir waxa ay Sheegtay in ay Bandhigyo Noocan oo kale ah ku
soo bandhigi Doonaan Hargeisa, Tartano Dhinaca Suugaanta ahna ku
Qaban Doonaan, iyada oo Xustay in Canbaro ay ka maqnayd Cawayskaasi
oo Dadku aad u Xiisaynayeen Ciyaarihii iyo Maansooyinkii ay
iswaydaarsadeen Hurre walanwal, balse ay sheegay in Hurre iyo
walalkii ay Caawa Madashan ka muuqdaan.
Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Ucid Dr.Maxamed Rashiid
Sh.Xasan oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa Mahadnaq
balaadhan usoo jeediyay Ururka Dhalinyarada ah ee Soo Qabanqaabiyay
Xafladaasi qiimaha badnayd, Mr.Maxamed Rashiid waxa uu ku soo
dhaweeyay Cawayskan Walaalaha ilma walanwal, Isaga oo xusay inuu
Maanta Sito mid ka mid ah Shaadhadhkiisa badan oo uu ku hadlayo kii
Dhaqanka iyo Dhalinyaradda, Siyaasaduna ka reebantahay.
Abwaan Axmed Aw Geedi Amiin(Dheeraad) oo halkaasi ka hadlay ayaa ka
sheekeeyay Taariikh Nololeedka Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame oo
loo yaqaan Hurre Walanwal. Waxaanu sheegay in uu Abwaanku ku dhashay
Magaalada Caynaba ee Gobolka Saraar. Waxa kale oo uu tilmaamay in
Abwaanka imika ay da’diisu tahay 63 jir oo uu dhashay Dayrtii Hayaan
dheer. Abwaan Axmed Aw Geedi waxa uu sheegay in abwaanku tiriyay
Suugaan aad iyo aad u tiro badan isla markaana uu ka soo ciyaaray
goobo aad u kala duwan.
Abwaan Cismaan Ibrahim Warsame(Hurre) oo isaguna halkaasi ka hadlay
ayaa aad iyo aad ugu mahadnaqay Shirkada Wadaniga ah ee Dahabshiil
oo uu sheegay in ay Ummada u qabato adeegyo aad u wanaagsan. Waxa uu
Abwaan Hurre sheegay in uu inta badan isagu ku Noolaa Dhulka
baadiyaha ah taasina ay keentay in aan Magaciisa la baran muuqiisana
la arag. Waxa kale oo uu tilmaamay in uu Reer Baadiye-nimada uu ku
faano oo uu ku xaragoodo. Waxa uu Abwaanku aad uga sheekeeyay
qisadii dhex martay isaga iyo Canbaro. Waxaanu xusay in ay jireen
Dad kale oo tiro badan oo ciyaartaasi ka qayb qaatay hasa ahaatee,
ay inta badan Dadku ay xasuustaan Labadooda. mar hadii aanay Dadku
waqtigaasi waxba qori jirin aanay taasi suurto galin-buu yidhi, in
la wada xasuusto Suugaantii halkaasi laga tiriyay.
Cismaan Ibraahim Warsame(Hurre) waxa uu Ka soo qayb galayaashii uu
halkaasi ugu akhriyay laba Maanso oo uu leeyahay oo kala ah: Falaadh
Bidix iyo Gaboobe, kuwaasi oo aad usoo jiitay Dadwaynihii ka
qaybgalay, qiiro galiyay mar uu ka hadlayay Maansada Falaadh bidix
iyo Dagaaladii sokeeye.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Abwaan Maxamed Ibraahim
Warsame(Hadraawi) oo sheegay in uu caawa rabo in uu Bulshada u
gudbiyo hadal dhaxal gal oo wax tara halkii uu ka qoslin lahaa. Waxa
uuna tilmaamay in arintaasi ay tahay lagama maarmaan oo ay Bulshadu
mar walba u baahan tahay cid wax ku soo kordhisaa. Waxa uu halkaasi
ka akhriyay Maansada caanka ah ee Sirta Noloshavoo ka mid ah
Maansoooyinkiisa taasi oo uu sheegay In ay barigii ay soo baxday ay
ahayd mid xasaasi ah isla markaana ay taalay muddo labaatan sanno
ah. Waxa uu tilmaamay in uu maansadaasi curiyay 1986-kii. Waxaanu si
wayn u sharaxay sababaha uu u curiyay Maansadaasi, jawiga waqtigaasi
oo ahaa mid colaadeed iyo in uu ugu Magac daray Gabadh uu dhalay
Rashiid Cabdillaahi(Gadh-wayne) oo ay saaxiib ahaayeen laguna
magacaabo Sahra.
Qaybtii danbe ee Xaflada ayaa qaar ka mid ah ka soo qayb galayaashu
Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame oo ku Magac dheer Hurre ay Su’aalo
la xidhiidha Suugaatiisa ku waydiiyeen.
Su’aalahaasi oo aad u tiro badnaa waxa ka mid ahaa in uu sharax ka
bixiyo baydad ka mid ah gabayadii ay is waydaarsadeen Canbaro Axmed
waxaanu dhamaanaba su’aalahaasi uga jawaabay si ay ku diirsadeen oo
ay ku qanceen.
Dhammaanba ka soo qaybgalayaashii Xaflada ayaa si wayn uga mabsuuday
qaabka uu Hurre Walanwal ugu soo gudbinayay Sheekada iyo
Maansooyinkiisaba.
Waxa si gaar ah ay Dadku u xiisaynayeen Labada Abwaan ee Walaalaha
ah ee isa soo garab fadhiistay oo uu Eebe labadoodaba hibada u
siiyay Curinta Suugaanta. Waana xafladii ugu horaysay nooceeda oo
guud ahaanba Dalka laga sameeyo.
Baryahan danbe waxa soo badanaya Barnaamijyada noocan oo kale ah ee
lagaga hadlayo suugaanta isla markaana lagaga nasanayo dhinaca
Siyaasada taasi oo aad moodo in ay imika Dadku ay aad uga daaleen oo
ay ka soo jeedsadeen.
Waxa Xafladan ka horaysay mid lagaga hadlayay Dareenka Jacayl ee soo
Maray Siyaasiyiinta Somaliland. Waxana Barnaamijkaasi oo aad iyo aad
u xiiso badnaa ka soo qayb galay Hogaamiyayaasha Axsaabta Mucaaridka
ah oo uu midkastaaba uu ka sheekeeyay waqtigii ugu horeeyay ee uu
Jacayl haleelo iyo cida uu jeclaaday.
Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe
Future)
Longlivesomaliland News Reporter
Hargeysa Office/Somaliland
mccfuture@hotmail.com
|