War murtiyeed uu soo saaray musharaxa madaxweynaha xisbiga UCID Iyo
fariimo uu u kala dirayo xukuumadd a,golayaasha iyo shacabka
Somaliland
Waa lagama-maarmaan in la dhowro geeddi socodka nabadda iyo
dumuqraadiyadda S/land, wa ana waajib saaran dhammaanteenba in aynu
meel uga soo wada jeedsano jiritaanka iyo adkay nta qaranimadan
curdinka ah ee S/land.
Waa ayaan darro ah in 23 sano kadib ay cidiidhi casho dhowrista
xuquuqda shakhsiga ah ee mu waadiniinta S/Land loona geysto
xadgudubyo badan iyo xadhig aan loo marin sifadii sharciga a hayd;
Waa ayaan darro in 23 sano ka dib shacabka S/land la kulmaaan
cabudhiskii ugu cuslaa ee la saaro saxaafadda iyo xoriyatul qowlka
iyo in la horkeeni waayo sharciga dadkii geystay fal-dambiyeedyo iyo
weeraro aan qarsoodi ahayn;
Waa ayaan darro in 23 sano ka dib, ay S/land ka dhacdo awood
sheegasho aan dastuurka waafaqsanayn iyo dhaqamadii kalitalisnimada
“Dictatorship”;
Waa ayaan darro in ciidamada amniga loo adeegsado sifooyin aan
sharci ahayn shacabka oo si nabada u muujinaya dareenkoodana lala
dulmaro xoog ciidan,
Waa ayaan darro 23 sano kadib in la waayo caddaalad loo siman yahay
iyo wax wada lahaansho;
Waa ayaan darro in dhalinyaradeenii ku dhammaanayaan tahriib markay
arkeen rajo xumada ka muuqata hannaanka maamul iyo mustaqbal xumada
ku soo fool leh S/land;
Amuurahaas oo dhami waxay halis ku yihiin jiritaanka iyo qaranimada
S/Land, waa horumar la’aan, waa rajo beel, waa cadaadis iyo
dhaqamadii uu shacabkani ka dagaalamay, waa mid u baahan ka hortag
iyo in laga yeesho aragti isu-mida, waxaana lagama maarmaan noqotay
inaan u gudbiyo fariimo Xukuumadda, Golayaasha Wakiilada iyo
Shacabka S/Land:
FARIINTA XUKUUMADDA:
Waxaan jeclahay inaan xusuusiyo waajibaadkooda oo ku soo ururaya
ilaalinta sharciga, waxan leeyahay:
Xusuusta in aad ku timaadeen sifo dimuqraadiya iyo doorasho la
idinku doortay markii aad ugu baaqdeen shacabka S/Land ballana ugu
qaadeen in aad ka fiicnaan doontaan Xisbigii UDUB, shacabkuna codkii
idin siiyey laakiin aydaan ku iman xoog iyo ciidan.
Xusuusta in aad dhowrtaan sharciga aad kufadhidaan, dib isu saxa oo
ka wantooba kutumashada sharciga, taasaa dantu ku jirtaaye;
Xusuusta in aan shacabka S/land xoog lagu kasbanayn, xoogga iyo
cabudhiskuna aanu xal idiin noqon doonin balse uu soo dedejin doono
isbeddelka shacabku u ooman yahay;
Xusuusta in aad ku dhaarateen kitaabka quraanka ah in shacabkan aad
ku dhaqi doontaan sharci, ilaahayna la idinku xisaabin doono;
Xusuusta in aanaan ka hadhayn tacdiyada loo gaysanayo xuquuqda
muwaadiniinta ee aanu gaadhsiin doono, caalamka iyo hay’adaha ku
shaqada leh ilaalinta xuquuqal insaanka.
FARIINTA GOLAYAASHA:
Shacabka S/Land wuxu udoortay Golaha Wakiiladu in ay dabar u noqdaan
xukuumadda hase yeeshee Xukuumaddu in ay dabarka goosato waxaa u
saamaxay Golayaasha Sharcidejinta gaar ahaan Golaha Wakiiladda.
Waayo haddii ay sharciyadda ku ilaalinayaan xukuumaddu dabarka ma
goosateen.
Waxaan xasuusinayaa mudanayaasha golaha wakiilada, in laga soo
doortay gobolada dalka, in ay matalaan shacabka S/Land, ha u
qaadanina inaad u soo shaqo tagteen kursiga aad fadhidaan.
Waxan idin xusuusinayaa inaad gudataan waajibkaad u qaaddeen
shacabkan oo ah dhowrista iyo ku dhaqanka dastruurka.
Mudanayaasha xalaasha ah ee faro ku tiriska ah ee u damqanaya danta
dadka iyo dalka, waxaan leeyahay shacabka S/Land wuu idiin
aqoonsanyahay sharafka iyo karaamadiinuna way jiri doontaa if iyo
aakhiroba; inta kalana waxan ugu ducaynaynaa in ilaahay garansiiyo
gudashada waajibkooda, waayo dalka iyo dadkaba lexejeclo ayaan u
qabnaa mana rabno in dhibi ku timaad jiritaanka iyo geedi socodka
dimuqraadiyadda iyo hanaanka maamul ee S/land. Waxaa hubaal ah in
taariikhdiinu qormayso oo aanu shacabku saamixi doonin wixii kaga
lumay ama kaga luma xilka wakiilnimo.
FARIINTA SHACABKA
Shacabka S/land sharaf buu mudan yahay, amniga iyo kala dambayntuna
xaggooda ayay mar walba ka jirtaa waxaanan ugu baaqayaa xoojinta
nabadda, hase yeeshee waxaa lagama maar maan ah, in sifo nabad ah
lagu muujiyo dareenka shacabka.
Cabashadii shacabku waxay maraysaa halkii ugu sarraysay, waxaa
cidiidhi ku jira xorriyaddii mu waadiniinta, waxaa afaaf dhaafay
caddaalad darro, awood sheegasho iyo sharci la’aan keent ay in
ubadkeenii rajo xumada u muuqata darteed ku dhammaanayaan tahriib.
Waxaa la inagu tijaabinayaa in aan qaadan karo iyo in kale dhaqanno
aynu ka soo gudubney “Ma wax la qaadan karaa baa in maanta oo 23
sano aynu nabad iyo dimuqraadiyad iyo sharaf ku noolayn in la inagu
soo rogo WARQAD DHAQDHAQAAQ? Jawaabtu waa maya, waana lagama
maarmaan in shacabku muujiyo dareenkooda.
Sidaa darted waxaan ku boorinayaa dhammaan shacabka, gaar ahaan
dhalinyarada iyo bahda aqoonta oo ah mustaqbalka ummaddani leedahay
in ay xoojiyaan banaanbaxa iyo mudaharaad ka uu ku baaqay Musharaxa
Xisbiga Caddaaladda & Daryeelka (UCID) Aqoonyanhan
JAMAAL CALI
XUSEEN, oo dhici doona maalinta xuquuqul inshaanka oo ku beegan
10ka
bishan Dec’13.
Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa jaaliyaddaha debedda gaar ahaan inta
taageersan dhowrista xuquuqda aadanaha in ay xusaan maalintan kana
hadlaan dareenkooda, uguna baaqaan xukuu madda uu Hoggaaminayo Mudane
Siilaanyo in dhaqamada noocan ahi haddii ay sii socdaan ay halis ku
keeni karto jiritaanka Qaranimada
Xisbiga Caddaalada iyo daryeelku wuxu isu soodubaridii doonaa
tacaddiyaddii dalka ka dhacay 6 – 12 kii bilood ee u dambeeyey oo
lasoo bandhigi doono.
Ilaahaybaa mahadleh – S/LAND GUUL.
C/Rashid Xasan Mataan
MUSHARAXA M/W/Xigeenka UCID
|